Sign in to follow this  
General Duke

Minister Aydeed arrives in Mogadishu + his comments

Recommended Posts

Xuseen Maxamed Ceeydiid ayaa sheegay inuu wakiil ka yahay marka uu imanayo magaalada Muqdisho dowlada madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf.

 

August 14, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Xuseen Maxamed Ceydiid intii aanu ka soo duulin magaalada Nairobi wareysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Reuters, ayuu ku sheegay inuu wakiil ka yahay marka uu imaanayo magaalada Muqdisho dowladda madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

 

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dowaladda federaalka Soomaaliya isla markaana ah wasiirka arrimaha guddaha ee dowladda federaalka Xuseen Maxamed Ceydiid oo in ka badan Saddex sanno dalka ka maqnaa, ayaa sheegay inaaney jirin is aaminaad u dhaxeysa hoggaamiyayaasha, indheer garadka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Xuseen Ceydiid ayaa xusey in kaddib dhisitaanka dowladda federaalka ay aheyd talaabadda in lagu dhaqaaqo dib u heshiisiin dhab ah, oo laga soo bilaabo dadka dhalinyarada ah, iyo sidoo kale Haweenka, hoggaamiyayaasha iyo odayaasha Soomaaliyeed.

 

Xuseen Maxamed Ceydiid wasiirka arrimaha guddaha ahna ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda federaalka oo wareysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan xubnaha dowladda federaalka oo isagu ku jiro ay nabad sameyeen, oo ay tahay in la fuliyo waxyaabihii ay heshiiska ku gaareen, waxaana ka mid ah buu yiri Xuseen Ceydiid waxyaabihii ay wada saxiixdeen dhamaan xubnaha dowladda federaalka in hub ka dhigis la sameeyo, iyo in hawlaha ay si nabad ah u qabtaan.

 

Xuseen Maxamed Ceydiid ayaa waxa kale uu wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Muqdisho uu maanta imaanayo isagoo matalaya dowladda Cabdulaahi Yuusuf ee lagu soo dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyo inuu fulinayo heshiis bishii June 12 lagu gaarey dalka Kenya, oo ah iney dowladda dalka dib ugu laabato.

 

Xuseen Ceydiid ayaa tibaaxey inuu sii wadayo dib u heshiisiinta inta uu Muqdisho ku sugan yahay, “Waxaan dibu heshiisiinta ka qaadan doonaa door dhex dhexaadnima ah, inkastoo aan u badanayo dhinaca Madaxweye Cabdulaahi Yuusuf ,†ayuu Xuseen Ceydiid u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, waxaana intaasi ku darey inuu dhex dhexaadinayo labadda garab ee dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Xuseen Ceydiid oo ka hadlayey qaabka loo soo afmeeri karo dagaalada dalka Soomaaliya ayaa sheegay iney tahay in la dardar galiyo dowladnimo wanaaga, iyo in la ixtiraamo xuquuqda aadanaha.

 

Xuseen Ceydiid ayaa xusey in dowladda Itoobiya aaney dhibaato ku aheyn dalka Soomaaliya, Soomaalidana looga fadhiyo iney arrimahooda wax ka qabtaan.

 

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha guddaha dowladda Soomaaliya Xuseen Ceydiid ayaa la filayaa in goor dhow uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Good news indeed...! Am glad you are hapy Duke... :D:D

Xuseen Ceydiid oo Muqdisho ay ku soo dhoweeyeen xubnaha labada gole & taageerayaashiisa

Waxaa dhowaan soo caga dhigatay garoonka N0 50 dayuurad magaalada Nairobi ka soo qaaday wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Max'ed Ceydiid, waxaana garoonka si diiran ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka, taageerayaashiisa & dadweyne kala duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol. I am very happy ina Abti. As for Mr Minister Aydeed he is welcome to clean up the job of Mogadishu. After all he is minister of interior and comes from one of the strongest groups in the city. Geedi + Aydeed + Cade = what the tool Qaynyare and the rest could not do... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by General Duke:

Geedi + Aydeed + Cade = what the tool Qaynyare and the rest could not do...
:D

Nothing according to you..but then again I enjoy all time prooving you wrong..as the famous Somali proverb says "ilka abeeso hoos ayey ka xiriraan": ...so just hold your horses and dont be over-committed as you are usually... :D

 

On the same subject I thought Cade jumped ship or if we are to believe the Jowhar camp has/is about to be sacked. You wouldnt know that would you after all you'r a mute and blind to reality..

 

 

Damn dayniile is fast to break Duke's heart

 

Xuseen.gif

 

I dont think this the picture you wanted to see Pinocchio...so you were saying happily what?

:D:D :

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Its not over comitment nor rash for the PM and Minister Aydeed have more power and stature within the government and within the public in Mogadishu. While Mr Qaynyare his spokeman Sharif and the other MP's have been proven wrong for their overcommited and rash claims of pacifying Mogadishu. Claims which you supported with the wrong propogation of the "Invasion" of Ethiopia. So like I said before things will take time but change has already begun..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuseen.gif

 

Nice pic indeed, however you do suffer from short memory was Haji Musa not the man who clapped for Geedi last time the PM was in Xamar?

 

Was he not the man who swore to oppose the President with the "Not right shoes" remark, then later swore to serve in the government of Abdullahi Yusuf Ahmed? :D:D

 

You still a novice son, wake up

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^I give you the credit of falsely confincing youself on hypothetical situations. You certainly lack the ability to understand the clear picture now whether this is due to mal-function of an organ or due to being a staunch supporter of principle mainly based on tribalistic grounds, I dont know. But I will assume the latter cause of your continuos effort in glorifying the fundemental errors and grave mis-calculations made and being by those that you support on daily basis.

Now that your cause or that of which support is decaying right infront of your eyes I can only wish to notice it and be steadfast in its abadoning.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Now that your cause or that of which support is decaying right infront of your eyes I can only wish to notice it and be steadfast in its abadoning.

 

I have noticed that its you who has true belife in the failure of this government. For reasons that are based on the clan. So start working for the interest of the nation and not the selfish narrow focus on the clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuseen Caydiid"anigoo ka wakiil ah Madaxweynaha waxaan u imid inaan xarunta Villa"

 

Muqdisho-14.August.2005 Ra'isalwasaare kuxigeenka dhinacyada amaanka iyo siyaasada ee DFKMG ah ee Soomaaliya ahna wasiirka arimaha gudaha Eng.Xuseen Max'ed Caydiid ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey caasimadda Muqdisho.

 

Xuseen Caydiid ayaa maanta barqanimadii wuxuu ka soo degay Garoonka diyaaradaha No 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa SNA, xubnaha labada golle ee DFKMG ah iyo xubno ka mid dhinacyada siyaasada Soomaaliya.

 

Masuuliyiintii maanta sida gaarka ah Xuseen Caydiid ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ayaa waxaa hogaaminayey Gudoomiye kuxigeenka 2-aad ee golaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore, Wasiirka Ganacsiga ee DFKMG ah Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Abuukar Ganey oo ah kusimaha Xuseen Caydiid iyo Ganacsade C/rashiid Shire Ilqayte iyo xubno kale.

 

Ra'isalwasaare kuxigeenka Xuseen Caydiid oo markii uu soo gaarey magaalada Muqdisho boqolaal taageerayaashiisa ah kula hadlayey Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa daboolka ka qaadey in uu aad ugu faraxsan yahay ku soo laaabashada caasimada Muqdisho mudo ka badan sadex sano oo uu ka maqnaa, waxaana uu tibaaxey in socdaalkiisu uu qayb ka yahay dadaalka Xukuumada ee ay dib dalka ugu soo guurtey.

 

"Waxaan idiin sheegayaa inaan wakiil ka ahay Madaxweynaha iyo Ra'isalwasaaraha, waxaana maanta halkan ka cadeynayaa inaan doonayo in aan ku soo dhaweeyo Madaxtooyada Jamhuuriyada Soomaaliya Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee xukuumada, isla markaana ay taasi tahay waajibaadkii shaqo ee aan u dhaartey" ayuu yiri Xuseen Caydiid.

 

"Dawlad loo dhan yahay ayey Soomaalidu ku soo dhisatay dalka Kenya, anigana maanta waxaan u imid Muqdisho xilka Qaran ee uu ILLAAHEY SWT ii dhiibay in aan guto, Soomaali maanta dowlad ayey yeelatay, nimcadaas uu ILLAAHEY siiyey in ay ku xamdiyaan weeye, ayna iskaashadaan, Qarankan dhib badan baa loo soo maray, gaar ahaan shacabka Muqdisho dhib badan ayey soo mareen" ayuu yiri Xuseen.

 

"waxaan salaan buuxda idinkaga wadaa madaxweynaha & Ra'isul wasaaraha, sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka & ku-xigeenadiisa, waxaana dhamaanteen na saaran waajibaad qaran oo ah kii aan Ummada u soo qaadney una dhaaraney"

 

ayuu yiri Xuseen Caydiid oo xiligaas ay ka muuqatey hilow uu u qabey mudo 4 sano ah markii ugu horeysay uu xarunta Madaxtooyada kula hadlo taageerayaashiisa oo sanado ka hor ugu yeeri jirey Madaxweynaha Dawladii Salbalaar ee uu dhisey Jen.Caydiid.

 

Xafiiska wararka SBC

Muqdisho, Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuseen Cediid oo Maanta Muqdisho soo Gaaray 3-Sano Kadib iyo Hadal uu Islamarkiiba Kajeediyey Xarunta Madaxtooyada Ex-Villa Somalia.

Posted to the Web Aug 14, 15:51

 

 

Muqdisho:-R/wasaare Kuxigeenka Dowladda Faderaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho markii ugu horeysay muddo sanado ah ka dib isagoo kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ee uu ku sugnaa Mudooyinkanba.

 

Xuseen Ceydiid oo ay si aad ahi usoo dhaweeyeen xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda ayaa haatan waxaa uu soo gaaray Xarunta Madaxtooyada Ex-villa Somalia oo ay si aad ahi maanta u buuxdhaafiyeen taageerayaasha Isbaheysiga SNA ee uu isaga hogaamiyo.

 

Hadal gaaban oo uu Xuseen Ceydiid u jeediyey Taageerayaashiisa iyo Suxufiyiintii halkaasi isugu timid maanta ayaa waxaa uu sheegay in uu magaalada Muqdfisho yimid isaga oo Wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed,iyo R/wasaare Cali Maxamed Geeddi oo ay xagga fikirka isaga mid yihiin,islamarkaana uu ka shaqeyn doono sidii ay xubnaha labada gole ee is khilaafsan ay isugu tanaasuli lahaayeen uuna tanaasulaadka isaga qudhiisa bilaabayo.

 

Xuseen Ceydiid waxaa uu sheegay in uu sidoo kale ujeedada uu Muqdisho u yimid ay tahay sidii uu Xarunta Madaxtooyada Ex-Villa Somalia uu ugu wareejin lahaa Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya,isagoo wakiil u ah haatana uu kusii shaqeyn doono.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ahna R/wasaare Ku xigeenka Xuseen Maxamed Ceydiid waxaa kaloo uu carabka ku dhuftay in ujeedooyinkiisa ay ka mid tahay sidii uu uga qeyb qaadab lahaa islamarkaana uu ula shaqeyn lahaa Howlaha Nabadeynta G/Banadir ee ay wadaan Xubnaha labada gole kuwooda Muqdisho ku sugan.

 

Inkastoo aysan halkaasi ka hadlin Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda,ayaa dhinaca kale qaar ka mid ah xubnaha golayaasha Muqdisho ee Xuseen Cediid Maanta ku howlanaa soo dhaweyntiisa waxaa ka mid ahaa Wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxoow,Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Xirsi Aadan Rooble iyo xubno kale.

 

Taageerayaasha Isbaheysiga SNA ee uu hogaamiyo Xuseen Ceydiid oo maanta wajiyadooda laga dareemayey sida ay ugu faraxsan yihiin inuu Hogaamiyahooda yimaado Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay wateen Boorar aad u qurux badan iyo Sawiradiisa oo isugu jiray kuwo ah xiligii SNA-da iyo kuwo cusub.

 

Waa markii ugu horeysay oo Muddo 3-sano ka dib ah uu Magaalada Muqdisho soo gaaro R/wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Maxamed Ceydiid, tan iyo intii lasoo dhisay Dowladda Faderaalka KMG-ka ee Soomaaliya.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhajaceyl)

Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this