Sign in to follow this  
miles-militis

Puntland Coast Guards

Recommended Posts

c8.jpg Headquarters

 

 

c11.jpg Maareeyaha Puntland Coast Guards

 

c2.jpg

 

c4.jpg

 

(Puntland Coast Guard) Ilaalinta Xeebaha Puntland Maxamed Cabdi F Botan

Mail: faaraxbotan@hotmail.com

 

Waxan maanta maqaalkan kusoo qaadanaynaa Daraasad kusaabsan Horumarka ay DG Puntland Kagaartay Xagga Illaalinta Xeebaha Puntland,Ee (Puntland Coast Guard).

 

Haddaba Daraasaddan waxaan kaga faaloonaynaa dhammaan maclumadka ay shirkaddan SOMCAN oo ah Shirkadda Illaalinta xeebaha Puntland, kaqabatay Puntland,.

 

Shirkaddan SOMCAN waxaa la’aas-aasay,oo magaceeda lagu dhawaaqay Taariikhdu markii ay ahayd 12-Jan-2003, waxana xafladdii ku dhawaaqiddaas iyo howlgalkaasba furay, oo munasabaddaas ka hadlay , maraakibtana xargaha kafuray, isla markana Salaan kaqaatay Ciidamada Badda ee SOMCAN, Wakiilka DG Puntland MR DOOGJOOG, oo matalayay Maamulka DG Puntland, Ogana Wakiil ahaa Madaxwaynaha DG Puntland, Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Shirkadda SOMCAN waxaa Aas-aaskeeda looga dhawaaqay Magalada Boosaaso, waxayna Ictiraaf wayn ka haystaa Maamul Goboleedka Puntland, waxayna howshii ugu horaysay ee ay qabato ka bilowday Xeebaha ku teedsan Barriga Somaliya, Gaar ahaan Magalada Boosaaso, halkaas oo ay ku badnaayeen maraakiibta Xaalufisa Xeebaha Soomaaliya ee ay leeyihiin wadamada Shisheeyaha, Xeebahaas oo ah Kuwa ugu khayraadka badan Xeebaha Soomaaliya.

 

Shirkadda SOMCAN Ee (Puntland Coast Guard) waxay howlgalkeedii ugu horeeyay ku qabatay maraakiib farabadan oo si sharci darro ahi oga kaluumaysanayay Xeebaha Puntland oo idil, sida Xeebaha kala ah (Ayl, Garacad, Bayla, Xaafuun, Baargaal, Xaabbo, Qandala).

SOMCAN waxay Xeebta Ayl Ee Dhinaca koonfureed kaga aaddan magalada Bosaso , kula dagaalantay Maraakiib Tiradoodu dhan tahay (22 Markab) oo laga leeyahay Dalka Kuuriya, taasoo markii danbe keentay in Shirkadihii Shisheeyaha ahaa ay ka cararaan dhammaan Xeebaha Puntland.

 

SOMCAN waxay wax wayn ka qabatay oo dagaal xooggan ay la gashay Doonyaha sida sharci darrada ahi u qaada Dadka tahriibayaasha ahi , oo badankood kayimid Koonfurta Somaliya si ay ugaaraan Dalka Yaman./ Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

SOMCAN waxay mushahar siisaa Bishii Shaqaale Gaaraya (72)QOF, waxayna kacaawisaa DG Puntland Dhinaca Degaanka ama Hoyga Ciidamada ay wada shaqaynta wadaagaan oo ka kooban Saddex(300)oo Askari oo ah kuwa Saaran Maraakiibta Shirkadda ee la dagaalanta Doonyaha Ajanabiga ahi Iyo Maraakiibta Shisheeyaha (ee kusoo xad gudba xeebaha Puntland).

 

Shirkaddan SOMCAN oo ah Shirkad xafiiskeeda sare [ama Head Office-keedu] yahay Magalada OJMAN, Dalka Imaradka Carabta, waxay wax wayn kaqabatay Maraakiibtii Ajanibaga Iyo Doonyahaba oo sida sharcidarada ah oga kaluumaysan jiray Xeebaha Puntland, muddo gaaraysa illaa DHOWR iyo TOBAN SANO.

 

SOMCAN Waxay ka caawisay kalluumaysatada Soomliyeed oo aad iyo aad ugu dhib qabay maraakiibtaas Ajaniga ah, wax soosaar ay helaanna Iska Dhaafe ay Shabaaktooda qaadan jireen Maraakiibta AJANIGA ah, halkaasoo kaluumasatada ay ku Cayroobi jireen.

 

Mareeyaha Guud ee Shirkadda SOMCAN (PUNTLAND COAST GUARD), waxa uu ii shegay in Ciidamada Shirkadda oo caddadkoodu uu dhan yahay Saddex(300)ASKARI ay yihiin kuwa loo taba baray Badda, isla markana awood u leh inay badda ku maqnadaan mudo badan, ay wax wayn ka qabteen illaalinta Xeebaha Puntland, mar aan daawaday maraakiibta Illaalinta Xeebaha Puntland , waxa ay indhahaygu qabteen Qoryaha Waawayn ee Lidka Dayuurahada lagula dagaalamo, Iyo Kuwa kale oo CUL-CULUS, ,isla markana ka dhexmuuqda dhowr markab oo waawayn oo Shirkadda Puntland Coast Guard ay leedahay , Iyo doonyaha dheereeya ee loo yaqaan SPEED BOATS oo qoryaha daran-dooriga ku dhaca ay ku rakiban yihiin, doonyahaas oo ah kuwa xawaaraha ay ku ordayaan uu aad u badan yahay, oo jooga Dekadda Magalada Bosaso.

 

 

Dhinaca kale waxad arkaysaa Ciidamo ku labisan Dharka Ciidamada Puntland ee TUUTAHA CAGAARKA ah, isla markana dulsaaran maraakiibta, kuwaas oo ah Ciidamada Illaaliya Xeebaha Puntland Ee Puntland Coast Guard.

 

Mareeyaha Shirkadda Illaalinta Xeebaha Puntland, Mudane Cabdi-Wali Cali Taar mar aan wax kawaydiiyay xiriirka ay shirkadda SOMCAN laleedahay Hayádaha Caalamiga ahi waxa uu iisheegay in Wadamada Adduunka kuwa ugu waawayn ay xirriir gaar ahi laleeyihiin, kuwasoo arkay marakiibta iyo Ciidamada DG Puntland, aadna ugu farxay sida wanaagsan ee ay DG Puntland isagu xilqaantay inay wax ka qabato Xeebaheeda, Ciidamadan maahan kuwa ku kooban inay illaaliyaan Xeebaha DG Puntalnd, ee waxa kale oo loo ádeegsan karaa inay ladagaalaman waxii wax u dhimaya Jiritanka Qayraadka Badda, Amniga iwm, waa sida uu Mudane Cabdi-Wali Taar Hadalkiisa kusoo koobaye.

 

E-mail: somacn@emirates.net.ae

NB: waraysigan waxaa sooqaday Maxamed Cabdi F Botan Mail: faaraxbotan@hotmail.com

 

http://www.somaliatalk.com/pl/xeeb.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

I think it is ver y appropriate and about tie that they did something like this somalias territorial waters are ver yexploited that isnt even an issue the issue is the dumping of nuclear waste in our territorial waters.

 

And besides on my trip last year to his iyo mayt in nothern somali...ok somaliland you look out at the sea and you get vertigo cause all the lights from the ships make it look like newyork in motion.

 

what a shame :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yasima   

Its Nice To Know that there good people in Puntland that care about defending the waters of Somalia against the thiefs and forein faggots who are Pillaging our coasts - then again u always have people like Ini Yey who are getting these people to rob and pillage our marine resources.

 

Well done to those people who really care about my country and have Genuine interest in protected its resources

 

All the best for Puntland Coast Guard Forces

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Samurai,

 

Thanks for the link. It's good to see that the PL Gov is investing in the protection of the Somali coast and resources.

 

Here is a story I found earlier:

 

PUNTLAND NAVY IMPOUNDS SPANISH TRAWLER FOR "ILLEGAL FISHING"

 

BBC Monitoring Service - United Kingdom ; 20-Apr-2000 12:00:00 am

 

 

A Spanish trawler fishing illegally in Puntland's territorial waters was seized on 16th April, 2000, a statement issued by the navy HQ in Boosaaso [port city in northeastern Somalia] on 19th April, 2000 said.

 

The trawler, Al-Bacora Quattro, with 24 crew members aboard, is said to be carrying 400 tonnes of Skipjack tuna. This is fourth one caught illegally fishing off the Puntland coast.

 

The trawler is said to be carrying an illegal fishing licence authorised by companies that have no legal powers to grant licences to those wanting to catch fish in Puntland waters...

 

Source: `Kaaha Bari', Boosaaso, in Somali 20 Apr 00 p 2

 

LINK

Share this post


Link to post
Share on other sites
king_450   

This is a right step in the right direction,no matter whether it is Puntland ,Somaliland, or X-Land, this is a stiff warning to those pirotes ,who are stealing our hidden wealth in our country, especially Japanese,those of you who don't know, the japanese has been fishing the Somali Coasts without permission, and i hope once this settles down , the Japanese Gov ,pays back reparation to the somali ppl, and i may add to the Coast guard memebers , use your ammunition if no one listens,or seize their ships and arrest the looters.Job well done,u have my vote of confidence.

 

"long Live Somalia'!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Libaax-Sankataabte – You do not say mate – truly dangerous stuff. The main reason I reckon these rogue trawlers are still preying in and on Somali unprotected waters pillaging the fisheries and sea resources of the Somali territories (the second longest coastal line of the dark continent mind you) is because they simply can.

 

Thunder - you were not expecting to see 7 foot, 15 stone, blond, blue-eyed rangers, or better yet RAF sharp shooters, were you?

 

Conquest – one step at a time my man.

 

Cheers

 

././

SOMCAN oo ka digtay Markab sida Xoolo jiran - Thursday, October 09, 2003 at 07:17

 

 

UAE, (AllPuntland)- Hay'ada ilaalinta xeebaha Puntland ayaa ka digtay in dalka Somaliya uu kusoo fool lee yahay markab sida xoolo jiran oo laga celiyay inuu ku dajiyo dakadaha Khaliijka.

 

Afhayeen u hadlay hayda SOMCAN oo fadhigiisu yahay Imaaradka Carabta ayaa xaqiijiyay in markab lagu magacaabo CARMO Express sitana calanka wadanka Filibiin (Philipin) sidayna xoolo nool oo dhan 53 kun oo neef uu kusoo xirtay dakada magaalada Jida ee dalka Sacuudiga, markabkaasi markii uu kusoo xirtay dakada Jida ayaa waxaa baaritaan ku sameeyay takhaatiirta xoolaha ee dakadaas kuwaas oo diiday in markabku xoolaha ku dajiyo Jida, cudur laga helay xoolaha uu sido awgeed, waxaana markiiba lagu amray inuu ka baxo dakada.

 

Sida ay ku warantay hay'ada SOMCAN markabka ayaa ka soo tagay Sacuudiga iskuna dayay inuu xoolaha isaga rogo dekada Caqaba ee wadanka Joordan, taasi oo ay iyadana takhaatiirta baara caafimaadka xooluhu amreen inlaga saaro dakada Markabka ka gadaal markii ay baareen caafimaadka xoolaha uu sido.

 

Markabka oo ku wareegayay maalmahaan dakadaha Khaliijka ayaa 7-dii bishaan ku sugnaa magaalada Muluqwayn ee Imaaraadka Carabta, takhaatiirta dakadaas oo baartay xoolahaas ayaa iyaguna gaaray go'aan la mid ah kii ay gaareen takhatiirta xoolaha ee Sacuudiga iyo Jordan waxayna amreen in xoolaha uu markabkaani sido aan lagu dajin dalkooda.

 

Afhayeenka SOMCAN ayaa sheegay in ninka leh markabka oo uu ku socdo kharash badni uu raadiyay sidii uu ku heli lahaa meel uu isaga rogo xoolaha, isagoo ugu dambayntii helay dad xiriir la leh mid ka mid kooxaha Somaliya oo u balan qaaday inay xoolaha ka dijinayaan Somaliya.

 

Kooxdaas ayaa u sheegtay markabka inay u hayaan dakad uu ku xiran karo oo awood u leh inay ku xirtaan maraakiibta noocyadooda, uuna isaga rago karo xoolaha uu sido, iyagoo waydiistay inuu bixiyo lacag dhan 300 oo kun oo dolorka Maraykanka ah.

 

Warar ay heshay SOMCAN ayaa xaqiijinaya in markabka loo wado dakada Kismaayo inuu ku rago xoolaha uu sido, wuxuuna ka digay haddii markabkaasi xoolaha uu sido lagu rago meel ka mid ah Somaliya inay taasi keenayso halis caafimaadka xoolaha Somaliya iyo inay burburto rajadii laga qabay in xoolaha Somaliya ay qataan dalka Sacuudiga oo rajo fiican laga qabo inuu furo xayiraadii uu saaray Xoolaha Somalida.

 

Ugu dambayntii afhayeenkaasi wuxuu ugu baaqay Somalida in laga digtoonaado halistaasi kusoo fool leh dalkooda, wuxuuna ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah in wax lagala qabto sidii looga hortagi lahaa in markabkaasi uu u shiraacdo xeebaha Somaliya.

 

Hay'ada SOMCAN ayaa heshiis kula gashay maamulka Puntland ilaalinta dhul baddeedka Puntland iyadoo hay'adu maalgaliso siisana qalab iyo tababar ciiddanka ilaalada xeebaha Puntland.

 

AllPuntland, Imaaraadka Carabta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this