Sign in to follow this  
bambo

TIME TO LIBERAT BAYDHAWA ;)

Recommended Posts

bambo   

Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay Degmo kale oo ku dhow fariisinka Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

Sabti, December 02, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay maanta la wareegeen gacan ku heynta Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Bay, kaasi oo ay qeyb ka mid ah ka taliso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

Afhayeenka Golaha Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Cali Muudeey ayaa sheegay in ay Maxkamadaha Islaamka halkaasi gaareen kadib markii sida uu hadalka u dhigeen ay u yeerteen dadka degmadaas ku dhaqan oo go'aansaday in ay maamul ahaan hoos tagaan Golaha Maxkamadaha Islaamka.

 

 

 

C/raxiin waxaa uu sheegay in ay degmadaas haatan wixii ka dambeeya ay tahay degmo hoos timaada Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna ka digay in la weeraro, isagoo sheegay in haddii la weeraro ay la mid tahay iyadoo la wareeray Maxkamadaha Islaamka.

 

 

 

Afhayeenka wuxuu intaas ku daray in dhawaan Degmadaas laga hirgelin doono maamul hoos yimaada Maxkamadaha Islaamka, kaasi oo ay soo doorteen dadka deegaanka, wuxuuna iska fogeeyay in ay Maxkamadaha Islaamka xoog ku tageen halkaas.

 

 

 

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Bay ayaa waxay hoos tagtaa Gobolka Bay oo gacan ku heyntiisa iyo maamulkiisaba ay horay u sheegan jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

 

 

Waa Degmadii labaad oo gobolka Bay ka tirsan oo ay Maxkamadaha Islaamka la wareegaan, waxayna horay uga talinayeen Degmada Buur-Hakaba, waxayna taasi dad badan ku tilmaamayaan in ay Maxkamadaha si qunyar ah ugu sii baahayaan Gobolka Bay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ciidamada DFS oo uu horkacayo Barre Hiiraale oo u baqoolay Diinsoor

 

 

Baydhabo 02, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Ciidamo taabacsan dowladda somalia oo uu horkacayo wasiirka G/dhigga dowladda Somalia Barre Hiiraale oo ay wehliyaan ciidamo Ethiopian ah ayaa u dhaqaaqay deegaanka Diinsoor ee gobolka Baay, iyadoo maanta degmadaasi ay la wareegeen ciidamada maxkamadah islaamka.

 

Ciidamadaan oo ku hubeysan gawaarida dagaalka oo aad u fara badan ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Baydhabo, iyagoo u ruuqaansaday dhinaca degmada Diinsoor ee gobolka Baay sida ay shabelle u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan magaalada Baydhabo.

 

Ciidamadaan ayaa sida la sheegay waxa ay ahaayeen kuwo aad u qalabeysan, duulaana ku ahaa magaalada Diinsoor oo maanta ay la wareegeen golaha maxkamadaha islaamka, iyadoo laga cabsi qabo in halkaasi uu dagaal ka qarxo.

 

Si kastaba ha ahaatee dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira gobolka baay ayaa ku soo beegmay xilli golaha amaanka uu ka fadhiyo maalinta isniinta ah qaadista xayiraadda hubka ee Somalia, ka dib markii shalay dowladda mareykanka ay qaraar u qeybisay xubnaha golaha amaanka.

 

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Who would have thought a year a half ago Oromo Liberation Front and Pakistani merceneries would be in control of Kismaayo airport?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by HornAfrique:

Who would have thought a year a half ago Oromo Liberation Front and Pakistani merceneries would be in control of Kismaayo airport?

The whole purpose of S-ICU going to Kismaayo was for Alqaeda. There is no other reason what so ever.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Hornafric ^^^^^^^^^^^^^^^^

 

Wheres pictures and proof that arabs are running Kismayo airport . since the airport is fully functioning dialy, then people would of seen or spote the arabs and pakistans at airport .

 

Why would they come to somalia when its internal battle . They are needed in Iraq and Afganistan . Why is it hard to spot them but not hard to spot Tigrey toops .

 

Barre was never againts Abdulahi yusuf , he was always playing it smart , He new wether he sides with TFG or not his not significant factore .

 

Alqead :eek: :eek: :eek: captured kismayo , thats realy sad my friend .

 

i see for some of us here in SOL kismayo was a strong hold , something to br proud of , i see is very hard to beleive Barre is gone without shot fired!!!!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this