Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Americans warplanes and warships arrives at berbera city port

Recommended Posts

Maraakiib Iyo Diyaarado Maraykan Ah Oo Soo Gaadhay Magaalada Berbera

Written by Qarannews

Apr 15, 2008 at 10:44 PM

 

Berbera(Qaran)- Wararka ka imanaya magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, ayaa xaqiijinaya in fiidkii caawa ay Biyaha magaalada berbera, soo gaadheen laba Markab oo nooca dagaalka ah oo Maraykanku leeyahay, kuwaasi oo ay ka degeen ilaa lix diyaaradood, oo qadar fadhiistay madaarka Magaaladaasi.

 

Weriyeyaal ku sugan magaalada Berbera iyo qaar ka mid ah dadweynaha magaaladaasi ayaa caawa ii xaqiijiyay in laba markab oo laga leeyahay dalka maraykanku ay soo gaadheen Biyaha magaalada, ka dibna ay diyaaradahaasi ka soo kaceen maraakibtaasi oo ay qadar saacad ku dhow ay fadhiisteen madaarka Berbera, oo ka yara durugsan magaalada.

 

"Markaakibtani iyo diyaaradahani waxa sida la filayo ay hordhac u yihiin ciidamo Maraykan ah oo lgu wado inay soo degaan Madaarka iyo xeebta Berbera"sidaas waxa yidhi mid ka mid ah suxufiyiintii ii xaqiijiyay maraakiibtaasi.

 

Masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo kuwa degmada Berbera, ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan maraakiibta iyo diyaaradahaasi oo la sheegaayo in ay ahaayeen roxon diyaardaha qumaatiga u kaca oo dhamaantood wada fadhiisatay madaarka Berbera, waxa ay wararku sheegayaan in diyaardahaasi halkaasi aad loogu soo dhaweeyay isla markaasina ay la kulmeen madax xukumada ka tirsan sidoo kale waxa aad u soo dhaweeyay dadweynaha iyo madaxda magaalada Berbera oo uu horkacaayo Mayarka, lamana sheegin waxa ay ku wada hadleen.

 

Madaxweyne Rayaale ayaa baryahnba ku cel celinaayay in ay xukumadiisu u ogolaatay in ay ciidamda Maraykanku isticmaalaan madaarka magaalada Berbera iyo badaha Somaliland, isla markaasna ay soo dhawaynayaan hadii ay imanyaan oo ay isticmaalayaan saldhiga magaalada Berbera taasi oo ka horna uu madaxweyne Rayaale uu socdaal aad loogu soo dhaweeyay uu ku tagay dalka Maraykanka, sideedaba xukumada Somaliland iyo dawlada Maraykanka ayaa aad u sii wanagsanaanaaya

 

 

 

 

Cumar Maxamed Faarax

Qarannews

 

Last Updated ( Apr 15, 2008 at

Share this post


Link to post
Share on other sites

loool comming soon cami just wait and see

 

 

Maraakiib Kuwa Dagaalka ah Oo Caawa Lagu Arkay Duleedka Berbera iyo Diyaarado ka dulkacay oo fadhiistay Madaarka Magaalada.

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

(Maraakiib Kuwa Dagaalka ah Oo Caawa Lagu Arkay Duleedka Berbera iyo Diyaarado ka dulkacay oo fadhiistay Madaarka Magaalada.)

hadhwanaag 2008-04-15 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(Hadhwanaagnews.com):- Laba Markab oo kuwa dagaalka ah, isla markaana ay ka dulhaadadyaan diyaarado ah nooca loo yaqaano Ehelukobtarka ayaa la sheegay inay isa sootaageen duleedka Magaalada Berbera.

 

 

Maraakiibtan ayaan la aqoonsan cidda leh iyo ujeedada ay u yimaadeen toona, hase yeeshee, Warar xog-ogaal ah oo aanu ka helay dhinaca Berbara ayaa xaqiijinaya joogitaanka labadan Markab ee Berbara ku sugan, iyada oo ay sheegeen inay ilaa 6 ama 7 diyaaradood oo Helukobtar ahi ka dul kacayeen Markabadaa, iyaga oo kacaa fadhiisanayay Dhabaha diyaaradaha ee Magaalada Berbara laga soo bilaabo ilaa iyo fiidkii caawa.

 

 

Maraakiibtan ayaa sida la sheegay isa soo taagay meel ku beegan Madaarka Berbera, oo aad ugu dhaw badda.

 

 

Inkasta oo la sheegay inaanay jirin cid ka socota Xukuumadda Somaliland oo ay si gaar ah ula kulmeen, hase ahaatee waxa la sheegay in ay Ciidamada aamaanka ee magaaladu ka warhayeen dhaq-dhaqaaqyada Maraakiibta iyo diyaaradaha ka dul haadayayba, sidoo kelana ay wada xidhiidhayeen labada dhinac.

 

 

Hase yeeshee, Masuuliyiinta dawlada Somaliland ayaan iyagu ilaa hada wax war ah ka soo saarin arrintan iyo sababta ka dambaysa toona.

 

 

Dad kala duwan oo ku sugan Magaalada Berbera ayaa sheegay in ay Maraakiibtani muddooyinkii ugu dambeeyayba ku sugnaayeen Badda Somaliland, iyaga oo ka warhayay, isla markaana dabagal ku samaynayay doonayaha iyo sidoo kale dhaq-dhaqaaqyada Badda Somaliland, hadana ay goor gaaban oo galabta uun ah lagu arkay duleedka Berbera.

 

 

Si kastaba ha ahaatee Maraakiibtan ayaa la filayaa in laga leeyahay dalka Maraykanka, oo beryahan dambaba la hadal hayay in uu Maraykanku Berbera ka samaysan doono Saldhig Milatari, taas oo soo shaacbaxday ka dib Safar uu Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ku tagay dalka Maraykanka bilawgii sannadkan 200-8da.

 

 

Wararku waxay intaa ku darayaa in aanay dadka reer Berbara wax cabsiya oo badan ka muujin arragtida Maraakiibtan, balse aanay dadku wax kale hadal haynin ilaa iyo waqtigii la arkay, iyada oo ay dadka magaaladaasi maraakiibtan ka bixiyeen dareeno kala duwan oo ay qaarkood leeyihiin hadii Maraykan Berbera yimaado shaqo ayaynu ka heli doonaa, halka ay kuwo kalena uga arkaan in waxaan culays ahayn aanay soo kordhinayn ciidamo shisheeyo oo dalka Saldhig ku yeeshaa.

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

So now you have a group of men incapable of bringing the smallest infrastructure to their own country, yet so eagerly and cheaply prostituting our country to the lowest bidder. Isn’t this the same group of people who condemn the TFG for proudly inviting Ethiopia into our soil? What has the American government done for the northern citizens that an ex-warlord turned president would invite them to use our waters and our lands for their destructive needs?

 

 

Secessionists speak so much about democracy, yet every chance they get this ex-con and his followers sell out the same population they ought to represent. Then again what do you expect, this same administration out of nowhere divided the north into even smaller pieces. What about the civilian’s rights?

Truly this is yet another dark time for our country.

 

 

And last X-Xundjuf,

Stop embarrassing yourself! To this day this recognition you speak off has not been granted. Stop selling your country to this administration for the sake of this separatist ambition. Inviting an internationally known corrupt administration, one that has terrorised many countries and governments, all for what? So a group of ex-murderers and their ex-con puppet can say they have their own country? The irony of it all is unbelievable.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

The hypocrites of all hypocrites. They speak against others for allowing Ethiopians in and they in turn allow Americans to enter. AFTER THEY WERE REJECTED IN JANUARY FOR RECOGNITION. All the years begging the British did nothing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You're mixed-up sxb ,,,,

 

The whole world know what having a military base means ,,,,, it is just a military base, the same they have in Djibouti, Cuba, Germany and other countries.

 

You can never have marmarsiiyo to justify your invitation to the xabashis to kill your people. That is the most disgraceful act ever happened in the history.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Do you know every Muslim country is trying to get them to leave, even Iraqi's Shi'a? Do you realize how much prostition they bring with those soldiers there, I saw it in Djbouti? Ethiopians take orders from them, they are nothing compared to the US. It's one thing if you are on the verge of destruction and have no choice, but you are already peaceful.

 

Forget it, just don't comment on Ethiopians again.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I'm sorry i don't take your advices until you take the xabashis out of your country. It is my country and it is me who is deciding who to give military bases and who is not.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Originally posted by Xaaji_xundjuf:

Yes this is good news the free world coming to Somaliland will good for our Recognition in the near future

Everytime I read your name, it makes me chuckle. Xundhujuf sounds pretty funny so is your above post. :D . Maybe they're there to take over what is left of Somalia. Have you thought about that, Xaaji?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this