Sign in to follow this  
Che -Guevara

Explosion in Bosaso

Recommended Posts

Boosaaso: Qarax sababay dhaawac fara badan oo caawa ka dhacay Boosaaso

27. December 2007

 

Boosaaso(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo aan la garaneyn ay caawa weerar bambaano ah ku qaadeen guri ku yaala duleedka magaalada Boosaaso, iyadoo wararku qaar intaa ku darayaan in gurigaasi uu ka socday shir ay lahaayeen odayaal.

 

Qaraxan bam ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen ilaa 7 qofood oo qaarkood ay ku jiraan dadkii halkaasi ku shirayay, waxaana loola cararay dadkii ku dhaawacmay xarumaha caafimaad ee magaalada Boosaaso.

 

Qaraxan ayaan la ogeyn kooxaha geystay iyo sababta keentay in weerar bambaano ah lagu qaado gurigaasi oo la sheegay in uu ka socday shir aan la ogeyn waxa uu ku saabsanaa, Hadii Alle idmo wixii warar ah ah ee ku soo kordha dhacdadan wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax Caawa Abaarihii 9:00 Sagaakii Fiidnio Ka dhacay Magaalada Boosaso ayaa waxaa ku dhaawacantay 7Ruux oo Qaraxaan oo ahaa sida ay Allsanaag u sheegeen dad Goob joogayaal ah Bom Nooca Gacanta laga Tuuro ah ayaanan la ogayn Ilaa iyo Imika Cidda ka dambaysa waxaana Caawa Ciidamada Amaanku ay Bilaabeen Qorshe ay ku Xaqiijinayaan Cidda Ka dambaysa Qaraxan Khasaaraha Gaystay.

 

 

Goobta uu qaruxu ka dhacay oo ah Xaafada Tuur ****** oo dhanka Galbeed kaga Taala Magaalada Boosaso ayaa warar Hoose oo soo baxaya waxay sheegayaan in ay Tahay Dad Doonaya in ay Falal amaandari ah ka Bilaabaan Gudaha Magaalada Boosaso iyo Deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland oo ah Kuwo degan oo Ay Nabadi Ka jirto Marka Loo eego Gobolada Kale ee Dalka Soomaaliya oo ay Halakeeyeen Dagaaladii Sokeeye.

 

 

Waxaad Moodaa Waayahan dambe in ay Jiraan Dad Dana gaar ah wata oo Diidan Nabad gelyada Gobolka Bari iyadoo Maalmihii ugu dambeeyayna Magaalada Boosaso lagu afduubay Dad ajnabi ah oo ay Qaarkood ahaayeen kuwo Hawlo gargaar u Fidinayey Shacabka Soomaliyeed ee Dhibaatooyinku La degeen.

 

 

Dhakhaatiirka Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaso oo ay iisuurto Gashay in aan wax ka waydiiyo Qaraxan Caawa ka dhacay Magaalada Boosaso iyo Cidda wax ku Noqotay ayaa waxay ii Xaqiijiyeen in Isbitaalka Lasoo gaarsiiyey 7 Todobo Qof oo dhaawac ah Hadana lagu dawaynayo Isbitaalka waxaana ay ii sheegeen in Dadkaasi dhaawaca ah Badi ay Dhawacyadoodu Sahlan yihiin walow ay Jiraan Qaar kamida oo dhaawac Xooglihi soo gaaray.

 

 

Isku soo wada duuboo Arintan ayaa ah Mid aan horay loogu aqoonin Deegaanada Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed ahna mid ku Cusuab iyadoo Shacabka ku dhaqan Maamul goboleedka Puntland ay dhegta oo keliya ka maqlijireen Waxa loogu Yeero Qarax oo ka dhaca Gobolada kale ee dalka Qaarkood Balse Habeenimadii Caawa ayaa Hal Mar Xaafadaha Magaalada Boosaso waxaa laga warhelay Qarax Lixaadleh oo Dadkii ka agdhowaan ay si aad ah uga Arga Gexeen.

 

 

Sawiradii Qaraxa kala soco Allsanaag.com Xiliyada Soo socda in shaa alaah

 

 

Xasan Faarax Gudaal(Xasan Yare)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Very sad indeed. I hope this is not a case of the chicken coming home to roast. At any rate, this highlights the weakness of Cade administration and the jury is out whether Cade inuu dalka ku maamulo gacan bir ah sidii Ina Yey or to try to resolve every issue peaceful as he is known today.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

dalka ku maamulo gacan bir ah sidii Ina Yey

I'm pretty sure a good leader must know his limitations. Unlike years past a significant amount of puntland's resources (weapons, money, soldiers etc) are down in the south helping stabalize that area. Those that want to destroy Puntland are fully aware of this. That's why the courts wanted to launch a war here last year so quickly. I'm hearing that it was a weapons stash that exploded which was ment for the ONLF.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso(AllPuntland)- Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya weerar xalay fiidkii lagu qaaday koox ku shir saneyd guri ku yaala dhiinaca Bari ee magaalada Boosaaso, iyadoo bam gacmeed lagu tuuray gurigaasi ay ku dhaawacmeen ilaa Sideed qofood oo midi haweeney tahay inta kalena rag ay ahaayeen, kuwaasi oo la dhigay isbitaalka magaalada Boosaaso.

 

Wararku waxay sheegayaan in raggan ku sugnaa guriga la weeraray ay ahaayeen xubno taageersan Ururka ONLF ee ka dagaalama deegaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isla markaana weerarkooda uu yimid xili ay ku shirsanaayeen guri ku yaala xaafada Biyo Kulule ee dhinaca bari Boosaaso.

 

Dhamaan dadka dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen Soomaalida dhulka ismaamulka ******** ee kililka shanaad, kuwaasi oo qaarkood qaab ganacsi ku soo gala Puntland sida uu sheegay mid ka mid ah raggii ku dhaawacmay qaraxaasi oo diiday in magaciisa la xusi, isagoo intaa raaciyay in uu ka ganacsado Ariga.

 

Dadkan ayaa sheegay in aysan garaneyn cida soo weerartay balse maamulka Puntland ayaan ilaa iyo weli wax war ah ka soo saarin weerarkaan bambaano ee xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

 

Mudooyinkii u danbeeyay ayaa magaalada Boosaaso waxaa ku soo kordhayey falalka amaan daro ee ay geysanayaan maliishiyooyinka hubeysan kuwaasi oo qalqal gelinaya amniga deegaanada Puntland, iyadoo xiligan kooxo hubeysan ay afduub ku heystaan shaqaale ka tirsan hey'adda MSF Spain.

 

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax ka dhacay Bosaso

Last Updated::2007-12-31 20:06:48

 

Wararka ka imanaya magaalada Bosaso ayaa ku warramaya in qarax uu ka dhacay magaaladasi

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxay qaraxan

 

waxana wararka qaarkood sheegayaa in bambada gacanta laga tuuro lagu halgaaday gaari ay saarnaayeen ciidamo bolis ah balse uu gaarigani la la beegsaday qaraxan aysan waxba ka soo gaarin oo lala gefay qaraxan .halka warar kale ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay bamka meesha fog laga hago

 

Ilaa iminka lama sheegin cid wax ku noqotay qaraxan.

 

Qaraxan noocan oo kale ah oo bartilmaameed laga dhiganayo ciidamada boliska ayaa ah kii ugu horeeyay noociisa ee ka dhaca Puntland

 

Wixii ka soo kordha Warkan oo goordhawayd soo gaaray war qabadka HorseedNet ha ka fogaan HorseedNet

 

C/hi Caaqil

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax Xoogan ayaa Caawa Gil Gilay Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari

 

Bosaaso:- Qarax xoogan ayaa caawa Gil Gilay magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari, qaraxaasi ayaa waxa la sheegay in lala beegsaday Gaadhi ay wadeen Booliska Magaalada Bosaaso xili ay ku jireen hawlgal balaadhan oo ay ku sugan yaan Amaanka magaalada Bosaaso, goortii qaraxaasi dhacay ayaa waxa ay rideen Ciidamadu rasaas.

 

 

Dad goob joogayaal ah ayaa saxaafada u sheegay inuu qaraxaasi ahaa Mab-gacmeed kaasi lagu tuuray Baabuur ay la socdeen ciidanka Booliska ee magaalada Bosaaso, qaraxaasi ayaa la cadeeyay inuu dhawaac ka soo gaadhay hal ruux oo goobtaasi ka dhawaa, kagadaal goortii uu Mab-kaasi dhaafay Ciidankii lala beegsaday.

 

 

Isla markiiba ciidan xoogan oo dheeraad ah ayaa soo gaadhay goobtii ay Masiibadaasi ka dhacday iyaga oo isku gadaamay waxayna baadhitaana xoogle ka wadaan goobihii ku dhawaa agaasi iyaga oo la sheegay inaanay ilaa haatan cidna loo qaban Qaraxaasi.

 

 

Maamulka Puntland ayaa ilaa iminka wax jawaab ah ka soo saarin qaraxaasi caawa dhacay iyaga oo sheegay inay wadaan hawl galo baaxadle oo ay ku soo qabanayaan dadkii falkaasi maleegay, waxay sheegeen saaraakiisha Ciidanku ee Puntland inuu qaraxaasi caawa dhacay uu ahaa mid aad looga soo shaqeeyay ujeedkiisuna uu ahaa in lagu wiiqo Amaanka Dawlada Goboleedka Puntland oo awlba ahaa mid laga dayrinayo.

 

 

Qaraxaasi caawa ka dhacay magaalada Bosaaso ayaa ah kii labaad oo noocisa oo kale ah oo ka dhaca magaalada Bosaaso, isaga oo kii ka horeeyay uu ka dhacay habeenkii dhawayd magaalada Bosaaso uu aah mid kiinay khasaare lixaadle oo ay ku dhawaacmen ilaa 7- Ruux halka 3-kalena ay ku dhinteen.

 

 

Tani waxay soo beegmaysaa xili Cade Muuse uu ku sugan yahay magaalada Bosaaso, isaga oo la sheegay inuu uyimi sidii uu ula xajoon lahaa wafti u andacoonaysa laba Hablood uu duleedka Bosaaso lagu haysto Mudo gaadhaysa ilaa 10-maal mood.

 

 

Dhamaan xaalada guud ee magaalada Bosaaso ayaa ah caawa mid Kacsanaan laag dareemayo iyada oo ay wadooyinka joogaan Ciidamo aad u farabadan kuwaasi oo baadhitaano ka wada Gudaha Magaalada Bosaaso.

 

 

 

 

 

Jaamac AYaanle

 

 

LaasqorayNet/ Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this