Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Kulmiye Campaign day in Laascanood Pics

Recommended Posts

Taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo maanta isugu soo banaan baxay magaalada Laascaanood + Daawo Sawiro

Warkii 07-Jun-2010 iyo Qormadii: NEWS

Laascaanood:Waxa weli ka soconaya gudaha magaalada Laascaanood ololaha doorashooyinka somaliland, iyadoo maalinba xisbi soo bandhigayo awoodisa iyo taageerada uu ka haysto shacabka gobolkan sool. waxaa maanta maalintiisii labaad ololaha u lahaa xisbiga Kulmiye oo taageeradiisu kordhayso

 

 

 

 

 

Isko soo bax balaadhan ayaa ka dhacay suuqyada magaalada Laascaanood, iyadoo wadooyinka waawayn ee magaaladana lagu arkayey baabuur aad u tiro badan oo calanka u gaarka ah kulmiye la sudhay laguna dhajiyey sawiradda musharaxa madaxwayana ,ahna gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed maxamed Siilaanyo,.

 

 

Xaflad balaadhan aya ka dhacday barxada wayn ee ka horaysa dowladda hoose ee Laascaanood, barxadaas waxaa iskugu soo baxay kumanaan taageerayaasha xisbigaas ah, iyagoo halkaas ku soo bandhigayey taageerada ay u hayaan xisigooda kulmiye.

 

 

Taageerayaasha xisbiga kulmiye ayaa halkaas ka sameeyey dabaal dagyo kala duwan oo iskugu jira heeso hido iyo dhaqan ah, buraanburo, gabayo,iyadoo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye ay halkaasi ka hadleen, waxaana kamid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadlay Fu'aad Aadan Cade, Baashe Maxamed cade,Cabdiwaaxid Cabdiqaadir iyo siyaasiyiin kale oo dhamaantood ka tirsan xisibga kulmiye.

 

 

Siyaasiyiintan qudbadeeyey ayaa dhamaantood ugu baaqay shacabiga somaliland inay codkooda siiyaan Musharaxa madaxwayanaha ee Axmed maxamuud Siilaanyo, iyagoo taariikh nololeedka Siilaanyo ka war bixinyey sheegayna in Siilaanyo uu dowlad yaqaan yahay horena ula sii shaqeeyey dowladii hore ee somaliya uu madaxda ka ahaa Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed siyaad barre.

 

 

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, isaga oo sheegay in xisbiga kulmiye yahay xisbi isbadal doon ah, oo wax weyn ku soo kordhin doona somaliland gaar ahaana gobolka Sool,isagoo waliba sheegay in ay buugaagta ay bixiyeen ay ku qorantahay waxqabadka ay qabandoonto hadii ay doorashada ku guulaystaan xisbiga kulmiye.

 

 

Madaxa ololaha gobolka Sool, Faarax Jaamac Colaad, ayaa isna halkaasi ka hadlay wuxuuna taageerayaasha kula balamay in ay codkooda u hibeeyaan xisbiga nabada iyo horumarka ee kulmiye, wuxuuna hoga tusaaleeyay waxqabad la,aanta xisbiga UDUB isaga oo ku tilmaamay mid fadhiid ah.

 

 

Fu'aad Aadan Cade ayaa isagu ka warbixiyey Daahir Riyaale iyo wuxuu yahay, isagoo sheegay in Daahir Riyaale uu ahaan jiray Jaadwale, isagoo shacabka Soolna u sheegay in dhaartii ay dhaarteen xiligii komishinka ay tahay mid aan xaq ahayn, ayna dib ugu noqonayso madaxwaynaha haatan talada haya ee Ina riyaale

 

 

Waxaa kalee Fu'aad sheegay in gobolada Bari ee somaliland, dulmanyihiin gaar ahaan gobolka Sool isagoo sheegay in dhakhtarka Laascaanood uu yahay kii ingiriiskii ka tagey, halka iskuuladana fasalkiiba ay galaan 100 arday,wuxuu fu'aad yidhi xisbiga kulmiye haduu guulasyto waxyaabo badan ayuu ka qaban doonaa hawlahaas oo dhan.

 

 

Waxaa isna ka hadlay isku soo baxan ay dhigeen taageerayaasha xisbiga mucaaradka ee kulmiye,Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka hadlay Hal qodob,kaas uu ku tilmaamay in qodobkaasi yahay in ilaahay kitaab inoo soo dejiyey kitaabkaas oo wax walba ay ku jiraaan, ayna waajib tahay in shareecada la qaato.

 

 

Dhanka kale wuxuu xildhibaanku sheegay in Siilaanyo uu yahay in siyaasi wayn ah oo la soo shaqeeyey dowladii hore ee somaliya garqanayana waxa maamul yahay,isagoo sheegay in siilaanyo balan qaadyadii uu ku soo qoray buugii ka hadlayey siyaasadi kulmiye uu ka dhabayn doono isagoo xildhibaanku sheegay in siilaanyo uusan aqoon shayga beenta la yidhaahdo.

 

 

Ugu danbayntii ayaa waxaa xaflada soo xidhay qudbad dheerna ka jeediyey gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka somaliland Baashe Maxamed Cade,waxaana hadaladiisii kamid ahaa:

 

" Gobolka Sool waxaa la siiyaa wasiiro aan u qalmin shaqada ay qabanayaan, isagoo tusaale u soo qaaday wasiirka boosaha,wasiirka reer miyiga,isagoo sheegay in aanay wasiiradaasi ahayn wax aan jirin meelna aan laga aqoon,isagoo sheegay in hadii xisbiga kulmiye uu guulaysto aan reer sool la siin doonin wasiirka boosta,kan ciyaaraha,kan kaluumaysiga oo dhamaantood ah wax aan jirin,wuxuu baashe sheegay in wasiirada somaliland ay gaadhayaan 55 wasiir halka sool la siiyo wasiiro aan jirin sida kan dhuxusha,kan boosta.

 

 

Yeeli mayno anagu siina mayno waxaas oo kale waxay heli doonaan wasiirka Maaliyada,kan maxjarka,kan macdanta, iyo wasiiro sar sare,

 

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay hadii xisbiga kulmiye qabto talada in isimada Ssc ay soo galayaan magalaada laascaanood oo loogu tagayo meesha ay joogaan,Dagaalada iyo cooladan ka jirta Gobolada wada hadal lagu dhamaynayo.

 

 

kul15.JPG?0.636761372243814

 

 

kul14.JPG?0.636761372243814

 

 

kul13.JPG?0.636761372243814

 

 

kul12.JPG?0.636761372243814

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

^^ Your chatting crap as usual. People from SSC on here have families and relatives who were illegally detained and inhumanely treated by SL regime in LA. There are have been countless demonstrations in that city. And you want to have us believe that some opportunistic pics reflect the reality?

Share this post


Link to post
Share on other sites

The citizens from Milkywells are slowly but surely showing more confidence to come out and show their support despite the threats posed by the anti-peace forces. Well done.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SeefTa   

OODWEYNE

 

For someone familiar with democratic procedures,

I am surprised you are not familiar with art of

campaigning. Those are not laascaanood natives.

Please, before you rush to reply, my sources are

on the ground, not propaganda pictures.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is the reality on the ground and those who are waving the war drums should realize the facts ......

 

 

Good Job reer Laascaanood ,,,, Indeed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

A PICTURE SAYS THOUSAND WORDS!!!!

 

this is why the Qurba joog junta of ssc will never succeed because Las anod waxa haysta DADKII LAHAA and now matter how much reer hawd huff and puff they not going to mess with xaabsade and his folks the true power breakers of sool and rightfull owners of sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SeefTa   

^ I agree, but in this case, a 1000 lying words!

 

xaabsade? once this is all done and finished,

you'll look back on the man you relied on (xaabsade),

and wonder with upmost regret and remorse.

 

war nimanyahow, dhowr niman oo ehelkood xaraashi lahaa haday faa'ido uga muuqato, intii yarayd ee

aad labaatan sano lasoo rafanayseen, ha ku khamaarininee.

axmaqnimada aad wadaan, intaysan jar dheer idinka

ridin, ka laabta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

As the old saying goes "Habar baa iska hawhaw leh" ,,,,, nin hadlaaba ha hadlee ,, as long as reer Laascaanood are waving Somaliland flag and holding Siilaanyo's picture ,,,,,

 

 

Come on .... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
SeefTa   

calamaddii britishka iyo sawiradii boqorodoodi,

sidaan uga fara maroojinay waqooyi oo dhan

taariikhda ayeey ku qorontahay ee, kuwa somaliland

iyo siilaanyo maxeey sheegayaan

 

walee habar iyo habeenkeed un beeysan u muuqan

Share this post


Link to post
Share on other sites
SeefTa   

taasi ku martay oo ku dhaaftay ee, waxba ha ku hawshoone.

propagandada aad nimakiinan wadaan,

naga kala yareeya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this