Sign in to follow this  
Siciid1986

Mawqifka Faysal Cali Waraabe Wuxuu Badhitaarayaa Inuu Mar Saddexaad Riyaale Kursiga..

Recommended Posts

Anigu Siilaanyo iyo qayrkiis toona maan doorteen, Xisbigana waxaan u sameeyey inaan Siilaanyo iyo rakaabkiisaba dalka ka fadhiisiyo, Faysal Cali Waraabe, HAATUF May 28, 2003.

 

 

Mawqifka Faysal ee Daahir Riyaale In La beddelo

 

Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE waxay isla-qaateen in la beddelo Daahir Riyaale markay muddadiisu dhammaato oo aan muddo kordhin dambe loo samayn siday hore heshiis ugu wada galeen axsaabtu. KULMIYE waxay qabaan in aan xayndaabka dastuurka la iskala bxin ee talada waddanka loo dhiibo labada gole ee Baarlaman markay Riyaale muddadu ka dhammaato. Xisbiga UCID madaxdiisa sare waxay qabaan sidoo kale hase ahaate Faysal wuxuu qabaa, waa sida uu warbaahinta ka sheegayo eh, in la beddelo Daahir Riyaale hase ahaate habka uu u marayo sida loo beddelayo ayaa ah mid badhitaaraysa Daahir Riyaale oo daaqadda dambe ka soo gelinaysa in mar saddexaad uu kursiga ku fadhiisto. Faysal wuxuu qabaa inaan loo dhiibin talada labada gole inkastoo golaha guurtidana uu horkacayo Saleebaan oo UDUB ah, golaha wakiiladana uu hor kacayo, Cabdiraxmaan Cirro, oo UCID ah oo wax faai’do ahi aanay ugu jirin xisbiga KULMIYE haba yaraatee oo aan ka ahayn in waddanka la badbaadsho. Faysal waxaanu si shakhsiyan ah u oggolayn in Saleebaan oo dastuurku qeexayo inuu si ku-meel-gaadh-ah u qabto talada waddanka oo uu marnaba meesha yimaado. Waa arrin xaqiiqo ah oo aan loo noqonayn. Xisbiga KULMIYE-na taa mid la mid ayuu Faysal ka qabaa balse wuxuu kula socday dabbaal joogtayn. Haddii xal kale la raadin lahaa waa in dastuurka la laabo oo qof dhex-dhexaad ah debedda laga doono oo aan illaa immika caddeyn sida la isugu af-garan karo. Taasi waxay markaa u eekaanaysaa in Daahir Riyaale kursiga laga riixanayo waayo isaguba dastuurka ayuu iska laabay oo lagu haystaa.

Faysal wuxuu u sheegay shabakadda Hadhwanaagnews 29 July, 2009, “Haddii doorasho dhici waydo waa inay xukuumaddu meesha ka baxdaa oo xukuumad ku-meel-gaadh ah la sameeyaa, sharcigii lagu samayn lahaana baarlamaanka ayuu yaallaa [dastuurka] ee waa in la fuliyaa, sharcigaas oo qeexaya xagee looga baxayaa haddii doorasho dhici waydo, yaa samaynaya dawladda ku-meel-gaadhka ah oo awood u leh, markaa waa in hadda xeerkii la sameeyaa oo haddii aan hadda la samayn dee mugdi baynu gelaynaa.” Inkastoo uu hadalkaa yidhi Faysal wuxuu qabaa maanta in xeer jajab la adeegsado si loo soo doorto qofkii jagadaas qaban lahaa oo aan sharciga uu sheegayo oo ah datuurka aan la adeegsan. In labada gole ee dastuuriga ah talada loo dhiibo ma oggola.

Wuxuu qabaa oo kale fikirka ah in lixda murashax (murashaxiinta jagada madaxwenaha iyo ku-xigeenadooda) ee saddexda xisbi ay ka wada hadlaan ciddii madaxweynaha beddeli lahayd. Taa micnaheedu waxa weeye in is-afgaransho-waa uu ka dhex dhaco labada xisbi mucaarad sidaa awgeed marka mawqif la isla qaadan kari waayo in Daahir Riyaale loo kordhiyo muddada oo guurtidu gasho inkastoo dagaal iyo dhiig daata oo kale uu go’aankaasi keeni karo oo ay Somaliland noqoto in beelo la isu laayo.

Faysal oo immika diidan hay’adaha dastuuriga ah waxa uu Jamuuhuriya ,13 May 2003, u sheegay “ Waxaa waajib ku ah qof kasta oo aaminsan madaxbannaanida, qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, in uu aqoonsado, ixtiraamo, sharfana hay’adaha dawliga ah ee dalka”. Muxuu Faysal ixtiraamka uu dadka u sheegayo isagu ugu hayn waayey hay’adaha dawliga ah. Muxuu u diidan yahay in talada labada gole qabtaan? Muxuu u diidan yahay xildhibaanada waajibkooda gudanaya ee impeachment-ka ku soo oogay madaxweynaha oo baarlamanka ku gacan saydhay (contempt of parliament)? Waa maxay ixtiraamka uu ka hadlayaa? Micnaheedu waxa weeye in kolba sida uu isagu jecel yahay la yeelo.

 

Mar wax laga weydiiyey in uu Madaxweynaha ka filayo in uu dhiso dawlad wadaag ah ka dib markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashadii madaxtooyad 13 kii May 2003, wuxuu Faysal ku yidhi Jamhuuriya; “Waad ogeyd dalka Maraykanka labadii Madaxweyne inta cod ee ay ku kalaheleen. Madaxweyne Bush waxba ma siin qoladii la tartamaysay ee xisbiga Dimoqraadiga ah, laakiin innagu [somaliland] ma nihin Maraykan, waxaynu nahay si ka duwan, qof kasta waynu u baahanahay. Markaa waxaanu jecelnahay dawlad saddexda xisbi ka wada muuqdaan, waanay u furantahay Madaxweynaha [Rayaale] in uu keligii UDUB ku sameeyo, laakiin si ay wax innoogu hagaagayaan oo wax inoo socdaan waa in la dhiso dawlad midaysan.” Maanta oo la isku hayo ciddii madaxweynaha beddeli lahayd markuu waqtigiisu dhammaado Faysal wuxuu qabaa in dawlad wadaag ah la sameeyo Daahir Riyaalena loo kordhiyo. Ma rabo habka ay KULMIYE wadaan ee ah in hay’adaha dastuuriga ah loo sii dhiibo. Mawqifkiisu waxa weeye waa dawlad wadaag ah oo Daahir Riyaale madax ka yahay.

Faysal wuxuu yidhi, “Waxaanu qabnaa in dawladda maanta dalka joogtaa ay dalka dambi weyn ka gashay oo ay khiyaamo-qaran ku sameeyeen, oo inta ay dalka u dhaarteen haddana maanta si kale wax u waddaan, oo toddoba sannadood iyo badh ay talada hayeen aanay dalka waxba u qaban. Annagu waxaanu qabnaa in xisbiga UDUB inta ku jirtaaba ay yihiin khaayimiiin qaran oo ay ummadda Somaliland khiyaameeyeen oo ay been u sheegeen, been ku dhaqeen, oo qadiyaddii iyo madax banaanidii Somaliland khalkhal geliyeen, taasna ay adduunku maanta ka marag-kaceen oo aynu ognahay warbixintii ay hay’adda xuquuqal-insaanku ka qortay Somaliland…” Haddii uu aaminsanyahy in khiyaamo qaran waddanka ay ka galeen UDUB iyo weliba kuwa taageeraa, muxuu u diidan yahay in impeachment lagu soo oogo madaxweynaha illay khiyaamo qaran ayaaba waddanka la galaye.

 

Faysal wuxuu habeen hore beeniyey oo kaga baxay cahdigii ay wada galeen xisbiga KULMIYE iyo UCID isagoo u sheegay Universal TV oo immika noqday rugta laga faafiyo beenta ay soo maleegto dawladda Daahir Riyaale in aanay jirin wax ay ku wada heshiiyeen labada xisbi oo ah in dawlad ku meel gaadh ah la dhiso. Laakiinse Faysal wuxuu ka tala goostay xisbiigsa intiisii kale oo naxdin iyo anfariir ku noqotay wuxuu ku hadlay.

Wuxuu weliba ku hanjabay inaanu mudaharaad dambe ka dhacayn Hargeysa sidii uu isagu gacanta ku hayo shacabka reer Somaliland. Laakiin micnaheedu sidaa uma jeedo ee waxa uu u jeedaa nin Burco ka yimi yaanu magaaladayada mudaharaad ka dhigin. Hadaladaas ma aha hadallo uu nin guddoomiye ahi ku hadlo.

 

May 23, 2003 wariye ka socda HAATUF ayaa wuxuu wediiyey Faysal Cali Waraabe markii Daahir Riyaale madaxweynenimada loo doortay su’aal ah: : Xisbiga KULMIYE waxay sheegeen inay caddaalad daro tirsanayaan, adiguna markasta oo aad shir-jaraa’id qabato xisbiga KULMIYE ayaad canbaaraysaa, markaa miyaan laguu arki karin nindhinaca UDUB raacsan, sidii horeba laguugu sheegi jiray oo aad gacan saar leedihiin?

Faysal wuxuu ku jawaabay, “Inkasta oo aanan shakhsi ahaan Siilaanyo iyo qayrkii toona aanan doorteen, aniguna waxaan ururka u sameeyey inaan Siilaanyo iyo rakaabkiisaba dalka ka fadhiisiyo.”

 

 

http://www.waryatv.c om/read/article/1327

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this