Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland To Observe Kenya Elections

Recommended Posts

Hargeysa(Qaran)- Sadex xubnood oo ka tirsan masuuliyiinta sadexda Xisbi Qaran, ayaa maanta u kicitimay magaalada Niorobi ee wadanka Kenya, oo lagu marti qaaday inay goob jog ka noqdaan doorashooyinka baarlamaanka ee 27-ka bishan December ka qabsoomaysa.

 

Xubnaha xisbiyada Somaliland ee u socdaalay dalka Kenya waxay kala ahaayeen Xuseen Axmed Caydiid, oo ka tirsan gudida fulinta ee xisbiga KULMIYE, Cabdilaahi Siciid Dheere, oo ka mid ah gudida fulinta UCID iyo Gudoomiyaha Siyaasada Xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax

 

 

Masuuliyiintan ayaa waxa u suurto geliyay marti-qaadka ay ka heleen dalka Kenya Machad caalamiya oo ka shaqeeya horumarinta dimuqraadiuyada oo laga leeyahay Maraykanka, oo la yidhaahdo [iRA].

 

 

Dhinaca kale, waxa Magaalada Nairobi ku sugan Gudoomiye ku xigeenka Komishinka doorashooyinka Somaliland, Md Xisri Cali X Xasan iyo sadex xubnood oo kale oo komishinka ka mid ah, kuwaas oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa halkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afar xubnood ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyekuxigeenka Komishanka, ahna kusimaha Guddoomiyaha Komishanka, Xirsi Cali X. Xasan ayaa maanta ka ambabaxay dalka, iyaga oo u kicitimay xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

 

Guddoomiyekuxigeenka Komishanka oo suxufiyiinta ugu warramay madaarka Hargeysa, ka hor intii aanay halkaa ka dhoofin ayaa sheegay in ay martiqaad ka heleen Komishanka Doorashooyinka dalka Kenya, isla markaana ay goobjoog ka noqon doonaan doorashada Madaxtooyada Kenya ee dalkaa ka dhici doonta 27ka bishan December. Waxana uu sheegay in saddex xubnood oo ka kala socda saddexda xisbi qaran ay iyaguna ku biiri doonaan ilaa Isniinta soo socota.

 

Xirsi waxa uu sheegay in ujeedada loogu martiqaaday doorashada Kenya ay tahay inay ka korodhsadaan aqoon iyo waaya-aragnimo.

 

Waxa kale oo uu sheegay in muddada ay joogaan Nairobi ay kulamo kula yeelan doonaan halkaa Deeqbixiyayaasha caalamiga ah oo ay ka wadahadli doonaan kaalmada ay ka geysan doonaan doorashooyinka soo socda ee Somaliland iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha.

 

Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka iyo horumarinta dimuqraadiyadda oo uu ugu weyn yahay Midowga Yurub ayaa ballanqaaday inay bixinayaan 75% kharashka ku baxaya labada doorasho ee soo socda ee Deegaanka iyo Madaxtooyada iyo weliba Diiwaangelinta codbixiyayaasha, sida uu sheegay Komishanka Doorashooyinka oo dhowaan kulamo uu kula soo yeeshay Nairobi, iyada oo xukuumadda Somalilandna ay bixinayso 25%, isla markaana ay ballanqaaday.

 

Dhinaca kale, Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka, Xirsi Cali X. Xasan waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay u siideysey Komishanka qaybtii ugu horreysey kharashka loogu talagalay doorashooyinka, taas oo dhowaan xubin ka tirsan Komishanka Doorashooyinku uu sheegay in xukuumaddu ay u diiddey Komishanka lacagta, taas oo uu ku tilmaamay in xukuumaddu aanay diyaar u ahayn in doorashooyinku dhacaan wakhtigeeda.

 

Guddoomiyekuxigeenka Komishanku waxa uu sheegay in ay heleen 1.5 Bilyan oo Somaliland Shilings oo ka mid ah lacagta ugu jirtey Miisaaniyadda 2007 doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo dhan 8 Bilyan Somaliland Shilings ah, isaga oo sheegay in lacagta inta hadhayna ay xukuumaddu marba in siideyn doonto, intanna ay hawsha ku sii bilaabi doonaan.

 

Mr. Xirsi, waxa uu sheegay in lacagtaa 1.5 Bilyanka ah loogu shubay Xisaabta Baanka ee Komishanka, isaga oo sheegay in xukuumaddu ay u sheegtay in aanay lacag haynin, isla markaana marka wixii la helo la siin doono.

 

__

 

Source: Somaliland Org

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Peace action,

 

Somaliland is better than Kenya in elections. Actually people are killed at this time in their own homes in Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Redka,

Please be modest. Kenya is a country which had elections since 1960. You had only one or two election and you already postponded the scheduled election and no one knows what will be the future since their is war looming in the horizens.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Peacation,

 

Somaliland may only have onyl had a few elections and referendums but they were all peaceful and considered to be some of the most fair and democratic elections and referendums to have taken place in africa, as was commented by all the observers that observed the somaliland elections and referendums. that's why its no wonder that they are asked to have a look at the kenya elections and make their observations.

 

Peace

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this