Sign in to follow this  
Som@li

Koonteynato ay ka Buuxaan Waraaqaha laga Sameeyo Lacagta oo Lagu Xayiray Dubay

Recommended Posts

Som@li   

Koonteynato ay ka Buuxaan Waraaqaha laga Sameeyo Lacagta oo Lagu Xayiray Dubay

 

Dubai:- Konteynaro ay ka buuxaan waraaqaha laga sameeyo lacagta oo loo waday Puntland ayaa ku xayirmay Dubay kadib markii ay ku mudaaharaadeen ganacsatada Puntland ee ku sugan Imaaraadka Carabta.

 

Waxa beryahan danbe ka jiray guud ahaan Soomaaliya sicir barar aad u xooggan oo ka dhashay lacagaha lagu sameeyo dalka gudihiisa oo aan loo aaba yeelin, waana arinta dhalisay inay ganacsatada reer Puntland ee Imaaraadku is hortaagaan qaadista koonteynaradaas ay ka buuxaan waraaqahasi si aanay u gaadhin Boosaaso iyo wadanka intiisa kaleba.

 

Faarax C/Raxmaan oo ka mid ah ganacsatada Puntland ee Imaaraadka isla markaasna wax ka rara doonyaha xamuulka qaada ayaa u xaqiijiyey Shabakada laasqoray inaan la qaadi doonin koonteynaradaas.

 

"Ma qaadi doono koonteynaradaas mana geyn doonno wadanka" ayuu Faarax u sheegay shabakada laasqoray wuxuuna sii raaciyey "Waxa ay ganacsatada wax u rarta Puntland ku tashatay inaanay u ogolaan doonyohooda inay qaadaan waraaqahaas, doontii qaadana in la qaadaco waxna lagu raran isla markaasna aan lala yeelan wax macaamil ah ninka masuul ka ah doontaas".

 

Waxa la yaab ku noqday shacabka Puntland lacagaha sida xoogga leh loo sameeyo ee sababay sicir bararka iyadoo aanay helin shaqaaluhu mushaharkooda iyagoo ku shaqaynaya sidii iskaa wax u qabso.

 

LaasqorayNet-Dubai.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Saxb meeshii sidaa bay isku bedeshay, weliga ma aragtay nin madaxwayna sheeganaya oo BBCda ka leh, anagu 3 makiinadood baanu haysaa oo hadba xogaa ku rognaa, tuuganimo cad! waa wax lala xishoodo runtii. :D

 

Waxa la yiri hadaad tuug habeen u fasaxdid magaalo in uu dhaco/xado,habeenka labaad tuugada dhan baa soo shaqo tegi!lol :Dsmile.gif

 

Anyway, waxaa hambalyo mudan kanacsatada reer Dubai ee diiday in ay qaadaan konteerada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Dabshid:

Saxb meeshii sidaa bay isku bedeshay, weliga ma aragtay nin madaxwayna sheeganaya oo BBCda ka leh, anagu 3 makiinadood baanu haysaa oo hadba xogaa ku rognaa, tuuganimo cad! waa wax lala xishoodo runtii.
:D

loooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool

:D:D:D:D:D

 

Ceeb baa ka dhacday ..... hadba xoogaa ku rognaa kuye :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this