Sign in to follow this  
Jacaylbaro

New Currency for Somalia

Recommended Posts

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Dowlada somalia ayaa maanta waxaa uu sheegay in dowlada ay qorsheeyneyso soo sameeynta lacago shilin Somalia ah oo badasha mida hada la isticmaalo ee laga diido inta badan dalka Somalia.

 

 

Bashiir Ciise Cali oo ah Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somalia oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa shegay in Ay dhawaan soo sameeyn doonaan lacago shilin Somalia ah oo ka duwan lacagihii hore ee shilin Somaliga ahaa ee ka jira dalka Somalia.

 

Bashiir ayaa intaa ku daray in marka ay soo sameeyaan lacagahaasi ay ku badalayaan kuwa lagu sameeyo Dalka ee Faalsada ah isla markaana ay Muhiimada 1aad siin doonaan lacagaha duuga ah ee shilin Somaliga ah ee hore ayna dadka ka badali doonaan.

 

“ Lacago Badan oo aan la farsameeyn Karin ayaan soo wadnaa waxaana gacan weyn naga siiyay oo ku tartamaya shirkado waaweeyn oo caalami ah oo kuwa lacagaha aduunka Sameeya ah” Sidaasi waxaa yidhi Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee dowlada Somalia Bashiir Ciise Cali.

 

Masuulkasi ayaa waxaa uu meesha ka saaray hadalo uu sheegay Afhayeenka Al Shabaab Shiikh Muqtaar Rooboow (Abbuu Mansuur) ee ahaa in sababta loo diiday Lacagaha Shilin Somaliga ay tahay Arin ay ka danbeeyso dowalada Somalia si buu yidhi Meesha looga Saaro kunka Shilin isla markaana lagu badalo lacgta Birta ah ee laga Isticmaalo Dalka Ethiopia.

 

Lacgtani cusub ayaa waxaa ay leedahay Astaan ka Badal lacagihii horay u soo maray dalka waxaana ay meel yar ka shaabahdaa shantii Boqol iyo Boqolkii hore ee shilin Somaliga ee laga tagay waxaana ay lacagta uu maantan soo bandhigay masuulkaasi ay u kala baxdaa 100 shilin iyo 500 shilin Somalia taasi oo midabadeedu ahaa kuwo kala duwan.

 

Arintani ayaa waxaa ay ku soo beegmeeysaa xili qeybo ka mid ah dalka Somalia laga diiday lacagta kunka Shilin Somaliga ah isla markaan qiimigeeda uu hoos u dhacay lacgta kaliya ee ka hartay shilin Somaliga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

“ Lacago Badan oo aan la farsameeyn Karin ayaan soo wadnaa waxaana gacan weyn naga siiyay oo ku tartamaya shirkado waaweeyn oo caalami ah oo kuwa lacagaha aduunka Sameeya ah”

 

what is the value-based of this money? how does creating and introducint new money works. i am sure you just don't xerox it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Masuulkasi ayaa waxaa uu meesha ka saaray hadalo uu sheegay Afhayeenka Al Shabaab Shiikh Muqtaar Rooboow (Abbuu Mansuur) ee ahaa in sababta loo diiday Lacagaha Shilin Somaliga ay tahay Arin ay ka danbeeyso dowalada Somalia si buu yidhi Meesha looga Saaro kunka Shilin isla markaana lagu badalo lacgta Birta ah ee laga Isticmaalo Dalka Ethiopia.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this