Sign in to follow this  
Gabbal

Xildhibaan Barre Hiiraale oo ka ambabaxay Baardheere.

Recommended Posts

Gabbal   

Baardheere: Xildhibaan Barre Hiiraale oo ka ambabaxay Baardheere.

21. June 2007

 

APL

 

Baardheere(AllPuntland)- Xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ay la socdaan odayaal dhaqameedyo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo.

 

Xildhibaanka iyo odayaashan ayaa aaday deegaanka Faafaxa-Dhuun oo ay dhawaan halkaasi ku dagaalameen labo maliishiyo beeleed oo wada dega deegaankaasi iyo nawaaxigiisa.

 

Odayaashan ayaa la filayaa marka ay deegaankaasi tagaan in ay kala dhex galaan ama ay qaboojiyaan dagaalada halkaasi ka jira oo ka dhashay dil loo geystay nin ganacsade ahaa oo ka tirsan mid ka mid ah beelaha halkaasi dega.

 

Dhinaca kale deegaanka Baardheere ayaa laga dareemayaa inuu ka jiro dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogan kaawsoo ku wajahan magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda halkaasoo ay iyaguna horay ugu dagaalameen maliishiyooyin kala taageersan maamulkii Barre Hiiraale iyo midka cusub ee dowladda u magacowday gobolka J/Hoose.

 

Waxaa kaloo jira xiisad iyo saan saan colaadeed oo ka jirta deegaanada Buulo gaduud, Goob Weyn iyo Yoontooy halkaasoo isku hor fadhiyaan labada ciidan ee isku heysta gacan ku heynta maamulka gobolka J/Hoose.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ergo nabadeed oo uu hogaaminayo Barre Hiiraale oo u baqoolay deegaanka Faxfaxdhuun

 

Click here to find shabelle news in English

 

Baardheere 21, June.07 ( Sh.M.Network) Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale iyo odayaal dhaqameedyo reer Gedo ah ayaa maanta u ambabaxay deegaano hoosyimaada degmada Baardheere ee gobolka Gedo si ay u dhameeyaan xiisado colaadeed oo halkaasi ka jira.

 

Ergadaan nabadeed oo uu hogaaminayo Barre Hiiraale oo gaaray deegaanada Faxfaxdhuun iyo Garileey ayaa bilaabay dhex dhexaadinta labo beelood oo wada dega halkaasi oo muddo ishayay.

 

Xiisadda u dhaxeysa labadan beelood ayaa salka ku heysa dil horraantii bishaan ka dhacay degaanka Faxfaxdhuun, iyadoo kooxihii falkaasi geystay ay baxsadeen.

 

Daahir Aadan yuusuf oo ka mid ah ergada uu hogaaminayo Col. Barre Hiiraale oo u waramay shabelle ka hor inta aysan saakay ka amababixin degmada Baardheere ayaa waxa uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay xal nabadeed oo ay dhex dhigaan dhinacyada isku haya deegaanka Faxfaxdhuun.

 

Dhinaca kale dhaq dhaqaaq ciidan oo ku wajahan gobolada Jubbooyinka ayaa si weyn looga dareemayaa degmada baardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Gedo.

 

 

 

Click here to find shabelle news in English

 

Axmed Cumar Saalixi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yaa isdilay?(Hiraale's folks iyo?), more importantly maxaa laisu dilay? Is it because of grazing & water issues? Misna wax kale?

 

Faaxfaxdhuun is/was a sleepy town last time i remember(which was way back as a kid)....wonder wixi dagaalka bilowbay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

It is an intra-clan thing and not only that but he is campaigning for the upcoming conference that concludes the Garbaharey Conference of two years ago. The planned objective was to re-meet again in two years time and analyze what worked as opposed to what failed concerning that what points were agreed about in that earlier meeting. It is my believe this next meeting will not take too much time as the Garbaharey Conference worked just fine and Gedo has seen the most peace and sense of security it has seen since the inception of the civil war.

 

 

Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo xubno ka tirsan ururada Bulshada ee Beelaha wada degga Gobolka Gedo oo isbuuca soo socda kulan dib u heshiisiin ah uga furmo Garbahaarey

 

Mogadishu, Khamiis, Juun 21, 2007

 

Waxaa lagu wadaa in isbuuca soo socda inuu magaalada Garbahaarey ka furmo shir dib u heshiisiineed oo ujeedadiisu tahay sidii loo heshiisiin lahaa beelaha wada dega Gobolka Gedo.

 

Ergo odayaal iyo waxgarad isugu jira oo ka timid deegaanka Ceel waaq uuna horkaacay gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil [X.Gurey] ayaa warbaahinta Somaliweyn u sheegay inay ku howlan yihiin sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka beelaha wada dega Gedo, islamarkaana la isugu soo dhaweyn lahaa.

 

Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil [X.Gurey] ayaa magaalada B/dheere kula kulmay siyaasiyiin iyo waxgarad uu ka mid yahay Barre Aadan Shire [barre Hiiraale], waxeyna ka wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka beelaha wada dega Gedo.

 

Dhinaca kale waxaa la isla soo qaaday marka shirkooda uu dhamaado inay go’aan ka gaaraan xubnihii uga qeyb geli lahaa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee bisha soo socota Bartamaheeda ka furmi doona Magaalada Muqdisho, iyadoo xubno uu hor kacayo Barre Hiiraale inay maanta tagaan Tuulada Fax-fax dhuun oo 85km ka xigta dhinaca koonfureed magaalada B/dheere si ay u soo heshiisiiyaan laba beelood oo halkaas ku dagaalamay

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

No, he came back two days ago. smile.gif

 

Ergadii Nabadeed Oo Uu Hogaaminayey Xilldhibaan Barre Hiiraale Oo Xaley dib ugu Soo Laabatey Degmada Baardheere

 

Jun 23,2007

 

by Baardheere-GEDO-NN

 

Ergadadan nabad raadinta oo uu hogaaminayey Xildhibaan Barre Aadan Shire(Barre Hiiraale) oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa Deeganada Geriley iyo Faafaxdhuun ayaa xaley goor dambe waxa ay dib ugu soo laabteen degmada Baardheere, kadib markii ay ku guuleysteen deminta xiisadii colaadeed ee deeganadaasii ka taagneyd baryahii lasoo dhaafey.

 

Ergadaan nabadeed oo uu hogaaminayo Barre Hiiraale oo isugu jirey masuuliyiin maamul,siyaasiyiin,odoyaasha dhaqanka iyo waxgarad kale oo gaaray deegaanada Faxfaxdhuun iyo Garileey ayaa shaley ku guuleytey in loo soo gacan geliyo shan qof oo lagu eedaynayo inay ka dambeeyeen dil horaantii bishani ka dhacay deegaanka Faafaxdhuun oo xalka gaaristiisu leysku maandhaafey.

 

Qabashada ragani oo hadda uu ku xiran Xarunta Barre Hiraale ee Muuri ayaa waxay meesha ka saareysaa cabsidii la qabey oo ahayd in iska hor imaad uu dhexmaro maleeshiyooyin deegaanadasi isku uruursanayey. Gudoomiyaha Golaha Odoyaasha Deg.Baardheere. Xusen Cali Biixi ayaa Gedonet u sheegay in haatan ay dhamaatey xiisadii u dhaxeysay labada Beelood eewalaalaha ah,maadama ayuu yiri arinkii leysku hayey ee ahaa dilka uu hatan meel fiican marayo.

 

Waxuuna sheegay in kulamo kala duwan oo ergadu ay la qaateen odoyaasha deegaanadaasi iyo kooxdii lagu eedaynayey dilka in ay suurto gal ka dhigtey inay dableydii iyo hubkoodii in ay isa soo dhiibaan,waxuuna intaasi ku darey in ay ku rajo weyn yihiin in arinta lagu dhameyn doono xal nabadeed oo labada dhinacba ay ku qancaan.

 

A C Saalixi-GEDO-NN Baardheere

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this