Sign in to follow this  
ansaar17

Ciidamo ethiopian ah oo miino lakacdey

Recommended Posts

ansaar17   

Qarax ka dhacay wado ay ku socdeen Kolonyo ciidamo Ethiopian ah oo ku soo jeeday Muqdisho

 

No.60 10, March.07 ( Sh.M.Network) Qarax ayaa ka dhacay deegaanka no.60 ee gobolka Sh/hoose, xilli halkaasi ay marayeen kolonyo ciidamo Ethiopian ah oo ka soo baxay gobolada Jubbooyinka.

 

Qaraxaan ayaa lala beegsaday Kolonyo ciidamo Ethiopian ah oo marayay wadada No.60 ee gobolka Sh/hoose, kuwaasi oo ka yimid dhanka magaalada Kismaayo, kuna soo wajahnaa magaalada Muqdisho.

 

Qaraxaan oo dhacay galinkii dambe ee maanta ayaan wali la ogeyn qasaaraha uu geeystay balse darawaliinta ka shaqeysa wadadaasi oo magacyadooda ka gaabsaday ayaa shabelle u sheegay in ay maqleen qarax aad u xoogan.

 

Qaraxaan ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay socdaalkii ciidamada Ethiopia ay ugu soo jeedeen magaalada Muqdisho, iyadoo uu hakad galay.

 

Ciidamada Ethiopia ayaa waxa ay ka dagteen gawaarida sida ay sheegeen darawaliin halkaasi soo martay, iyagoo bilaabay in ay baaraan deegaanada ku xeeran wadadaasi si ay u ogaadaan waxa keenay qaraxa.

 

Qaraxaan ayaan wali la ogeyn in uu ahaa bam wadada lagu aasay iyo in uu yahay mid lagu soo tuuray.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Ethiopia oo ku aadan arintaan.

 

Ciidamadan Ethiopianka ah ayaa waxa ay wataan tobaneeyo baabuurta dagaalka ah, waxaana ay ka soo baxeen magaalada Kismaayo, iyagoo ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

Weerar loo adeegsadey miino dhulka lagu aasay oo caawa lala beegsadey Ciidanka itoobiya oo marayey N0.60

Posted to the Web Mar 10, 21:29

 

 

Afgooye:-Dagaal gaadmo ah oo iskugu jira Miino dhulka la dhigay iyo weerar Baasuukayaal ah ayaa lala beegsadey Caawa Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka soo guuray Magaalada Kismaayo markii ay soo gaareen Nr.60 ee Gobolka

Sh/house.

 

Weerarka Miinada ah ayaa waxaa uu burburiyey sida la sheegay labo gaari oo Uraalo iyo mid Teknika ah sida ay na soo gaarsiiyey ilo wareedyo ku sugan Magaalada Muqdisho oo wararkooda lagu kalsoonaan karo.

 

ilaa hadda ayaan la ogayn khasaaraha gaaray Ciidanka Itoobiya iyadoo weerarkii Miinada ka dib ay koox hubaysan ay weerar loo adeegsadey Baasuukayaal ku qaadeen isla Ciidanka Itoobiya.

 

Ciidanka Itoobiya ayaa ha'kada galiyey Socdaalkiisa waxaana ay bilaabeen inay baaraan halka ay isla haayeen waxaa laga soo abaabulay weerarkaan qorshaysan.

 

Weerarkaan Miinada ah ayaa ah midkii ugu horeeyey ee lagu Weeraro Ciidanka Itoobiya ilaa intii ciidanka Itoobiya ay ku sugnaayeen gudaha Soomaaliya.

 

ilaa iyo hadda cid sheegatey ma jirto weerarkaan inay ka danbeeyeen balse waxaa la rumaysan yahay in weeraradaan ay ka danbeeyaan Taageerayaashii Maxkamadaha Islaamiga.

 

ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Itoobiya ma jiraan ama kuwa DFK.

 

 

Wixii war ah kala soco Shabakada wararka Halgan.net

 

Halgan.net

Abuhureyra

Share this post


Link to post
Share on other sites

As much as i want to see the ethiopians and au troops of somali lands, i dont think its right to cheer anyone's death like that. i think its quite disgusting how someone people can disrespect the dead like that

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by A.J. Timacadeh:

i think its quite disgusting how someone people can disrespect the dead like that

Are you suggesting dead occupiers who come to bomb innocent Somalis, rape their women, torture and kill their wadaads, iwm-- should be respected? How is that feasible? How do you convince victims of the occupiers to respect dead occupiers?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Gobolka Sh/hoose oo lagu gubay laba baabuur oo ay saarnaayeen Ciidamo Itoobiyaana.

 

 

Sh/hoose Saturday, 10 March , 2007 Waaga Cusub

 

Laba Gaari oo ay saarnaayeen Ciidamo Itoobiyaana kana mid ahaa kolonyo gaadiid dagaala oo ka soo ambabaxay dhinaca Jubooyinka kuna soo jeeday Muqdisho ayaa ku gubtay agagaarka No60 kadib markii ay la kacday Miino loo aasay sida ay Waagacusub u sheegeen goobjoogayaal ku sugan degaankaas.

 

Wararka waxay sheegayaan in markii miinadaas la qaraxday labada baabuur in la huwiyay tacshiirado,iyadoo kooxo hubaysan ay foodda isdareen Ciidamadda Itoobiyaanka ah ee ku soo jeeday Muqdisho.

 

Ilaa iyo hada lama ogga khasaaraha gaaray dableeyda wadada u gashay Ciidamadda Itoobiyaanka laakiin warar dambe oo soo baxaya ayaa sheegaya in gaari sedexaad uu ku gubanayo halka uu dagaalka ka dhacay oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

 

Labada gaari ee la gubay iyo midka baasuukaha looga dhiftay qaybta dambe ayaa la soo wariyay inay saarnaayeen Ciidamo Itoobiyaana laakiin lama ogga khasaaraha inta uu dhan yahay waloow Saraakiil sare ay ku sirwarameen in khasaarahii ugu badnaa uu Itoobiyaanka gaaray,

 

Degaanka No60 ayaa laga qaxay inta badan waxaana albaabadda loo xiray goobaha ganacsigga.

 

Ciidamadda Itoobiya oo wata gawaari kolonyo ah oo ka badan 51 gaari ayaa ku hakaday No60 iyagoo aan ka hadlin khasaaraha dhankoodda gaaray. waxayna xirteen difaac xoogan taas oo xeeldheerayaasha melleteri ay ku tilmaameen mid muujineysa inuu khasaaro xoogan jiro

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

God bless for those gumeeysi diid fighters making it difficult for the occupation forces to move around easily.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Tikreeda oo xalay lagu laayay weerar xeeladeysan oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose.

 

Ciidamada Tikreega ee xooga ku yimid dalka Soomaaliya ayaa xalay weerar ba'an loogu gaystay qeybo ka mid ah gobolka Shabellaha hoose ayadoo la xaqiijinayo in laga gubay 2 gaari oo kuwa dagaalka ah mid 3aadna waxyeello ba'an loo gaystay kadib markii weerar si heer sare ah loo soo qorsheeyay lagu qaaday kolonyo ciidamadaasi ay la socdeen oo ka yimid dhinaca magaalada Kismaayo.

 

Inkastoo si rasmi ah aan loo garaneyn tirada askarta Tikreega kaga bakhtisay weerarkaasi misana warar laga helay goob joogayaal ka ag dhawaa halka weerarka uu ka dhacay oo ah deegaanka km60 ayaa xaqiijinaya in 2 gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamo Tikree ah la gubay mid 3aad oo saad sidayna waxyeello ba'an ay soo gaartay.

 

Goob joogaha ayaa intaa ku daray in miino wadada loogu aasay kolonyada Tikreega kadib markii ay argagaxeena rasaas fara badan la huwiyay taasoo sii badisay khasaaraha baaxada leh ee soo gaaray ciidamadaasi oo la sheegay in xalay ay halkaasi ku baryeen ayagoo ku hawlanaa gurashada maydadkooda, kana baqayay weeraro kale in lagu qaado haddii ay sii wataan safarkooda.

 

Ciidamada Tikreega ayaa mar kasto oo la weeraro waxa ay qarsadaan jabkooda, kamana war bixiyaan khasaaraha ka soo gaara weerarada muqaawamada ay ku soo qaadaan fariisimaha ciidamadaasi ay xooga ku degan yihiin.

 

Weerarkan lagu qaaday ciidamada Tikreega ee marayay qeybo ka mid ah gobolka Shabellaha hoose ayaa muujinaya shacabka Soomaaliyeed in ay ka go'an tahay meel kasto uu joogaba in uu iska qaado heeryada gumeysiga isla markaana halganka hubeysan uu ka wado meel kasto uu joogo cadawga qabsaday dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
harriwaa   

Thanks for sharing this with us sxb! Good to have & heard this sort of news!

 

The very obvious thing from the beginning was that the current regime of Ethiopia took its own hands the demise of its destruction after it had aggressively invade Somalia & its ever Brave Warriors. History reveals that Brave Somalis were never defeated in a battle of any sort. And from this point of Ififaallo, Our brave Mujaahidiins will eventually gain the upper hand & prevail, by the Will of Allah, HEI!

 

Wal Caaqibatu Lil Mutaqiin....!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliban,

 

bro i am one of the biggest opponents of these occupiers and along with that dog cabdilahi yusuf i wish for them to be ousted from somalia but i am muslim foremost and islam teaches us to respect the dead. therefore i dont think it is right to celebrate the death of anyone and i think that the bodies of any dead should be buried in a respectful manner and for people to show more dignity and respect. that's all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by A.J. Timacadeh:

i think that the bodies of any dead should be buried in a respectful manner and for people to show more dignity and respect.

Who do you suggest should bury dead occupiers? Is there's even the thought or time to bury them? I mean, insurgents have to be in constant moving from a place to another, otherwise US drones and satellite imagery would locate and terminate them in a matter of minutes. And what about victims of the occupiers? Do you think in their emotional state of grief, anger and fear-- they would think about burying their violators and aggressors?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this