Sign in to follow this  
wacdaraha_aduunka

Djibouti bans any Somaliland 18'th May Party

Recommended Posts

Yaa Bixiyey Amarkii Joojinta Xuska 18 May ee Jabuuti?

 

Xukuumadda Somaliland oo afka ka xidhatay guuldarrada siyaasadeed ee soo wajahday

 

Jabuuti (Jam)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa la xaqiijiyey in ay si cad u horjoogsatay xaflad lagu maamuusayey xuska sannad-guurada 18aad ee ka soo wareegtay madaxbannaanida Somaliland oo 18 May 2009 lagu qaban lahaa caasimadda dalkaas ee Jabuuti.

 

Xafladdaas oo ahayd tii ugu horreysay nooceeda ee ay soo qabanqaabiyaan jaaliyadda reer Somaliland eek u nool dalka Jabuuti, ayaa waxa si badheedha ah oo aan gabbasho lahayn qabashadeeda u diiday Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, kadib markii uu amar ku bixiyey in la rafaco goobtii xafladda loo diyaariyey isagoo ku andacooday in aanay habayaraatee oggoleyn in waddankooda loogu dabbaaldego dal aan jirin oon dunidu aqoonsanayn.

Tallaabadda dawladda Jabuuti ku horjoogsaday xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18 May, waxa ay weji-gabax siyaasadeed oo weyn ku tahay xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee albaabada u ballaqday taageerada iyo soo dhoweynta maamulka Ismaaciil Cumar Geelle oo rumaysan yahay inuu calanka u sido madaxda Afrikaanka ee calooshu ka xannuunto marka la soo qaado madaxbannaanida Somaliland.

 

Xafladda saqiirtay ayaa sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa qabanqaabada iyo maalgelinteedaba gacan ka geysteen ganacsatada waaweyn ee reer Jabuuti ee u dhashay Somaliland iyo xataa xaaska Madaxweyne Geelle oo ballanqaaday bixinta kharashka sharaabka iyo fannaaniinta ka heesaya munaasibadda dabbaaldegga 18 May.

 

Haseyeeshee, sida ilahaasi tibaaxeen waxa qorshahaas dhicisoobay, kadib markii habeennimadii 19 May oo qabashada xafladdu qorshaynayd si lama filaan ah madasha loo diyaariyey xuska u tegay Wasiirka Daakhiliga Jabuuti Mr.Yaasiin Cilmi Buux oo waqtigaas ka soo laabtay shir golaha xukuumadda Madaxweyne Geelle dhawr casho uga socday magaalo ku yaal dhulka qaboobaha ee dalkaas, amarna ku bixiyey in la joojiyo xafladda oo uu sheegay in aan dawladdiisu oggoleyn qabashadeeda, arrintaas oo dhalisay buuq iyo gadood jaaliyadda Somaliland ee madasha joogay kala hortageen wasiirka, balse ku adkaystay go’aankiisa, sidaana lagu kala dareeriyey ka qaybgalayaasha oo wejiyadooda ka muuqdeen cadho iyo yaxyax aanay filayn.

 

Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal oo afka ka xidhatay tallaabada dawladda Jabuuti ku horjoogsatay xuskii 18 May ee maalinta qarannimada Somaliland, isagoo Madaxweyne Rayaale mar walba ku celceliyo in dawladda Jabuuti tahay saaxiibka koowaad ee Somaliland , isla markaana labada xukuumadood kaa saxeexdeen heshiis diblomaasiyadeed oo ku saabsan dhinacyada siyaasadda, ammaanka iyo ganacsiga, waxaanay dhacdadani daaha ka fayday colaadda iyo naxliga huursan ee maamulka Ismaaciil Cumar Geelle u hayo himilada masiirka ummadda Somaliland.

 

Arrintan oo maalmihii u dambeeyey si weyn loo hadal hayey, ayaa abuurtay dareenno shaki weyn xambaarsan oo la xidhiidha inuu jiro shirqool siyaasadeed Madaxweyne Geelle gadh-wadeen ka yahay oo ka dhan ah qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, laguna damacsan yahay in ummadda Somaliland lagu sandulleeyo midnimadii halaagga ee Soomaaliweyn, sidoo kalena Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumaddiisu ka run sheegayn heshiiskii uu dhowaan ku soo galay dalka Jabuuti, kaas oo axsaabta mucaaradku wiswis ka muujiyeen ujeeddadiisa dhabta ah, waxana tuhunnadaas sii xoojiyey sababta xukuumaddu dhegaha uga furaysatay ka hadalka fashilka siyaasadeed ee ka mudan.

 

Waxa kale oo tallaabadani u muuqataa mid si cad u fashilisay kalsoonidii shacbiga Somaliland ku qabeen heshiiskii diblomaasiyasadeed ee Madaxweynuhu sheegay inuu la soo saxeexday hoggaamiyaha iyo madaxda dawladda Jabuuti, kuna muujinayeen halka ay ka taagan yihiin goonni-isu-taagga dalka Somaliland.

 

Dhinaca kale, dadweynaha Somaliland ayaa la dhakafaarsan macnaha iyo siraha qarsoon eek u duugan go’aanka dawladda Jabuuti ku mamnuucday xuska 18 May iyo xafladaha loogu dammaashaadayo toban-guuradii ka soo wareegtay markii xilka loo cummaamaday Madaxweyne Geelle ee sida isdaba-jooga ah looga qabtay magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Gabiley, kuwaas oo ay hormood ka ahaayeen qabanqaabadooda ka qaybgalkooda wasiirro iyo masuuliyiinta sare oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Rayaale, iyadoo ujeeddada dabbaaldegyadaas yihiin qaar caad saaran yahay oo aan xaqiiqdooda la ogeyn.

 

Si kastaba ha ahaatee, guuldarrada siyaasadeed ee soo foodsaartay xukuumadda Somaliland waa foolxumo iyo fallaadh feedhaha kaga mudan maamulka Madaxweyne Rayaale oo shabcigu uga fadhiyo caddaynta dhabta ah ee falaggii siyaasaddiisa Jabuuti ka qalloocday.

 

 

Jamhuuriya Online

 

Printable version Email this to a friend

Share this post


Link to post
Share on other sites

Considering all the parties that was held in Madaxtooyada ( Ex Morgan's residence) for Gelle. The regional gov local tv was full of Riyaale swinging with his wife on Qoob ka ciyaar music :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

the question is why is Gheele so bad to them ?

Djibuti is the little kid in the horn, and Geele does not want another little kid stealing his limlight. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this