Sign in to follow this  
Gabbal

Peace agreement and end of hostilities between Gen. Morgan and Col. Hiiraale

Recommended Posts

Gabbal   

Labotinle:"Col.Hiiraale iyo Morgan Markasta Waa Wado Xiriiraan, Waxaana tagaynaa Kismaayo dhawaaan inta aaysan bishaani dhamaan IDJ waa ogyahay inaan bishaan tagayno annaga iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Gen. Morgan"

 

Waxaa Gedonet waraysi la yeelatay Mr. Daahir Cali Ciise(Labotinle) oo ah xoghayaha SPM garbaka Gen.Morgan,waraysigaasna oo lagu weydiiyey warar ayaamahan la isla dhexmaray in Gen.Morgan uu heshiis la gaaray Isbaheysiga Dooxada Jubba oo uu hogaamiyo Col.Barre Aden Shire (Hiiraale), wareysigii waxaa uu dhacay sidatan:

 

Gedonet:Daahir waxaa indhawaalahaanba la isla dhexmarayay in dib u heshiisiin laga dhexwaday garbka uu hogaamioyo Gen.Morgan iyo dooxada jubba marka wax ma ka ogtahay arintaas maadaama ad sheegatay in aad tahay xog hayaha SPM garabka Morgan?.

 

LabatinleWaa ay jirtaa midaas maadaama waqti dheer lagu jiray dagaal iyo colaado waxaan go aansanay in aan heshiino walaalahayaga dooxada jubba

 

Gedonet:Waan gartay dib u heshiisiintaan ma mid dowladu wadataa mise waa mid adinka idinka soo goday inaad la heshiisaan Isbaheysiga Dooxada Jubba?

 

LabatinleHaah wa mid anaga nagasoo go day dowladna nama heshiisiinayso ee anagaa heshiinayna oo dooranay inaan laheshiino dooxada jubba

 

Gedonet:Maxaa kalifay inaad hadda heshiisaan kaligiiin ayadoonan aysan dowladi idin heshiisiinaynin maxaad awal uheshiin waydeen?

 

Labatinlewaxaan u sheshiin waynay qolo walba meel ayay ku xirnayd tiina meeshii waa kabaxday oo taas hadda waa lagagudbay

 

Gedonet:Hadda mawaxaa dhacay heshiis ay labada garab isku soo horfariisteen mise waa mid la isku balan saday oo kaliya ee madhicin wax heshiis ah miyaa ilaa hadda?

 

LabatinleHaah waa ay heshiiyeen waxaana hadda laga gudbay wajigii hore oo lagu heshiyay in heshiislaga gaaray colaadii sanadaha badan ka aloosnayd jubooyinka

 

Gedonet:Oo hadda yaa wada xiriira oo heshiiskaan wada ma labada hogaamiye waa Morgan iyo Barre ma labadaasbaa wada mise ragga kale ayaa kujira heshiiskaan ?

 

LabatinleLabadooda ayaa wada oo marwalba waa wada xariiraan cidkale oo la wadana ma jirto maadaama ay yihiin taliyaashii labada colaadood kala hogaaminaya

 

Gedonet:Hadda heshiiska labada garab mawaxa uu ka dhacayaa Nairobi mise Soomaliya?

 

LabatinleWaxaa uu ka dhacayaaa Kismaayo oo Morgan iyo saraakiishiisu iyo ciidankuusu aadayaan dhawaaan halakaas ayuuna heshiisku ka dhacayaa

 

Gedonet:Ciidanka iyo saraakiisha aad sheegayso ma waxaa uu moorgan ka wadanayaa kenya mise waa kuwo soomaliya uga horeeya ayaa jira?

 

Labtinle:Haah wxay ciidankiisu joogaan dagmooyinka dhooblay, afmadow iyo buulo xaaji Gedonet:Sida aan ognahay dagmooyinkaas aad sheegayso waxaa uu bilihii lasoo dhaaafay dagaal ku dhexmaray isbaheysiga dooxada jubba iyo Morgan halkaasna looga awood roonaaday garbaka Morgan marka ciidankaan aad hadda sheegayso ma kuwo markale la soo aruuriyaa mise waa kuwo horay u joogay?

 

Labtinle:Ciidankaanu waa kuwo meeshooda jogay tiknikana waa ay haystaan

 

Gedonet:Dhan kale waxaa dagaaladii ka dhacay bilihii la soo dhaafay ay gaysteen qasaaro ad u fara badan marka dhankiina qasaaraha bal ka warama ayadoo la og yahay in tikniko aad u farabadan garabka Morgan laga furtay dhanka qasaaraha bal kawaran?

 

Labotinle:Qasaaruhu waa gaaray labada dhinac balse anaga dhankayaga haddda maahan mid aan websetyada siin karno.

 

Gedonet:Ugu dambayntii garabkiina uu hogaaminayo jeneraal Morgan goorma ayaad rajaynaysaan inaad tagtaan kismaayo?

 

Labotinle:Waxaan tagaynaa dhawaaan inta aaysan bishaani dhamaan isbahaysiguna waa ogyahay inaan bishaan tagayno Kismaayo annaga iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminaya Gen. Morgan.

 

Gedonet:Aad iyo aad ayad u mahadsan tahay kaasu waxaaa uu ahaa xoghayaha SPM garabka uu hogaamiyo jeneraal moorgan

 

Cali Yaasin Cali

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

This men are a joke! I won't be suprised if they resume hostlities again! Both are a very good example of an African warlord.

 

But hope for a good outcome insha'alah

Share this post


Link to post
Share on other sites

If this news is true then its a coup for the Somali government..

 

Burbur Laga Cabsi Qabo Inuu Isbaheysigii Dooxada Ku Yimaado...

 

Hobyonet.Muqdisho.Sabti.Janaayo 22,2005.

 

Sida ay sheegayaan warar madax banaan oo ka soo baxaya magaalada Bosaaso Jen. Maxamed Siciid xirsi (Morgan),

 

Ayaa dhawaan tagaya magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

 

Safarka Jeneraalka ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyo kadib markii uu hirgalay waanwaan heshiis hoose ah oo muddo dhowr bilood u socday isaga iyo Barre Hiiraale oo madax u ah Isbahaysiga Dooxada Jubba dhowr goorna uu dagal ku dhex maray labadooda gacan ku haynta magaalada kismaayo.

 

Heshiiska iminka dhex maray labada Hogaamiye ayaa loo aaneynayaa in si weyn ay u soo dedejisay welwel laga qabo in burbur uu ku dhasho Isbahaysigii horey ugu bahoobay haysashada magaalada Kismaayo oo wakhtigan u muuqda kuwo colaad siyaasadeed ay bartamaha u fariisatay isla markaasna ay suuroobi kato in dagaalo faraha looga gubtay ay dhex maraan kooxaha ugu waaweyn isbahaysiga dooxada Jubba.

 

Gen.Moorgan oo ah Hogaamiye Kooxeedka keliya ee aan lagamarti gelin qaybaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Barre Hiirale oo qudhiisu Mansabka Maamulkaas laga siiyey kaga kalsoon Awoodda gacan ku heynta Magaalada Kismaayo ayaa u muuqan karta in heshiiska labada nin ay qeyb ka Geysatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

suuroobi kato in dagaalo faraha looga gubtay ay dhex maraan
kooxaha ugu waaweyn isbahaysiga dooxada Jubba
.

Basically Hobyonet is warning of a war between Hiiraale's people and Seeraar's people right?

 

I don't think there will be war for one reason. While Seeraar himself is a very important member of the JVA, his beel don't live in Kismayo or Jubbaland as a whole. Sure members of his militia do currently reside in Kismayo, but it's not sizable.

 

The reason Barre Hiiraale in the first place attacked Morgan was because he was fighting for his beel who were wrongly "expelled" from the city. The reason he was able to take control of the city was because his beel has a vested interest in Kismayo and the greater area of Jubbaland.

 

I believe it will be very good for both men to reconcile and work for the common good of the people of Jubaland. Hey if you can't beat them, join them right? I think Morgan and Hiiraale can accomplish alot as allies then as nemesis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this