Sign in to follow this  
Gabbal

Traditional Leaders end conflict before bloodshed could take place.

Recommended Posts

Gabbal   

Odayaasha beelihii ku dagaalamay dhowaan deegaanka Bali Dacar ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa halkaasi gaarey si xiisada loo qaboojiyo.

 

April 23 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

M.M. Dhoore. Muqdisho, Soomaaliya.

 

Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beelihii Soomaalida ahaa ee dhowaan ku dirirey deegaanka la yiraahdo Bali Dacar ee is maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa halkaasi gaarey si xiisada loo qaboojiyo.

 

Odayaashan oo shaley galinkii dambe gaarey deegaanka Bali Dacar oo maalmahan ay ka jireen dagaalo u dhaxeeya beelo Soomaali ah, ayaa la filayaa in isla maanta ay guda galaan wada hadalka, si marka hore loo joojiyo xabadda halkaasi ka socota oo u dhaxeysa beelaha Soomaalida ee dhulka deegaanka isku haya.

 

Odayaasha ayaa ka kala tagey magaalooyinka Cabudwaaq iyo Gaalkacyo oo ay kala dagaan beelaha halkaasi ku diriraya.

 

Dagaalka ka dhacey deegaanka Bali Dacar oo u dhaxeeya deegaanada lagu magacaabo Dhaqanya Boor iyo Galaadi ee ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa markii hore waxa uu ka dhashey qof la diley, iyadoo markii danbana dagaalkaasi uu isku badaley gacan ku heyn dhul.

 

Intii uu dagaalkani socdey ayaa waxa ku dhintey labaatan iyo sideed “28†qofood oo qaarkood rayid ahaayeen, ka dib markii baabuur ka yimid dhanka magaalada Gaalkacyo oo Qaad u sidey magaalada Galaadi maleeshiyo hubeysan ay wadada u galeen, kadibna ay baabuurkaasi rasaas huwiyeen, halkaas oo ay ku dhinteen dad ganacsato Qaad sitey oo aan dagaalka wax shaqo ku laheyn.

 

Dagaalkan ayaa sidoo kale intuu uu socdey waxaa lagu kala qabsadey dhowr maxaabiis oo beelaha dagaalamaya ay kala qabsateen.

 

Dowlada Itoobiya oo maamul ahaan uu dhulkaasi hoos tago ayaan faraha soo galinin dagaalkaasi, iyadoo Itoobiyaankuna ay banaanka ka joogeen intii ay dirirtu dhaceysay.

 

Beel ka mida beelaha dirireysa ayaa ku eedeysay baabuurka la gubey ciidamada Itoobiyaanka ineysan wax lug ah ku laheyn hase ahaatee ciidamada Itoobiya ee deegaankaasi ku sugnaa ay ka danbeeyeen in baabuurkaasi rasaas lagu furo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL The freaken' Ethiopian army was watching as two Somali clans fought. Expect nothing but hate from these treacherous animal. My Eritrean colleague told me that if you see a deadly, poisonous snake and an Amhara, kill the Amhara first.

 

But, seriously, its a good thing that Cabudwaq and Galkacyo elders have stopped the fighting. These men are empowered to hold the peace through Somali custom and its a blessing that these folks respect their elders as the only mediators. I'm glad Puntland decided not to make a House of Elders in the Parliament and therefore politicize the elders' role in the region, which would open the door to criticism and potentially lead to inaction and loss of elderly respect.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

ugaas1.jpg

 

 

Odayaal ka tirsan Beesha SADE Bari oo Maanta u ambabaxay dhanka Cillaanle oo ka tirsan Gobolka Wardheer ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia

 

Waxaa maanta ka ambabaxay Magaalada Caabudwaaq Odayaal ka tirsan golaha guurtida ee deegaanka Caabudwaaq, waftiga oo ka koobnaa ilaa 25 xubnood ayaa waxaa hogaaminayay Ugaas axmed Barre Cali Taakooy.

 

Waftigaan guurtida ah ayaa waxaa ay u ambabaxeen shir ay ku balansan yihiin Saraakiil iyo Xubno kale oo ka tirsan Maamulka Soomaalida Ethiopia, arinta ugu muhiimsan ee waftiga Guurtidu u aadeen dhanka Gobolka wardheer ayaa waxaa uu salka ku hayaa ama ugu weyn dhacdo asbuucii aan soo dhaafnay ka dhacday deegaanka Haraalle oo ka tirsan isla Gobolka Wardheer.

 

Halkaas oo lagu laayay dad ka soo jeeda Beesha ay ka soo jeedaan Odayaal dhaqameedyada uu Hogaaminayo Ugaas Axmed Barre Cali, arinta ka dhacday Deegaanka haraale ayaa waxaa ay halis ku keentay labo beelood oo wada dega deegaanada hoos yimaada Gobolka wardheer ee Ismaamulka Soomaalida,.

 

Waftiga guurtida ayaa waxaa laga yaabaa inuu usii gudbo dhanka magaalada Wardheer halkaas oo xarun u ah deegaanka uu ka taagan yahay tan iyo asbuucii aan soo dhaafnay khaakhulku.

 

Gedonet, Central Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

LOL why would Axmaaros, or Tigrays fo that matter, disrupt the best show on earth; a Somali clan battle? :D Bunch of volatile, peacock-proud, AK-wielding skinnies showing how they are prime examples of the term "anarchy". :D

 

Seriously though, I'm guessing it's one less Somali the Ethiopians have to worry about. The only claim Somalis have to eastern Ethiopia is the fact that it is inhabited by Somalis right? If we are committing self-destruction for their benefit, I think they would be more then happy in fueling the fire then cooling it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this