Sign in to follow this  
SOO MAAL

Maraakiib iyo Diyaarado si joogto ah looga arko Badda iyo hawada Soomaaliya

Recommended Posts

SOO MAAL   

AC-130_large.jpg

 

Sabti, December 25, 2004 (HOL) @20:30GMT: Warar aynu ka helnay ilo muhiim ah oo ku dhow dhow mas’uuliyiinta dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa sheegaya in labo mudane oo ka tirsan Aqalka Odayaasha Mareykanka ay ku wargeliyeen in ay Mareykanku haatan ka baxeen moqwifkoodii ahaa sug oo arag ee ay horay uga taagnaayeen xaaladda Soomaaliya, isla markaana ay doonayaan in ay si dhab ah wax uga qabtaan dhibaatada Soomaaliya oo ay gacan weyn ku siin doonaan dowladda cusub ee lagu dhisay dalka Kenya.

 

Mudanayaasha ka socday Aqalka Odayaasha Mareykanka oo magaalada Nairobi todobaadkii hore kulamo kula yeeshay mas’uuliyiinta dowladda cusub ayay sidoo kale wararku sheegayaan in ay kula dardaarmeen in ay noqdaan kuwo si dhab ah uga howlgala in Soomaaliya laga saaro dhibaatada.

 

Kadib markii uu hadalkan soo baxay todobaadkii hore ayaa hawada Soomaaliya lagu arkay diyaarad nooceeda lagu tilmaamay AC130, iyadoo sidoo kalena ay dadka ka ag-dhow xeebaha Soomaaliya ay sheegayaan in ay habeenkii arkaan Maraakiib aad ugu soo dhawaata oo aan weli la xaqiijin nooca ay yihiin iyo weliba cidda iska leh.

 

Arrintan ayaa sidoo kale soo if-baxday kadib wareysi dhiillo xambaarsan oo uu bixiyay ku xigeenka Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca Bani’aadannimada Mr. Jan Egeland, kaasi oo sheegay in xaaladda Soomaaliya uu heerkeeda ka hooseeyo sidii ay ahayd sanadkii 1992-kii, taasoo keentay in Soomaaliya loo soo diro ciidamo wax ka qabta xaaladdii bani’aadannimo ee taagneyd xiligaas, inkastoo aaney weli mas’uuliyiinta dowladda cusub ka hadlin dhaqdhaqaaqyada diyaaraddaas lagu tilmaamay AC130 iyo maraakiibta kale ee laga sheegayo xeebaha Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this