Sign in to follow this  
General Duke

Sheekh Cali Dheere joins TFG

Recommended Posts

Muqdisho: Sheekh Cali Dheere oo loo magacaabay Aggaasimaha waaxda Diinta ee Wasaaradda Garsoorka.

10. June 2007

 

shcalidheere.jpg

 

Muqdisho(AllPuntland)- Sheekh Cali Sh. Maxamuud (Sh.Cali Dheere) oo ka mid ah culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Agaasimaha waaxda Diinta Wasaaradda Garsoorka ee dowladda Federaalka KMG Soomaaliya.

 

Sheekh Cali Dheere oo lagu xasuusto hoggaankii maxkamaddii Islaamiga ee ka dhisneyd Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu noqonayaa aggaasimaha waaxda Diinta ee wasaaradda Garsoorka iyo caddaalada.

 

SH. Cali Dheere ayaa soo dhoweeyay xilka cusub ee loo magacaabay isagoo balan qaaday inuu xilkiisa si caddaalad ah u gudan doonoisla markaana waxaa uu sheegay in uu si caddaalad ay ku dheehan tahay ugu shaqeyn doono garsoorka iyo caddaaladda.

 

Xiligii dowladdii Carte lagu soo dhisay ee C/qaasim Salaad hoggaamin jiray ayaa waxaa uu Sheekh Cali Dheere wuxuu ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Gobolka Banaadir.

 

Waxaa lagu xasuustaa Sheekh Cali Dheere nabadgelyadii uu ka dhaliyay Waqooyiga magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/Dhexe oo ka jirtay maxkamaddii Islaamiga ee uu hoggaamin jiray, wuxuuna Sheekh Cali Dheere uu fuliyay xukuno isugu jira dil, gacan iyo lug goysmo ah iyo xukuno kale taasoo horseeday in dadka Waqooyiga Muqdisho ay helaan nabadgelyo buuxdo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Cali Dheere Oo Xil U Magacowday D.F.S

 

Muqdisho(Calanka.com) 10-Jun-2007

 

Dowladda federalka Somaliya ayaa waxa ey shaaca ka qaaday in ey u magacowday agaasimaha wasaaradda Diinta iyo Garsoorka Sheekh Cali Sh. Maxamuud (Sh.Cali Dheere) oo ah sheekh si aad ah looga yaqaan dalka gaar ahaan K/Somaliya.

 

Sheekhan oo ah ninkii ugu horeeyay oo aas-aasa maxkamad Islaami ah oo dhaqan galisa shareecada islaamka sanadii 1996 taasoo ka hirgashay W/Muqdisho kuna soo dabaashay shacabka ku dhaqan deegaanadaas nabad iyo daganaansho.

 

Warar kale ayaa sheegaya in uu soo dhaweeyay jagada loo doortay Sh. Cali Dheere, mana jiraan ilaa iyo iminka hadal uu saxaafadda kasii daayay uuna ku ogolaanayo jagadan cusub ee loo dooray.

 

Sh. Cali Dheere ayaa ah nin kasoo bixi kara booskan ey dowladdu ku magacowday, waxaana sida la sheegay uu kasoo qabtay jago ceynkan oo kale ah dowladii Carte ee mudane C/qaasim Salaad Xasan.

 

Sheekha ayaa gabi ahaanba laga tuuray daaqadda marki ey talada la wareegeen Midowgii Maxkamadihii Islaamka ee ka curtay K/Somaliya sanadkii hore, waxaana ey si dadban ugu tilmaameen sheekh Cali Dheere in uu yahay nin aan waxba kusoo kordhineynin diinta iyo shareecada ey Midowgii Maxkamadaha wateen uuna aaminsanyahay Sh. Cali Dheere wax fikirkooda ka duwan.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

100% the guy is been bribed with fake position and promises. Re.Baangada, have you heard Awkuke's alarming encounter with this dude?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this