Sign in to follow this  
General Duke

Clan court executes a man from unarmed clans.......Islamic justice?

Recommended Posts

Ifka Xalin or the personel clan court of Indacade, has just completed an execution, was it Islamic or clan based revenge???????

 

Qisaas: Maxkamadda Ifka Xalan oo toogatay nin kasoo jeeda Beelaha aan hubayneyn

Posted to the Web Jun 20, 05:19

 

 

Maxkamadda Ifka Xalan ee magaalada Muqdisho ayaa galabnimadii Isniinta 19 June 2006 fulisay dil qisaas ah.

 

Cilmi Baa Xassan Caddow ayaa waxaa gudaha xarunta Maxkamada Ifka Xalan ku toogtay nin lagu magacaabo Wali Cumar Xuseen.

 

Ninka la toogtay ayaa la sheegay in uu horay u dilay Saneey Cumar Xuseen oo ay walaalo ahaayeen Wali Cumar Xuseen.

 

Cilmi Baa Xassan ayaa lagu eedeeyay in uu 11kii bishii Agoosto ee 2005 dilay Saneey Cumar Xuseen, kadib markii ay isku fahmi waayeen arrin guur gabdheed ku saabsan.

 

Falka dilka oo ka dhacay degmada Afgooye ayuu Hogaamiye-kooxeedka degmada Afgooye Xuseen Cali Weheliye Cirfo ninka dilka geystay usoo gudbiyay Maxkamadda Ifka Xalan.

 

Ninka ay toogatay Maxkamadda Ifka Xalan ayaa la sheegay in loo diiday in la tuso oo uu macasalaameeyo qoyskiisa, waxaase laga ogolaaday codsi ahaa in uu tukado laba rakcadood inta aan la toogan.

 

Maleeshiyo ka socota Maxkamadda ayaa indhaha ka xirtay Cilmi Baa Xassan, kadibna Wali Cumar Xuseen oo ku hubeysan qori AK47 oo ay Maxkamaddu leedahay ayaa toogasho ku dilay Cilmi Baa Xassan.

 

Qisaastu waa qodob ay qabto diinteena Islaamka, waana xaq iyo caddaalad in qofkii naf kale xaq darro ku gooya in la qisaaso. Balse marka la fulinayo xukun Islaami ah oo sidan oo kale u weyn waxaa jira nidaam iyo shuruuc la raaco.

 

Hadaba su'aasha isweydiinta u baahan waxey tahay Maxkamaduhu ma raaceen nidaamkii iyo shuruucdii loo baahnaa ee fulinta xukun qisaas ah?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caddaaladi maka jirtaa Muqdisho?

 

Labada nin, midka la dilay iyo midka wax dilay ayaa labaduba kasoo jeeda Beesha Afgooye ee aan hubeysneyn ee laga tirada badan yahay.

 

Falka dilka ah ee uu geystay Cilmi Baa Xassan ayaa ka dhacay degmada Afgooye, degmadaasna waxaa ka taliya hogaamiye-kooxeed ku heyb ah dagaal ooge Yuusuf Indhacade iyo hogaanka Maxkamadda Ifka Xalan, balse Maxkamadda Ifka Xalan ma maamusho degaankaas.

 

Degaanka Afgooye ee falka dilku ka dhacay waxey maleeshiyooyin ku hayb ah Maamulka Maxkamadda Ifka Xalan ka wadeen sanadihii lasoo dhaafay welina ka wadaan xasuuq, barakicin, adoonsi, kufsi, dhac iyo bililiqo, waxaana degmada Afgooye ku amar ku taagleeya Xuseen Cali Weheliye Cirfo oo ah Hogaamiye-kooxeed ku hayb ah Yuusuf Indhacade iyo Hogaanka Maxkamadda Ifka Xalan.

 

Maxkamadda Ifka Xalan gacanta kuma hayso maamulka degmada Afgooye marka laga reebo hogaamiye-kooxeedka Afgooye Xuseen Cali Weheliye Cirfo oo ku hayb ah hogaanka Maxkamadda Ifka Xalan.

 

Maxkamadda Ifka Xalan oo jirtay sanado fara badan ayaan ilaa hadda la hayn iyadoo xukun qisaas ah ku fulisay dembiilayaasha u dhashay Beelaha hubeysan ee har iyo habeen dilalka badan ka geysta degaanada ay gacanta ku hayaan Beesha hogaamisa Maxkamadda Ifka Xalan ee koofurta magaalada Muqdisho.

 

Waxey aheyd 2dii May markii Maxkamad lagu sheegay Makka Al Mukarama ay fulisay xukun noocan oo kale ah, kaasoo laba shakhsi oo kawada tirsan Beelaha laga tirada badan yahay toorey leysugu dhiibay oo in midkood jawaan madaxa loo geliyay midkii kale la yiri toorey kaga ciil beel ilaa naftu deyso.

 

Sida ku cad sawiro ay fiidnimadii Isniinta faafisay shabakada Shabelle.net goobta qisaastu ka dhacday ee lagu dilay ninka dembiga geystay waxey aheyd goob nadaafadeedu aad u liidatooo la moodo qashin qub.

 

Kalsoonida Shacabka

 

Iyadoo ay Maxkamadaha Muqdisho dhawaanahan ku jireen halgan ay magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda uga sifeynayeen hogaamiye-kooxeedyo 16kii sano ee lasoo dhaafay afduub u haystay Shacabka Muqdisho, ayey Bulshaweynta Muqdisho iyo guud ahaan midda Soomaaliyeed ka heleen taageero hiil iyo hooba leh, iyagoo qabay in Maxkamaduhu nabadgelyadii iyo caddaaladii luntay kusoo celin doonaan magaalada. Iyadoo ay jirto kalsoonidaas ay Shacabku qabaan ayaa misana waxaa jiray su'aalo ay is weydiinayaan qeybo kamid ah Shacabka, sida:

 

Maxey Maxkamduhu garab uga dhigteen dagaal oogayaasha Yuusuf Indhacade, Goobaale, iyo Seeraar?

Maxaa hubka looga dhigi waayey gacan ku dhiigle Cabdi Qeybdiid?

Maxey Maxkamaduhu u aqoonsadeen dagaal oogaha ku amar ku taagleeya degmada Afgooye oo lagu magacaabo Xuseen Cali Weheliye Cirfo?

Maxey maxkamadduhu qisaasta ugu fuliyaan beelaha laga tirada badan yahay oo qura?

Maadaama aaney Maxkamadda Ifka Xalan maamulin degaanka Afgooye, degaankaasna uu ka jiro dulmi baahay oo ay ku kacayaan maliishiyaad ku hayb ah hogaanka Maxkamadda, maxey maxkamaddu isaga indha tirtay dulmigaas , balse ay dhabarka ugu ridatay fulinta qisaasta beelaha laga tirada badan yahay.?

 

Rajo badan ayey Shacabka Soomaaliyeed ka qabeen dadaalka ay Maxkamaduhu kula wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, iyo Balcad. Maxkamadda Ifka Xalan oo aasaas u ah uguna awooda badan dhowr iyo tobanka maxkamadood ee ka jira Muqdisho ayaa la filayey in ay hormuud u noqoto soo celinta cadaaladda iyo sinaantii shacabka ee luntay, balse xukunkii ay fulisay Maxkamaddu su'aalo badan ayuu dhaliyay xili ay maxkamaduhu u baahan yihiin taageero, maadaama ay Dowladda Mbagathi iyo cadowga Xabashida ee ay kaashaneyso duulaan kusoo yihiin Shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed iyo nidaamka Maxkamadaha ee ka curtay degaano ka tirsan koofurta Soomaaliya.

 

Afeef: Qormadan su'aal gelin meyso xaqnimada falkii qisaasta ahaa, balse waxey qormadu diirada saareysaa su'aalo ay qabaan qeybo kamid ah shacabka Soomaaliyeed.

 

Xusuusin: Waxaa jiray sawiro 8 gaaraya oo ay shabakadda Shabelle.net faafisay fiidnimadii Isniinta 19 June 2006, balse laga saaray website-ka shabakadda aroornimadii Talaadada 20 June 2006. Sababta ay shabakaddu dib ula laabatay sawiradaas ayaa loo qaadan karaa culeys kaga yimid dhanka Maxkamadaha, iyo Saxaafadda xorta ah oo afka la qabanayo. Maxkamaduhu waa in ay dareemaan in Bulshaweynta Soomaaliyeed ay indhaha ku hayso oo falalka ay ku kacaan la miisaami doono.

 

Aayaha.com

Editor@aayaha.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xusuusin: Waxaa jiray sawiro 8 gaaraya oo ay shabakadda Shabelle.net faafisay fiidnimadii Isniinta 19 June 2006, balse laga saaray website-ka shabakadda aroornimadii Talaadada 20 June 2006. Sababta ay shabakaddu dib ula laabatay sawiradaas ayaa loo qaadan karaa culeys kaga yimid dhanka Maxkamadaha, iyo Saxaafadda xorta ah oo afka la qabanayo. Maxkamaduhu waa in ay dareemaan in Bulshaweynta Soomaaliyeed ay indhaha ku hayso oo falalka ay ku kacaan la miisaami doono.

Well, Shabeelle sold the pictures to Reuters, so hadee sawirada ka bixiyaan shabakadooda because pressure from Indhamadoowe wax weyn ma'aha.

 

Here's ninka la qisaasay by the kangaroo court:

 

r61630340.jpg?x=294&y=345&sig=qfQ_ruRmY1

 

Elmi Ba Hassan Adow prays before his execution, ordered by Ifka Halane Islamic Sharia court, in Mogadishu June 19, 2006. Adow, 28, was found guilty of killing Saney Omar Hussien, 45, over a marriage dispute in Afgooye district, about 30 km (19 miles) south of Mogadishu, on August 11, 2005. REUTERS/Shebelle Media (SOMALIA).

 

r1692607841.jpg?x=380&y=277&sig=fyCbc9ZW

 

Elmi Ba Hassan Adow (L) is shot with a rifle at close range by Weli Omar Hussien, the brother of a man whom Elmi murdered, during an execution ordered by Ifka Halane Islamic Sharia court in Mogadishu June 19, 2006. Adow, 28, was found guilty of killing Saney Omar Hussien, 45, over a marriage dispute in Afgooye district, about 30 km (19 miles) south of Mogadishu, on August 11, 2005. REUTERS/Shebelle Media (SOMALIA).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Killers should be killed, whatever their colour, creed or race. Talk beyond that point is futile and simply irrelevant.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The savagery of these "Maxkamadaha" is obvious to all who want to see but I am concerned with all somalis both the diaspora and those back home. We should serously consider ways to Pacify our nation and stop the callous indefernce of those abroud or even worse, cheerleeders in the west for all moryans back home both old and new (Maxkamadaha) who have held our nation hostage for nearly two decades.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Paragon, Islamic justice system has a procedure a mellinia old. This court could try this man can it try, Cirfo, Inda Cade and other so called powerful warlords? These men are from the clan of Ifka Xalin? NO. So there is no justice at all.

 

Your comment is defending such actions, Islamic law as they claim is not the law of the jungle. It is a superior law that we have never had implemented in our country, bor do these clan courts even attempt it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ The problem with your posts is one thing, half the time they are blindly tribalistic and the other half consist of skewed views bordering non-sense. Educate your mind, please.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Pragon, you do not need to utter ther peoples nonsence, the term tribal is wrong and has been others here. Somali's are one tribe and therefore the term is ludicrous. As for being a clanist, those who lose arguments tend to make such statements.

 

My posts do tend to support the TFG, and all things pro Somali. They are anti clan occupation, fake wadaads, fake intellectuals and will continue to be a thorn against special interest..

 

You need to think for yourself.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by General Duke:

Topic: Clan court executes a man from unarmed clans.......Islamic justice?

Originally posted by General Duke:

Labada nin, midka la dilay iyo midka wax dilay ayaa labaduba kasoo jeeda Beesha Afgooye

Looks like Duke Smith is once again shidh-stirring in the name of his beloved Adeero Col. Yey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ You attack the President and the TFG, because of love of reer Xamar?

 

I think not and so will excuse all your comments, as mere waffle Mr Secesionist. :D

 

Dont tell me you caught the bug of Ina Warrabe?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this