Sign in to follow this  
Kowneyn

The International community is finally doing the right thing

Recommended Posts

Kowneyn   

MAXKAMADA CARUUSHA OO KU BALAN QAADAY IN AY BILAABI DOONTO DHEGEYSIGA DANBIYADA LAGA GALAY SOMALILAND.

Ismaaciil Barkhad Muxumud — ( ) — 8 April, 2004

--------------------------------------------------------------------------------

 

MAXKAMADA CARUUSHA OO KU BALAN QAADAY IN AY BILAABI DOONTO DHEGEYSIGA DANBIYADA LAGA GALAY SOMALILAND.

 

Waxa aan ku hawlanaa mudo iminka wakhti laga joogo, sida aan u suurto gelin

lahaa in la soo bandhigo lana dhegeysto, dacwadaha xasuuqa ah ee laga galay

dadka reer Somaliland xilliyadii keligii taliyihii Siyaad Bare dalka ka

talin jiray. Waxa ay gaadhaan dadka lagu laayay Somaliland 500.000 oo qof

shan boqol oo kun oo qof, taas oo marka lagu qiyaaso dadkii lagu laayay

Ruwandha noqonaysa tira ka yar, laakiin u baahan in la raadiyo xaqooda.

Maxkamaduna naga aqbashay.

 

 

Waxaan ka furtay ganacsi dalka Ugandha, oo aan hore uga sheekeeyey sababaha

igu kalifay in aan ka furto, Waxaan kaloo kaga sheekeeyey in aan diyaar u

ahay in aan wax la qabto dalkayga iyo dadkayga awoodi halka ay I dhigto

mooyee. Waxaana ku jiray dadaal aad u balaadhan oo aan rabay in UN ogaalato

in maxkamada Caruusha dhegeysto sida Ruwandha danbiyada laga galay loo

dhegeystay dar la midana laga galay Somaliland, taas oo aanu ku doodnay in

ummaduhu xaq u leeyihiin in ay u sinaadaan cadaalada iyo sharciga hortiisa,

waxaanu kaloo qabnaa in dhegeysiga iyo is cafiska ku iman karo haddii dadkii

laysu dhegeysto. Danbiyadii laga galay Somaliya guud ahaan waxay dawo u

noqon kartaa, haddii laysu dhegeysto Somaliya iyo Qaarada Afrikaba,

arrintani waxay u furaysaa wada cusub qaab nololeedka Afrika iyo

hoggaamiyayaasha haga siyaasadooda.

 

Waxaan hadaba intaa ka dib si kooban idiinku soo gudbinayaa reer

Somalilandnow, in ay maanta gaadhnay guul iyo talaabo hor leh oo aynu ku

cadaynayno in aanay jirin cid inta ay danbi inaga gasho ku raaxaysan karta

huteelada waaweyn ee Afrika, kana talin doonta masiirka Ummada Somaliya

kuwaas oo ay magacooda ku galeen danbiyo badan.

 

Maxay naga aqbashay maxkamadu.

 

Maxkamadu waxay naga aqbashay in la dhegeysto dacwadahaa horaanta sanadka

soo socda, waxayna ku guubaabiyeen ama amreen dawladaha ku bahoobay urur

goboleedka IGAD iyo dawladaha qaxoontinimada bixiyaba, in haddii aanu ka

codsano mid ka mida hoggaamiye kooxeedyada iyo kuwa ula jooga marti ahaanba,

oo iman waayaan wakhtiga aanu u qabano ay tahay, masuuliyad saaran iyaga in

ay keenaan maxkamada horteeda, taasina tahay mid xaq loogu leeyahay oo ka

mida sharciyada ay saxeexeen ee UN.

 

Dadka aanu ku joogno raacdadooda ee naloogu balan qaaday in la dhegeysto waa

dad badan, waxaase u horeeya gacan ku dhiigle, Maxamed Xaashi Gaani, Moorgan

iyo Col; Cabdicasiis ku xigeenkiisii oo aanu ku joogno raacdo halka uu joogo

oo aanan u hayn war iminka filaynana in aad noo soo gudbisaan. Ninkaas

magaciisa ma soo gudbinayo iminka illaa aanu ogaano halka uu ku nool yahay,

waxa uu ku xigay markii laga saaray SNM iyo dadkii degaanadaa ku noolaa

dhulkoodii, wakhtigaas oo ay i Cabdicasiis iyo ku xigeenkiisuba ku kaceen

xasuuq fara badan. Waxaanu idinka codsanaynaa in aad noo soo gudbisaan

meesha uu ku nool yahay.

 

Waxaa ka mida dadkaas qaar wasiiradii xilligaa ahaa sida, Cali samatar,

c/rahmaan Jaamac Bare oo aanu ka hayno balanqaad xukuumada ay martida u

yihiin haddii loo baahdo in ay imanayaan. Dadka aanu magacyadooda gudbinay

oo gaadhaya 46 qof oo danbiile, waxaanu idinka codsanayaa in aad soo

gudbisaan faldanbiyeedo waxa aanu hayno mooye waxa naga maqan ee idinka

idinku dhacay ama aad arkayseen markay dhacayeen oo aad markhaati ka noqon

kartid, wax laydiinka sheekeeyey looma baahna, anaga oo aaminsan dacwadahan

oo aanu mudo uruurinaynay in aanu hayno in nagu filan oo aanu maxkamad ku

taagno denbilayaashaas, hadana wax aad noo kordhisaan waanu idiinku

mahadnaqaynaa.

 

Hawshan yaa hormuud ka ah.

 

Hawshan waxaa wada aniga oo ah Barkhad iyo saaxiibkayga qaaliga ah ee Tony

Powel iyo labadayada qareen ee midna yahay Maraykanka, midna yahay Polishka

ee kala ah Cadnaan Al-Qaalibi oo haysta dhalasho polish ah iyo Willian Harry

oo ah nin maraykan ah. Waxaa iyana mudan saaxiibkay Bill Harry oo ah

walaalka qareenka maraykan ah oo nala barbar istaagay dhaqaale iyo xoolo

waxa aanu uga baahano oo aan la,aantii hawshani suurtogasheen. Waxaan isna

qalbiga ka xusuustaa aadna iigu dheer Prof: Anthony Carlson oo ah khabiir ku

takhasusay sharciyada waxna ka dhigi jiray jaamacada Cambridge ee cariga

Ingiriiska , hadddeerna nala jooga Dalka Tansania si hwlahan farsamo ahaan

wax nagala qabto.

 

Waxaan kaloo halkan ku soo gudbin lahaa in ay tahay muhiin in aanu u sheegno

dadka haya xogaha dhabta ah ee xasuuqyadii iyo ciddii geestay ee laga galay

shacbiga Somaliland in aanu diyaar ula nahay in aanu anagu qabno kharashka

ku baxaya inta ay joogaan dalka Tansaniya ee markhaatigooda la dhegeysanayo,

kharashkaas oo noqon doona mid masaariif ahaan ugu filan maxkamduna xadidi

doonto, haddii kale bahiyaha yaala awgeed baa la filayaa in aanu macluumaad

been ah iibsanayno.

 

Waxaan kaloo ku boorinayaa shacbiga Somaliland in aarintani tahay muhiim

kana qayb qaataan, waxaa dhici doonta xilliyo ay hawshu geli doonto weji

adag laynagana dalban doono qaar eedaysanayaal ah, markaa waxaan filayaa in

aynaan xaqeena cidna uga hadheen, kagana carareen waa nala qolo oo dhiibi

mayno, ama ixtiraam baanu u haynaa. Qofkaasi idinla qolo ma ahayn markii uu

ka qayb qaatay xasuuqiina, ixtiraamna idiinma hayn, waxaan filayaa in idina

aydaan maanta si cadaalada loo horkeeno haddii loo baahdo aydan odhanayn

hadalaas.

 

Waxaan kaloo ku boorinayaa taliyaasha Cidamada qaranka ee Jiida hore, kuna

dadaalaya in ay xuduudaha soo xidhaan in ay ilaaliyaan xuquuqda shacbiga

Somaliland ee halkaas degan, oo haday ku tagri falaan aanu u gudbin doono

shakhsiyaadkaas maxkamada lafteeda. Waxaanse ugu mahadnaqayaa qaabka ay

hawsha u wadaan illaa iyo hadda iyo dad jacaylka iyo dal jacaylka ay u

muujiyeen degaanadaas.

 

Waxaan u mahadnaqayaa oo hawshan wax ka qoray ama naga siiyay macluumaad

ururadan iyo shakhsiyaadkan hoos ku qoran. Waxaa hawshan door libaaxnimo ka

qaatay.

1. ururka Raaqiya Oomaar iyo iyada lafteeda oo mudo ku hawlaneed hawshan.

2. Shakhsiyaad ka mida guddidii loo saaray dabagalkii xasuuqa ee Somaliland

laga galay.

3. Mujaahidiintii SNM iyo Siyaasiyiintoodii oo door wayn ka qaatay raadinta

xogahan.

4. Urur qarameedka KULMIYE oo aad noogu booriyey in aanu adduunyada u

bandhigno danbiyadii Somaliland laga galay.

5. Xukuumada Somaliland wasiiro badan iyo masuuliyiin sarsare oo ka mida.

6. Ururka Ucid xubno ka tirsan oo qurbo jooga.

7. Haweenkii mujaahidiintii SNM iyo agoomihii Mujaahidiinta .

8. Golaha Salaadiinta Somaliland oo door wayn ka qaatay,aanuna ka xunahay

ninkii aadka noola shaqeeyey oo maanta xidhan Boqor Cismaan Aw-maxaumuud

Buurmadow oo ah nin u dooda xaqa dadka la dulmiyey.

9. Waxaanu kaloo u mahadnaqaynaa dhamaan shacbiga Somaliland oo dhan, oo

isla kaaya barbartaagay taageero iyo guubaabo.

 

Waxaan kaloo mahad aad u wayn u gudbinayaa saxaafada Somaliland oo hal

doorkii noqotay horumarinta ummada Somaliland, waxaanu kaloo ku soo

gabagabaynayaa xukuumada Somaliland in ay hawshan nagu keliyeen oo aad moodo

in ay nagu kaliyaysay, ugana baahanahay taageero inta hadhay.

 

Waxaan ku soo gebegebaynayaa waa maalin weyn iyo taariikh hor leh oo u

bilaabantay reer Somaliland, illahay baa mahadaa leh ee cid kale malaha .

 

Waxaan leeyahay daawanaayow waa dadkaagii ee la qabo wax.

 

 

Ismaaciil Barkhad Muxumud.

Barkhad63@hotmail.com

 

The war criminals will wish they had kept a low profile.

 

Kowneyn

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Anyone can write what they want, let's not all rush to it like it's true. Why haven't any news organizations, even Somali ones, report it?

 

Second of all why would an international organization name "Somaliland" and not crimes commited in Somalia? For those of you who forget, "Somaliland" is still a legal part of Somalia, whether you like it or not.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

this is great news

 

for those who commit crimes against the people of somaliland will sooner or later face justice, if death doest catch them first. whether international comminity or the somaliland government delivers this juices but the important think is that these individuals pay their dues to the people of somaliland and somalia. but until then let them live marked men.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

GOOD NEWS,,SOMALILAND GOVERN MAY REJECT THIS, AS THEIR LEADER ,RIYALE, WILL BE AMONG THE FIRST ONES CALLED FOR INTEREGATION!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this