Sign in to follow this  
Rokko

Dayniile: Caato wants to destroy Somalia

Recommended Posts

Rokko   

Caato, Muuse Suudi, Xuseen Ceydiid oo aan soo xaadirin dhaartii madaxweynaha DFKM

Nairobi

 

Calemasaarkii madaxweynaha DFKM mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo shalay ka dhacday garoonka Casarani Stadium ayeyna ka soo qeyb galin hogaamiyasha kooxaha Muqdisho hada u xuub siibtay Xildhibaanada .

 

Lama oga sababta ay u soo xaadiri waayeen sadaxda xildhibaan laa kiin wararka qaar ayaa sheegayo in laba kamid ah ay caro ku maqan yihiin halka Xuseen Ceydiid uu shegay in uu ku maqnaa arima quseyo uusan caro ku maqneen waxii meesha ka soo baxayna uu ku qanacsanyahay diyaarna u yahay in uu la shaqeyo

 

Caato iyo Muuse Suudi ayaa la sheegayaa in ay caro ku maqan yihiin ayagoona la sheegayo in aysan aqoosaneen doorasha Col. Cabdulaahi Yuusuf laagu doortay madaxweynaha Soomaliya.

 

Cismaan Caato oo horey u burburiyey dhoor jeer oo leysku dayey in xal loo helo arimaha Soomaliya ayadoona laga soo Bilabaayo doorashadii loo doortay in uu noqdo madaxweyne Cali Mahdi Maxamed , Tii salbalaar ee Janaraal Ceydiid loogu dooro in uu u noqdo madaxweyne, ayadoona Cismaan Caato lagu xanto in uu dilay janraal Ceydiid , sidoo kale dhoor jeer oo leysku dayey in maamul loo sameeyo gobolka Banaadir taasoo laad uu ku dhuftay Cismaan Caato.

 

Hadana waxaa la ogyahay in Caato qorsheynaayo in uu ka horyimado Dowlada uu garwadeenka ka yahay Col. Cabdulaahi Yuusuf asagoona damacsan in u dagaal kale ka huriyo magaalada Muqdisho si aysan cagaha u soo dhiganin dowlada Cusub

 

dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this