Sign in to follow this  
Xudeedi

Traditional Elders led by Ugaas Xasan Ugaas Yasiin Arrived in Haylaan region (audio)

Recommended Posts

Xudeedi   

Isimo ka kooban isimada beelaha gobolka Bari oo soo gaarey degmada Dhahar.

 

Dhahar (SPR): Isimada iyo cuqaasha gobolka Bari ayaa waxay maanta soo gaareen degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan. Isimadan ayaa waxay u yimaadeen shaqaaqo dhawaan ka dhacdey degmada Dhahar oo ay dad ku nafwaayeen sidii ay u xalin lahaayeen.

 

Arintan ayaa waxay dadku intiisa badan leeyihiin waxaa lagu xiriirinayaa aano qabiil kadib markii deegaanka Qardho lagu diley nimanka wax toogtey shalay walaalohooda. Isimada gobolka Haylaan ayaa arintan aad uga hortagay isla markaana ku howlan xalinteeda.

 

Waxaa maanta sidoo kale aad ugu howlan xalinta shilkii dhacay isimada gobolka Bari oo uu hogaaminaya Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin, waxaa kaloo weheliya Suldaan C/laahi Cumar Saalax, Beeldaaje Ismaaciil Yaasiin, Suldaan Baashi Koonte, Suldaan Daa’uud Faarax, Suldaan Siciid Guuleed Sanyare, General Cali Ismaaciil, Suldaan Ciise Maxamed Ciise, iyo isimo kale.

 

Isimadan ayaa waxay soo gaareen degmada Dhahar galabnimadii maanta, halkaasoo si wanaagsan loogu soo dhaweeyey. Isimada ayaa idaacada SPR uga warbixiyeen socdaalkooda, isla markaana sheegay in ay maanta nasan doonaan barina la shiri doonaan isimada gobolka Haylaan. Suldaan C/laahi Cumar Saalax Jeenicad ayaa idaacada Somali Public Radio warbixin kooban siiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this