Sign in to follow this  
Emperor

Somali Police clean up operation continue

Recommended Posts

Emperor   

Muqdisho:Ciidamada dawlada Soomaaliya oo soo qabtay hubab kala duwan.

7. juni 2007

 

APL

 

 

Muqdisho(AllPuntland)-Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo maalintii sadexaad hawlgalo ka wada gudaha magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa waxa ay maanta qabteen hubab kala duwan.

 

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo maanta galay guryo looga shakisanaa in laga soo abaabulo qaraxyadii ka dhacayay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka soo saareen hubab kala duwan,waxaana lasheegay in guryo kuyaala Isgoyska Blac Sea laga soo qabtay hubab culculus ,kuwaas oo lasheegay in ay yihiin hubkii kooxihii Ciidamada dawlada kula dagaalamay Muqdisho bilihii April iyo March.

 

Hawlgaladii maanta waxaa sidoo kale lugu galay guryo ay leeyihiin dad laga yaqaano magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Maxamed Maxamuud Culus oo ciidamada dawlada Soomaaliya ay gurigiisa ka soo qabteen hub yiilay.

 

Ciidamada dawladu waxa ay sidoo kale xireen ninkaasi iyo koox guriga kula jiray,waxaana lasiidaayay maanta duhurnimadii ka dib markii ay ciidamada dawladu geeyeen xarunta nabad sugida.

 

Jidka warshadaha ee Magaalada Muqdisho iyo goobo kale ayaa waxa ay sheegayaan wararku in laga soo qabtay dad looga shakisan yahay in ay xiriir laleeyihiin qaraxyada ka dhacaya Muqdisho.

 

Sarkaalka tirsan Wasaarada gaashaandhiga oo magaciisa ka gaabsaday ayaa wuxuu sheegay in hawlgaladan ay soconayaa tan iyo inta amaanka caasumada lugu soo celinayo,sidii uu ahaa xiligii ay ka talineysay dawladii Milateriga ahayd.

 

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxaa siweyn loo soo dhoobay haatan wadooyinka magaalada Muqdisho waxa ayna dadweynaha usheegayaan in aysan guryahooda ka soo bixin.

 

hawlgaladan ay wada fulinayaan ciidamada Booliska iyo kuwa Itoobiya ,waxaa lasheegay in ay soconayaa todobaadyada soo socda si amaanka caasumada wax looga qabto.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^The Somali police force is doing a perfect job, and Mogadishu have seen a relative calm for the past days...

 

More news on that

 

Ciidamada DFS oo maalintii saddexaad Muqdisho ka wada hawlo amni sugid ah

 

 

Ciidamada Dawladda federaalka Soomaaliya, iyo xooggagga kale ee gacanta siinaya ayaa hawlo amni sugid ah ka wada magaalada caasimadda ah maalintii saddexaad.

 

Ciidamada Dawladda ayaa isku ballaariyey isla markaasna baaritaanno ka wada isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxana meelaha qaarkood ka hawl gelaya dabaabaad.

 

Hawlaha amni sugidda ah ayaa suura gelisey in magaalada Muqdisho ay xasiloonaato 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, waxana ciidanku ay dhulka ka soo saareen miinooyin lagu aasay.

 

Sidoo kale, guryaha deegaanka qaarkood ayaa laga soo saaray hubka noocyada fudfudud kuwaas oo loo malaynayo in loo adeegsan jirey ama loo adeegsan rabey khalkhal gelinta ammaanka magaalada Muqdisho.

 

Maxamuud Faarax Bile

 

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Jawaano hub laga soo buuxiyey oo saaka la soo dhigay qeybo ka mid ah deegaanka Gubta iyo ciidamada Booliska G/banaadir oo halkaasi ka qaaday

 

Sida ay ku waramayaan dadka ku dhaqan deegaanka Gubta ee magaalada Muqdisho waxaa saaka la soo dhigay xaafado ka tirsan deegaankaas hub aad u fara badan oo laga soo buuxiyey jawaano waaweyn, iyadoo arintaasina lagu wargeliyey ciidamada booliska dowladda Soomaaliya oo iyagu isla saakaba gaaray goobaha la soo dhigay hubkaasi oo ah xaafadaha Ciise Cabdi iyo Jen Daa’uud.

 

Hubkan oo la sheegay inu u badan yahay rasaasta ka dhacda qoryaha loo yaqaano BTN-ka ayaan l ogeyn ilaa hadda cida soo dhigtay xaaafadaha dhexdooda iyo sababta ku xambartay iney sidaa yeelaan, hase ahaatee qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aanu wax ka weydiinay arintaasi ayaa sheegay iney u badinayaan in dad ka baqaya inuu saameyn ku yeesho baaritaanka guri guriga ah ee ciidamada dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka weadaan xaafado u dhow deegaankaasi sida Towfiiq laga yaabao in hubkaasi ay guryahooda ka soo saareen si ay isaga fogeeyaan in iyaga lagu qabto oo ay dhici karto in lagu tiriyo iney ka mid yihiin kooxaha qwaraxyada iyo dilalka ka geysanbaya magaalada Muqdishoi oo ay dhici karto iney xarig ay ku muteystaan.

 

Arintan oo la yaab ku noqotay dadka deegaanka ayaa ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee ka dhacda magaalada Muqdisho, ayna dad dibeda ku soo daadiyaan hubkooda iyagoo ka baqaya in haddii lagu qabto u mashaakil u horseedo.

 

 

 

 

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Jawiga magaalada Muqdisho oo 24-kii saac ee ugu dambeeyay ah mid degan

 

 

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ku naalooneysa deganaansho 24-kii saac ee ugu dambeeyay iyadoo aan jirin wax weeraro amma dilal ah oo laga geystay magaaladaasi, sida ay soo sheegeen wariyeyaasha SBC ee Muqdisho.

 

 

 

Ciidamada dowladda kmg ah iyo kuwa Itoobiyaanka ah ayaa ku gudo jiray hawlgalo ballaaran oo ay ku sugayeen ammaanka iyagoo baaritaano ka sameynayay dhowr xaafadood oo loo arkay inay xuddun u yihiin falal amni xumo ah oo si goos goos ah uga dhacayay magaalada Muqdisho.

 

 

 

Wariyeyaasha SBC ee magaalada Muqdisho C/laahi Yaasiin Jaamac, Cabdi Jamaal Macalim Axmed iyo Maryan Saylac C/risaaq oo ku kala sugan saddex degmo oo kala duwan Muqdisho ka tirsan ayaa waxay soo sheegeen in degmooyinka ay ku sugan yihiin iyo kuwa deriska la ahba ay dadku ku seexdeen kuna soo tooseen iyadoo aan la maqlin wax xasilooni darri ah.

 

 

 

Muqdisho 24 saac ka hor waxaa meelaha qaar ka dhacayay dilal loo geysanayay dadka shacabka ah iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda kmg ah, dilalkaasi oo ay gaysanayeen kooxo qowlaysato ah oo aan la ogeyn halka ay ka amar qaataan.

 

 

 

Iyadoo weerarkii ugu ba’naa ee laga geysto Muqdisho uu ahaa kii lagu sigay in lagu khaarijiyo ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi, markii weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday baabuur afka loo geliyay gurigiisa 3-dii bishan aynu ku jirno.

 

 

 

Wixii weerarkaasi ka dambeeyay waxaa dowladdu ay ku tillaabsatay hawlgal ballaaran oo baaxad weyn oo fulintiisu ay iska kaashanayeen ciidamada dowladda kmg ah iyo kuwa saaxiibadood ah ee Itoobiyaanka.

 

 

 

Intii ay ku guda jireen hawlgalladaasi waxay ciidamadaasi ay gacanta ku dhigeen hub fara badan iyo iyagoo fashiliyay weerar miino oo loogu aasay waddo qarkeeda.

 

 

 

Dowladda kmg ah iyo maamulka gobolka waxay sheegeen inay ka go’an tahay in muqdisho ay noqoto meel deganaansho buuxda ka aslaaxda.

 

 

 

C/qaadir Nuunow

 

SBC Boosaaso

 

nuunow16@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Meles came and ordered a shutdown of all radio stations that are not puppets to the government. With a near media blackout, he ordered his troops to descend on the city to arrest Muqdisho clan elders and take away all their weapons. This is neither a coincidence nor was it something planned by the puppet regime of Yey. The first time Yey and Geedi probably heard of the whole op was when Meles flew into Muqdisho.

 

Why you insist this is a TFG operation when every news outlet (worth its name) is reporting otherwise is beyond me.

Share this post


Link to post
Share on other sites

And the truth is these ops, regardless of its author, are/have been/and will always be ineffective as long other initiatives remain stalled. Somalis everywhere in Somalia has learnt how to duck and deceive when the need calls for. I reckon this particular op is a retaliation from Geedi whose life was almost taken in the last suicide operation. Give them few days, and the momentum will swing to the other side. And the cycle will continue…

Share this post


Link to post
Share on other sites

These operation will be a success so long as there is no compromsie with criminals and those who will resort to suicide bombings.

 

The first phase was the defeat of clan courts and warlords.

 

The second was the mop up job which defeated the looters inc.

 

This phase is taking weapons by force and policing the city.

 

Jawaano hub laga soo buuxiyey oo saaka la soo dhigay qeybo ka mid ah deegaanka Gubta iyo ciidamada Booliska G/banaadir oo halkaasi ka qaaday

:D

Talk about community and police cooperation

 

This will be like the others a success.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Maamulka Banaadir oo ka warbixiyay howlgalkii hub ururinta ee maanta iyo Madaxa Shirkadda Xawaaladda AMAL Muqdisho oo xabsi loo taxaabay

Posted to the Web Jun 07, 19:02

 

Muqdisho (PP) - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka bixiyay howlgallo ay maanta ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda iyo kuwo Ethiopian ah oo lagu baarayay hub.

 

Maxamed Dheere ayaa sheegay in maanta hub badan lagu qabtay baaritaankii maanta isagoo sheegay in hubkaas lagu wareejin doono ciidammada AMISOM, isagoo sheegay in hubka ay gacanta ku dhigaan oo dhan ay ku wareejiyaan ciidammada AMISOM.

 

"Waxaan caddeynaynaa in hubka aan qabannay aan u soo bandhigno saxaafadda; dabadeedna aan ku wareejinno cidammada AMISOM, hub walba oo lagu qabto howlgallada ka socda Muqdisho, waxaan ku wareejinnaynaa Nabad ilaaliyeyaasha Midowga Afrika" ayuu yiri Maxamed Dheere.

 

Guddoomyaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la soo qabtay maanta mid ka mid ah ciidammada dowladda oo dil u geystay ruux rayid ah oo gaari-gacan watay, waxaana uu sheegay in xabsiga la dhigayo ugu dambeynna la toogan doono. Isagoo sheegay in Askarigii Dishibiliinka ciidan ku dheela la xiri doono lana dili doono haddii uu gacan ku dhiigle noqdo.

 

Waa maalintii saddexaad ee howlgallo lagu sugayo ammaanka Muqdisho ay ciidammada Booliiska iyo kuwa Ethiopian-ku ka fulinayaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana howlgalladaan agu soo qabqabtay hub fara badan oo saxaafadda qaarkood loo soo bandhigay.

 

Maanta ayaa waxaa xabsiga loo tabaaxay Madaxa Shirkadda AMAL ee Koonfurta Soomaaliya C/wali Muuse Maxamuud oo ay ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda ka wadeen xarunta Shirkaddaas ee Muqdisho.

 

Lama garanayo sababta dhabta ah ee loo kexeeyay Cabdiweli Muuse oo aan la garanyn illaa iyo hadda goobta ay Dowladda ay ula dhaqaaqeen, waxaana uu qayb ka yahay xubno badan oo laga waday guryahooda oo qaarkoodna la soo daayay qaarka kalena weli gacanta lagu hayo.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The first phase was the defeat of clan courts and warlords.

Duke,You are back at the deception & the lying games haye? Lying to the readers & trying to spin things your way?

 

Mind telling the readers that the warlords were never defeated & were rewarded with plush govt positions? Tell the readers that they are indeed in the GOVERNMENT, Do it,please will ya?

Share this post


Link to post
Share on other sites

The warlords under the TFG were isloated, then they became bothing more than civil military officials in the TFG game, there are no warlord ministers, no warlord run quarters of the city. And no warlord occupied lower Shabbele.

 

Its a Somalia were the governemnt is the single power of the country. A breath of fresh air.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by The Duke:

The warlords under the TFG were isloated, then they became bothing more than civil military officials in the TFG game, there are no warlord ministers, no warlord run quarters of the city.

 

You are spinning out of control Duke,why do you humiliate yourself like this everyday?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Faarax-Brown:

Duke,You are back at the deception & the lying games haye? Lying to the readers & trying to spin things your way?

War hedhe he is not lying , the guy is in hallucination.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this