Sign in to follow this  
Sharif_seylaci

Somaliland wassiir uu buuba uu jawaabay

Recommended Posts

Waxaan Maqlayey Buubaa oo Leh Somaliland Ayaan ku soo Macsuumaynaa (Shirka Dib uheshiisiineed) Uu Riyoonayaa"C/laahi Mohamed Ducaale

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

(wasiirka arrimaha dibada Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale )

hadhwanaag 2007-02-04 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- "Ogaysiin ayaan ka sameynayey, dadbadan oo saaxiibadayo ah oo dalal Afrikaana ayaa xoog culeyska u saarayey markii ugu horeysay ee miiska la soo saaray, waxaana soo qaaday Dr. Charles Murigande, Rwanda's foreign minister oo ah wasiirka Arrimaha dibada, oo runtii isaga iyo xukumadiisu aad ugu mahadnaqayno momentum wanaagsan ayaa noo bilaabmay, codsigayagana waan wada gaadhsiinay intii aan Adis ababa joogayna madax badan ayaa la kulmay qoraalo badan oo dheeriyana waan u dhiibay. Maanta waa arrin aanay dal Afrikaani oo idhaha ka qabsan Karin, taasina waa la isla qiray, waxaan ku rajoweynahay in shirka soo socda arrinkaasi dhaco"sidaa waxa uu ku sheegay wasiirka wasaarada Arrimaha dibada Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale mar ay maanta Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaligu Wareysi la yeelatay

 

Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale ayaa beryahanba ku wareegayey wadamo ka tirsan Galbeedka Afrika, taas oo uu ugu baadi goobayey sidii ay Somaliland Caalamka uga heli lahayd Aqoonsi Caalamiyaa, waxaanu tilaamay inay wadamo badan ay markii ugu horeysay ay ku soo hadal qaadeen Somaliland shir-madaxeedkii Afrika,

 

Waxaanu u dhacay wareysigii sedan:

 

S:> Muxuu ku saabsanaa socdaalkii aad ku soo martay Dalalkii Galbeedka Afrika?

 

J:> Socodkaygan ugu danbeeyey waxa uu ahaa dalalka galbeedka Afrika oo aan Gaadhsiinayey dhanbaalo aan ka siday Madaxweyne Rayaale, gaadhsiinayeyna madaxweynayaashaasi, iyadoo aan ku beegmay shir ka dhacayey magaalada Akra oo ay isugu yimaadeen Jarmalka iyo dawlado Afrikaana, markaana ay runtii ay fursad noo noqotay inaan la kulano madaxdii halkaasi isugu timi oo ay jarmal ku jiraan.

 

S:> Dhanbaalku Muxuu ahaa?

 

J:> Dhanbaalku waxa uu ahaa madaxweynaha ayaa u qoray walaalihii madaxda Galbeedka Afrika oo ay ka mid yihiin, Ghana, Benin, Gini,Togo, Nigeria, oo aan wada gaadhsiiyey qoraaladii oo uu madaxweynuhu kaga hadlayo in qadiyada Somaliland Maanta hoos loo eego.Wadamada Afrikaanka iyo African Union-kana laga codsanayo in meeshi cid loo soo diro, si shirarka kale ee African Union-ka ee dhicidoona Report lanoogu sooceliyo intaan raadinaynay intaas ayey ahayd.

 

S:> Madaxda Afrika waatii isugu timi Shirmadaxeedkoodii Adis ababa oo ay doorkan ugu weynayd Gobolka Daarfuur iyo Arrinta Soomaaliyaa adiguna waad joogtay Adis ababa, laakin idinka (Somaliland) laydinkuma macsuuminee maxaad ka qabanaysay?

 

J:> Ogaysiin ayaan ka sameynayey, dadbadan oo saaxiibadayo ah oo dalal Afrikaana ayaa xoog culeyska u saarayey markii ugu horeysay ee miiska la soo saaray, waxaana soao qaaday Dr. Charles Murigande, Rwanda's foreign minister oo ah wasiirka Arrimaha dibada, oo runtii isaga iyo xukumadiisu aad ugu mahadnaqayno momentum wanaagsan ayaa noo bilaabmay, codsigayagana waan wada gaadhsiinay intii aan Adis ababa joogayna madax badan ayaa la kulmay qoraalo badan oo dheeriyana waan u dhiibay. Maanta waa arrin aanay dal Afrikaani oo idhaha ka qabsan Karin, taasina waa la isla qiray, waxaan ku rajoweynahay in shirka soo socda arrinkaasi dhaco,

 

S:> Dalalkan Mareykanka iyo Yurub waxay aad ugu hadlayeen shirweyne dib u heshiisiineed oo soomaaliya loo sameynayo, ma ku jirtaan (Somaliland)?

 

J:> Iskuma jirno sidaad la socoto 16-sanadood ilaa Jabuuti 1991-kii ilaa kii u danbeeyey ee Embeghati qeyb kamaanu ahayn, qeyb aanu ka noqonaynaana ma jirto horena mowqifkayagu uu u cadaa, Nimankan ku hadaaqayaa ee leh waxaanu doonaynaa Somaliland ka soo qeyb gashaa, waa dad riyoonayaa.Waxaan maqlayey Buubaa oo leh Somaliland ayaan ku soo macsuumaynaa (Shirka Dib uheshiisiineed) uu riyoonayaa meesha ay dhibaatadu taala maanta waa intaa agtiina ee lagu shaqeynayaa danihiina dhameystaa, Somaliland waxba carabka ha ku dhufanina arrinkeeda way dhameysatay.

Halkan aad Caalamka u sheegteen inaad ee aay tidhaahdeen wax ayaanu ka qabanaynaa ka qabta.

 

S:> Maxaa ku jabnaan karaa Inaad Cid u dirtaan oo aad tidhaahdaan ha na tirsanina?

 

J:> Qosol…………Warkuu uu dhamaaday oo intaas ayuu ku dhanyahay, mowqifkayaguna hore ayuu u cadaa wax isgu kaayo hadhsanaa.

 

Weriye, Mustafe Abdi Maxamed (Mustafe-janaale)

Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa

E-mail, janaale94@yahoo.com

 

 

acording 2 somaliland waad riyooneyseyn

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this