Sign in to follow this  
RedSea

Taariikh nololeedka Sh. Sharif Ahmed.

Recommended Posts

RedSea   

Maxaad ka taqaana tariikhdii Shiikh Shariif Shiikh Axmad?.

Warkii 31-Jan-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

 

 

Hogaamiyihii Islamiyinta Somaliya Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa ku guuleystay madaxweynimada dowlada federalka ee Somaliya iyagoo xildhibaanada la isku dhafay ee dowlada federalka iyo isbeheysiga dib uxorenta ay doorteen.

 

 

July 25, 1964 ayuu dhashay madaxweynaha cusub ee Somaliya waxa uu yahay hogamiyihii ugu da’da yaraa ee inta la egyahay qabta hogaanka wadanka Somaliya, isagoo dhalay 2-wiil oo lakala yiraahdo Axmed iyo C/laahi oo kan ugu weyn uu jiro 9-sano.Sida la filayo waxa uu wadanka Somaliya hogaamin doona Labada Sanno ee soo socdo, isagoona ay horyaalaan arimo faro badan.

 

Warbarashada.

 

Hogamiyaha Islaamiyinta ee iminka noqday madaxweynaha dowlada federalka Somaliya Sh. Shariif Sh. Axmed waxa uu yahay nin soo bartay aqoonta maadiga isagoona si gaar ah u bartay Geography-ga iyo luqada Carabi waxana uu kasoo baxay jaamacad ku taala wadanka Sudan oo lagu magacabo Kurdufan University.

 

Sidoo kale waa wadaad aqoon u leh diinta islaamka in ku filan isagoo la sheego in wax uu kasoo bartay mashaa’iq soomaaliyed oo si fiican u bartay diinka.

 

Soo shaac bixisi

 

Markii uu kusoo laabtay wadanka Somaliya xilligii dowladaii C/Qaasim Salad Xasan ay shaqeyneysa ayuu tagay magalada Jowhar ee Sh/Dhexe uu ka talinayay Maxamed Cumar Xabeeb oo ahaa hogaamye kooxeedkiis.

 

Waxa uu maamulka Maxamed Dheere uu u noqday hogaamiyaha maxkamada gobolka, isagoona muddo kadib lasoo eryay waxana uu yimid magalada Muqdisho u noqday macalin wax ka dhiga iskool lagu yirahdo Jubba Secondary School.

 

Taariikh hogamiyed.

 

Waxa xigtay markii uu madax ka noqday maxkamad beeleed ku taaley waqooyuiga Muqdisho oo lagu magacabi jiray CC halkaas oo deegaan u ahayd horaantii koox tuugo ahayd oo si weyn looga yaqanay muqdisho inay dhici jirey gawaarida.

 

Sh. Shariif Axmed waxa uu qeyb wayn ka lahaa midowga dhowr maxkamad beeleedyo oo ku yaalay magalada Muqdisho kuwaas oo fikirkooda ahaa inay la diriraan kooxaha burcada ee bulshada dhibatada ku haysay.

 

Waxa uu madax ka aha kooxihii Maxakmada Islaamiga ku midoobay ee ka talinayay inta badan Koofurta iyo Bartamaha wadanka Somaliya dhex bartamihii sanadkii 2006-da ila dhamadkiisi.

 

Sh. Shariif ayaa todobadyo yar kadib markii laga itaal roonaday maxkamadihii islaamka ee hogaamin jirey waxa u galay wadanka Kenya oo gacanta ku dhigeyn ciidamada Booliska.

 

Waxa loo doortay inuu noqdo hogaamiyaha ururka isbeheysiga dib uxorenta oo kumidobeyn mucaaradkii ka soo horjeeday joogista ciidamada Itoobiya.

 

Shariifka waxa uu ogolaaday inuu la galo wada hadalo dowlada federalka, taasoo keentay inay saaxiibtinimadii siyaasada ay ku kala tagaan hogamiyaal ay horaan ay si weyn iskugu dhawayeen uu kamid yahay Xasan Daahir Aweys.

 

Hamiga Madaxweynimo

 

Dad badan waxa u muuqanaysay horaan inuu noqonayo Madaxweyne hadiiba ay wadanka Somaliya ka baxaan ciidamadii Itoobiya, xilliga oo waliba ay joogay madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf Axmed.Xubnaha isbeheysiga dib u xorenta iyo xildhibanada dowlada federalka oo la isku daray ayaa muuqanaysay in Shiikha kamid noqon doono musharaxiinta isku taagayo xilka madaxweynimo.

 

Isbeheysiga dib u xorenta ee uu hogaaminayay ayaa u doortay inuu isbeheysi ahaan u matalo inuu isku taago xilka madaxtinimada taasoo keentay inuu helo cod ka badan tirada isbeheysgia uu ku leehyahay dowlada federala oo dhan 200 oo qof.

 

Waxa sidoo kale iminka kala afkaar yihiin xubno ka tirsana golihisii fulinta Maxkamada iyo ururka Al-shabaab oo aaminsan inuu ka dhacay wadadi saxneyd ee awal uu saarna.Si kasataba Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa dunida reer galbeedka u aqoonsan yihiin wadaad diimeed qunyar socod ah, isla markaane wax wayn ka badali kara xaalada jahwareer ee ka jirta wadanka Somaliya.

 

Afnugaal News Desk

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

''Waxa uu maamulka Maxamed Dheere uu u noqday hogaamiyaha maxkamada gobolka, isagoona muddo kadib lasoo eryay waxana uu yimid magalada Muqdisho u noqday macalin wax ka dhiga iskool lagu yirahdo Jubba Secondary School.''

 

 

The reason why Sh.Shariif was expelled from Jowhar city was because he, as the chairman of the Islamic court of Jowhar, challenged the authority of the warlord, and wanted to prosecute militia men loyal to M.dheere after they commited a crime against a poor farmer who then complained to the Islamic Court.

 

M.dheere could not arrest nor execute Sh.Shariif because of his high profile and clan background and as such forced him to leave the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this