Sign in to follow this  
Cowke

Awdal Govenor Resigns As Raging Protests Continue In Boorama

Recommended Posts

Cowke   

Guddoomiyihii Gobolka Awdal ee Somaliland oo Iscasiley

 

July 31, 2010

 

 

Waxaa maalintii labaad ka socda xarunta gobolka Awdal ee Boorame mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeeda qaabka uu dawladda u dhisey Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Siilaanyo.

 

Ciidamo xooggan oo ka tegay magaalada Hargeysa si ay u demiyaan rabshadaha ayaa bilaabey in ay xiraan dadka mudaaharaadaaya waxaana lagu soo waramayaa in dad badan la qabtey kuwaas oo ka mid ahaa dadkii mudaaharaadaayey.

 

Guddoomiyihii Gobolka Awdal Maxamuud Cabdullaahi Cige ayaa maanta shir saxaafadeed uu qabtey daaha ka qaadey in uu xilkii iska casiley, Guddoomiyaha ayaa sabab uga dhigey arintaas kadib markii ciidankii ka yimid Hargeysa ay u sheegeen in ay amar ku qabaan in aysan isaga ka amarqaadaan xitaa Taliyaha Booliska Gobolka Awdal aysan ka amar qaadanayn, waxaana uu sheegay in arintaasi ay tahay mid qaynuunka ka baxsan.

 

Beesha degta gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore ayaa u aragta in qaabka Siilaanyo wax u qaybiyey ay tahay mid aan la aqbali karin, dadka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin aan laga dooran Gobolka Togdheer doorashadii 2003-dii sidaas oo ay tahay uu xaqii ay iska lahaayeen reer Togdheer uu siiyey, maantana Siilaanyo waxa uu wadaa ay tahay aargoosi iyo laygama dooran Boorame.

 

Madaxweynaha cusub ee Somaliland ayaan weli ka hadal mudaaharaadada lagu diidan yahay qaabka uu u dhisey dawladdiisa, waxaana uu horey u sheegay in uu soo dhisaayo dawlad kooban oo tayo leh.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANTARA   

The key point is

 

Badhashaabka waxuu sheegay in maanta Wasiirka arrimaha gudaha ee cusub lagu wareejiyay xafiiskiisa waxuuna ugu baaqay in shaqada ugu horeysa ee uu qabto ay noqoto inuu berito soo magacaabo Guddoomiyaha cusub ee gobalka Awdal ee isaga badali lahaa maadaama uu iscasilay, waxuuna sheegay
inuu la shaqeyn doono Guddoomiyaha cusub ee gobolka loo soo magacaabo waayo aragnimadiisana ku caawin doono.

here

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this