Sign in to follow this  
Nationalist

Pictures of trip to Tsunami struck Raas Haafuun, Pland

Recommended Posts

Safarkii waddada ee Xaafun ee Koronto

 

Abdirahman Koronto

BBCSomali.com

 

20050112162747buubac203.jpg

Dhulkii adkaa ee aan baabuurka ku marnay

 

Waxaan ka baxnay magaalada Nairobi abaarihii todobadii aroornimo, waxaan raacnay diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay, waxaan kooxdeena u socotay Xaafun ahayn shan weriye iyo laba sarkaal oo WFP ka socday, waxaan kala ahayn Aniga oo BBC-da ka socday,weriye Robert oo ka socday USA today, Gifan oo isna ka socday wargayska Guardian, Francesco oo sawirqaade madax bannaan ahaa, Crunchy oo ahaa Kaamariiste madaxbanaan oo la shaqaynayay WFP, Mowliid Warfaa iyo Nadiir oo labaduba ka tirsan saraakiisha WFP.

Waxay diyaaraddu nala martay No 50 oo ay ku dajisay qaar ka mid ah dadkii naga soo raacay Nairobi, oo ilaa laba saacadood iyo dheeraad ay na sii waday, markaa kadibna waxay noo qaaday magaalada Hargeisa, oo daqiiqado kadibna ay u ambabaxday magaalada Boosaaso, oo ay casirkii na gaysay.

 

20050112162925geel203.jpg

Geel aan ku aragnay dhulkii aan marnay

 

Ku dhowaad toban saacadood oo safar diyaaradeed ah kadib markii aan gaarnay Boosaaso oo alaabtii dhiganay Hotel-kii aan habeenkaa seexan lahayn, ayaa u dhaqaaqnay in aan magaalada soo kormeerno, balse waqtiga aan nimid oo casir liiq ahaa, ayaa noo saamixi waayay in aan tagno wax ka baxsay dekedda magaalada Boosaaso, oo markaasi howlo yar ay ka socdeen, waxaa mid ka mid ah doomaha dekedda ku xirnaa lagu rararayay ari, iyadoo mid kalena laga dajinayay bagaash.

 

Habeenkaasi, waxaan seexanay Hotel-ka International Village oo ku yaalla Boosaaso, iyadoo aan ku ballannay in aroortii shanta iyo barka aan isku diyaarino in uu bilowno safarka adag ee aanu ugu talo galnay in aan ku gaarnay Xaafun, oo ay bad ku hareeraysan tahay oo kaliyana leh hal waddo oo laga galo.

 

Markii la gaaray aroortii, waxyaabo yar yar oo safarkeenu muhiim u ahaa ayaa dhaliyay in aan saacado daahno, balse waxaan ku guulaysannay in aan wadada cagta saarno sideedii subaxnimo, anagoo wadanay sadex baabuur, oo 4WD ahaa, oo ah landcruisero loo diyaariyay safar adag, oo mid walba ugu yaraan fuusto shidaal ah saarnayd iyo sahaydii cuntada iyo qalabkii kale ee aanu wadanay.

 

20050112165047diyaarad203.jpg

Diyaaradii ugu horaysay ee 10 sano ku degta Xaafun

 

Markii aan dhowr kilomitir haynay wadada kaliya ee laamiga ah ee magaalada Boosaaso Gasha, ayaan ka leexahay meel dhexe, oo bilownay waddo adag oo gawaan iyo jay ah, waxaan sii marnay tuulooyin dhowr ah oo wali laga dareemayay abaartii ugu dambaysay, waxaan marnay dhul lama degaan ah, oo dhowr boqol oo kilomitir fidsan, oo dhirtu qalashay gawaan iyo dhagxaanna ahaa, mararka qaar waxaan dul maraynay waddooyin buuro dhagax ah dhexmara, waxaana aad u adkaa in aan wax xoolo ah dhulkaasi ku aragno, iyadoo dhowr boqol oo kiilomitir aan ku arkay ari tiro yar iyo tiro aan toban dhamayn oo geel wayda ah, oo ka bar yar kii aan ku arkay dhulka Koonfurta Soomaaliya.

 

Markii aan dhinaca badda u sii dhowaanay, ayaan dareennay in dhulkii oo wali adag hadana dhul geedo badan leh oo cagaaran aan soo galnay, inkastoo geeduhu ahaayeen kuwo gaagaaban, dhowr jeer ayaanu hakanay si baabuurtu isu sugaan kadib markii ay isu muuqan waayeen, waayo waxaa baabuur walba uu kicinayay siigo, oo way adkayd in baabuurtu isku dhowaadaan, waxaanu mar ka lunnay wadadii na gayn lahayd Xaafun oo in ka badan saacad aan jiho kale u soconay, balse markii dambe oo baabuurkii ugu horeeyay uu gartay in laba wado oo kala leexanaysay midda qaldan uu soo qaaday, ayaa ku soo laabanay isla wadadii si aan ugu soo noqonno halkii aan ka soo qaladnay.

 

20050112162817dhiiqo203.jpg

Dhulka dhiiqada ahaa ee aan marnay

 

Markii aan ogaannay in aysan noo suurtgalaynin in aan isla maqribkaasi aan u hoyanno Xaafun, ayaanu go'aansanay in aan ku hakanno oo habeenkaas seexanno tuulada Foocaar, oo Boosaaso u jirta ku dhowaad 450 kilomitir, Xaafunna u jirta ilaa todobaatan Kilomitir oo dhinaca beriga ah iyo wax ka yar afartan kilomitir oo dhinaca xeebta ah.

 

Waxaanu gaarnay Foocaar Shantii galabnimo iyo daqiiqado, iyadoo tan iyo markii aan Boosaaso ka soo dhaqaaqnay waxa kaliya ee aanu afka saarnay ay ahaayeen biyo iyo timir yar oo aad mooday in la qooyay oo aan wadada ka soo iibsanay, habeenkii ayaa odayaasha Tuulada Foocaar ay noo diyaariyeen Baasto iyo tuunno, ma lahayn fargeeto, balse waxaa naloo keenay laba qaaddo, taasoo keentay in qaarkeen aanu gacmaha dhaqano oo cunno, balse weriyayaashii nala socday ay ku adkaatay in ay cunaan baasto fargeeto la'aan ah.

 

20050112162839dhiiqo203o.jpg

Baabuur naga galay meel dhiigo ah

 

Subixii todobadii ayaanu marka kale bilownay safarkeenii ku wajahnaa Xaafun, waxaan ku laabanay wadadii dhinaca beriga oo bilownay isla wadadii adkayd, waxaanse bilownay in aan marno dhul ay biyihii badda soo gaareen oo bacaad ahaa, iyadoo isla markaana aan ku qasbanayn in aan marno buuro bacaad ah, oo baabuurto ay galeen balse farsamooyin la adeegsaday kadib laga saaray.

 

Waxaanu dhul bacaad ah sii marnaba, waxaan ugu dambayntii galnay dhul biyo ah, oo ah wadadii kaliya ee laga gali karay Xaafuun, oo wadadaasina ay labada dhinac bad ka xigtay, sadexdii baabuur ee aanu wadanay midkii aan aniga iyo dhowr qof saarnayn, ayaa mari waayay dhulkii biyaha ahaa oo ku dhiiqday, waxaan isku daynay in mid ka mid ah labadii baabuur ee kale aan ku jiidno oo aanu kaga saarno dhiiqada, balse waan ku guuldaraysanay, waayo afarta taayar ayuu god gishtay, oo taayarada kaligood ayaa dhaqaaqayay marka la sheelareeyo.

 

20050112162651bacaad203.jpg

Buuro bacaad ah

 

Waxaan ku qasbanaanay in aan labadii baabuur ee noo badbaaday aan qaadano oo kii haray wadada uga tagnay iyadoo ay ku hareen darawalkii iyo mid ka mid ah waardiyayaashii nala socday, sababtuna waxay ahayd Xaafun oo aan naga fogayn oo noo jirtay oo kaliya in loo socdo labaatan daqiiqo.

 

Waxaan Xaafun gaarnay shantii Saac ee subaxnimo kadib markii aan wadada Foocaar ilaa Xaafun ku soo jirnay afar saacadood, waxaan isla markiiba ku dhaqaaqnay in aan soo eegno burburka Xaafun gaaray oo boqolkiiba sagaashan guryaha magaalada ay burbureen ama biyo galeen, waxaan habeenkii seexanay guri ay biyihii baddu galeen balse la diyaariyay oo waxa yaalay oo kaliya uu ahaa sali wayn oo qolka oo dhan gaarayay, oo aanay wax kale wehlin, qolkaasi yar ayaan habeenkaasi ku seexanay todoba qof.

 

20050112162732biyo203.jpg

Dhul biyaha baddu fadhiyaan

 

Subixii, oo qorshuhu ahaa in aan isku diyaarino safarkii adkaa ee wadada, oo aanu bilowno aroortii, ayaa dadka deegaanku noo sheegeen in safarkii afarta saac nagu soo qaatay Foocaar ilaa Xaafun, uu sodon daqiiqo oo raaxo leh noqonayo hadii aan xeebta marno markii afar saac subaxnimo ay baddu caarido, waxaan go'aansanay in aan sidaa yeelno, afar saac subaxnimo ayaan isku dhignay xeebta, waxaanu dareemaynay in aan wado highway ah ku socono oo kale, oo baabuurtuna ku socotay in ka badan 100 miles per hour, sidii ay dadka deegaanku sheegeen ayaaba run ahayd oo sodon daqiiqoba waxaanu ku gaarnay Foocaar.

 

Anagoo ka baxnay Foocaar ilaa shan kiilomitir, ayaa sarkaalkii WFP ee nala socday loo sheegay in aan ku soo noqono Xaafun oo habeenkaa seexanno, subixiina diyaarad yar na looga qaadi doono, sidii ayaanu yeelnay, waxaana na soo gaartay diyaarad yar oo uu waday duuliye u dhashay Kenya oo Mombasa ka soo duulay, oo la yiraahdo Saalax, kaasoo ii sheegay in uu Yemen ka soo jeedo, markii diyaaraddu kacday oo ilaa sagaal qof qaadday, wuxuu duuliye Saalax laba jeer nagu soo dul wareejiyay Xaafun si aanu dusha uga aragno ama sawirano Xaafun, iyadoo saacad gudaheedna uu nagu gaarsiisay Boosaaso, halkii markii hore ay nagu qaadatay ku dhowaad toban saacadood.

 

20050112165013diyaarad2032.jpg

Diyaaradii naga soo qaaday Xaafun

 

Subixii xigtay oo isla diyaaradii Nairobi naga qaaday ay noogu timid Boosaaso, ayaanu filaynay in ay si toos ah noo keeni doonto Nairobi, balse waxaanu ka naxnay markii duuliyuhu noo sheegay in uu marayo Hargeisa, Waajid, Kilomitir 50 kadibna Nairobi, diyaaradii tobankii subaxnimo ka soo kacday Boosaaso, waxay Nairobi na keentay 5tii iyo barkii maqribnimo.

 

 

USA Today's inside coverage of Hafun:

http://www.usatoday.com/printedition/news/20050110/a_somalia10.art.htm

http://www.usatoday.com/news/world/2005-01-06-somalia-usat_x.htm

Mail&Guardian Online:

http://www.mg.co.za/content/l3.asp?cg=0&o=194358

Guardian Unlimited:

http://talk.workunlimited.co.uk/tsunami/story/0,15671,1385940,00.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this