Sign in to follow this  
Liibaan

caruurtayadii ayaa la xasuuqayaa sidee dadkan Kaluunka cunaya amaankoda u ilaalinaa

Recommended Posts

Liibaan   

 

100 Askari Oo SSC Ka Soo jeeda oo ka soo Goostay Puntland

 

 

Written by Jidbaale.com

Thursday, 27 May 2010 03:14

 

In ka badan boqol askari ayaa xlay waxay ka soo baxeen magaalada Xeebta ah ee Boossaaso, Ciidankan oo xidhiidh la soo sameeyeywarbaahinta SSC ka hor inta aysan ka soo anbabixin magaalada Boosaaso ayaa waxay ku hubaysan yihiin Hubka fudud ee Boobayaasha iyo noocyada kale ee garbaha lagfu qaato.

 

Sarkaalka Ciidankanwatay oo magaciisa ku soo gaabiyey Xassan ayaa u xaqiiqjiyey warbaahinta in ay 11:00pm ee wakhtiga geska Afrika ka soo ambabaxeen Boosaaso. Ciidamadan ayaa si dhoolo tus ah oo awood sheegasho ah ku soo dhex qaaday wadada laamiga ah, ayagoo dhamaan soo jeedhay Kantarooladii u yaalay booliska Puntland.

 

Ciidankan oo ah kuwa lixdaan leh isla markaana ah Askartii sugu jirtey amaanka magaalada Boosaaso ayaa noo sheegay in dalkoodii oo la haystio aysan macquul ahayn in ay Boosaasoi amaankeeda sugaan.

 

"Waanu gadoodney, caruurtayadii ayaa Beebee la marinayaa oo la xasuuqayaa sidee ku sii joogna Boosaaso oo aan dadkan Kaluunka cunaya amaankooda u ilaalinaa" ayuu is waydiiyey Mr: Hassan oo sheegay in ay yihiin ciidamo si weyn u tababaran, Mar an xidhiidh la sameeyey saaka ayuu ii xaqiijiyeyin ay dhulka SSC gaadhi doonaan saacadahan soo socda. Isla markaana ay kan qayb qaadan doonaan dibu usifeynta deegaankooda.

 

Mar aan weydiiyey in ay jirto bal inla isku dayey in la joojiyo ayuu sheegay intaas ay u babac dhigeen." Markaan gaadhno Baraha kantaroolada waanu ka daadaney gawaadhida waxaana sameynay hab ciidan oo ah in aan hool gareeno goobta isla markana la wareegno intaas ka dib ayaanu ka gudbeyney" Waxa jirtey tikniko Garoowe laga soo diray ka dib markaanu ka awood roonaanay kuwii wadooyinka ayaganu waa ku guul daraysteen in ay na celiyaan ayuu khadka telefoonka noogu xqiijiyey sarkaalkaasi.

 

Isku soo wada duubo arintan ayaa waxay ka mid tahay Midnimada iyo isku soo ururka umada SSC oo hada u eg in ay wadadii wanaaga cagta saartay. Waxa kaloo halkaas laga qaadanaya indhamaan ciidamadii dhiiga laaha oo dhan ay ka dhiidhiyaan dadkooda la xasuuqayo.

 

 

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Waanu gadoodney, caruurtayadii ayaa Beebee la marinayaa oo la xasuuqayaa sidee ku sii joogna Boosaaso oo aan dadkan Kaluunka cunaya amaankooda u ilaalinaa"

:D:D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

The same can be said about Las Anod, Jidaali etc, a whole group without daily fish meals what a shame don't they know eating fish actually speeds up brain weaves and improves concentration. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sarkaalka Ciidankanwatay oo magaciisa ku soo gaabiyey Xassan ayaa u xaqiiqjiyey warbaahinta in ay 11:00pm ee wakhtiga geska Afrika ka soo ambabaxeen Boosaaso. Ciidamadan ayaa si dhoolo tus ah oo awood sheegasho ah ku soo dhex qaaday wadada laamiga ah, ayagoo dhamaan soo jeedhay Kantarooladii u yaalay booliska Puntland.

I told you ... I admire these guys ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Jacaylbaro:

Buuhoodle bad ma laha dee ,,,
:D

Guess where Pirateland's Fish Minister is from? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this