Sign in to follow this  
RedSea

The ultimate Ina Yey experience!

Recommended Posts

RedSea   

Madaafiic Hoobiyayaal ah oo lagu weeraray Xarunta Villa Somalia oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya

 

Sabti, February 07, 2009(HOL):Tiro madaafiic hoobiyayaal ah ayaa galabta lagu weeraray xarunta madaxtooyada Villa Somalia, halkaasi oo uu saacado kaliya ku sugan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

Madaafiicdaas oo dhawaqooda laga maqlayay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaaney jirin wax jawaabo ah oo ay ka bixiyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee ilaalo ahaanta u jooga Xarunta Villa Somalia.

 

Intii ay jirtay Dowladdii hore ee TFG-da waxaa dhici jirtay in marka madaafiic lagu weeraro Xarunta Villa Somalia ay Ciidamada jooga madaaf ku jawaabi jireen, iyadoo taasina ay khasaare ka soo gaari jirtay dad badan oo ku dhaqan gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha.

 

Jawaab la’aanta madaafiicda lagu tuuray Xarunta Villa Somalia waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa heli jiray jawaabta madaafiicda loo rido dhinaca Villa Somalia.

 

Waa tallaabadii ugu horeysay oo uu qaado Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasi oo uu ku muujinayo in uu kala duwan yahay hab-dhaqankiisa iyo midka madaxdii ka horeysay ee fariisinka ku lahaa xarunta Villa Somalia.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Fortunately, unlike Ina Yey, EThiopians and AMISOM, Sh.Shariif is a man of the people and city. Hence, he does not answer to cowardly mortar attacks and level whole districts to the ground.

 

 

-----

 

Madaxweyne Shariif oo amar ku bixiyay in Madaafiic jawaab laga ridin Madaxtooyada

 

C/llaahi Sheekh Nuur (C/llaahi Qadar) oo ka mid ah Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa ka warbixiyay Madaafiicdii shalay lagu tuuray Madaxweynaha, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo doqonimo ah.

 

 

C/llaahi Qadar ayaa qiray in dhowr Madaafiic lagu soo tuuray Madaxtooyada, hase yeeshee aanay waxba geysan, isagoona tilmaamay in Ciidamada Ammaanka Madaxtooyada ay adkeeyeen ammaanka.

 

 

"Madaxweynaha wuxuu amar ku bixiyay inaan madaafiic jawaab ah laga ridin Madaxtooyada"ayuu yiri C/llaahi Qadar oo intaa ku daray in xilliyadii hore ay dadka Muqdisho filan jireen in ficil nuucaas ah, isla markaana ay dareen naxdin leh ka qabi jireen marka la weeraro Madaxtooyada.

 

 

Waxaa uu sheegay in tani ay tahay mid hididiilo leh oo muujineysa in aan la daadin dhiiga shacabka, waxaana uu tibaaxay in shacabka ay si aad ah usoo dhoweeyeen tallaabada geesimada leh ee uu qaaday Madaxweynaha, taas oo uu ku joojiyay in Madaafiic jawaab ah la rido.

 

 

Jawaab la’aanta madaafiicda lagu tuuray Xarunta Villa Somalia waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa heli jiray jawaabta madaafiicda loo rido dhinaca Madaxtooyada

 

 

Waa tallaabadii ugu horeysay oo uu qaado Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasi oo uu ku muujinayo in uu kala duwan yahay hab dhaqankiisa iyo midka madaxdii ka horeysay ee fariisinka ku lahaa xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this