Sign in to follow this  
Sky

Mudug - Green Line removed in Gaalkacyo

Recommended Posts

Sky   

Gaalkayco: Maamulka gobolka ,degmada,Salaadiinta, Odayaasha , Nabaddoonnada iyo shacabka Gaalkacyo ayaa xaflad ay shalay ku qabteen Taar City Hotel isku raacay in laqaaday Khadkii cagaarnaa ee Gaalkacyo

 

 

Gaalkacyo (AllPuntland)- Xuska maalinta nabadda adduunka oo ku beegnayd 21ka September waxaa laga xusay magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo muddooyinkii ugu danbeeyay ukala qaybsanayd laba dhinac.

 

 

Maalintii shalay ahayd Maamulka gobolka ,degmada,Salaadiinta, Odayaasha , Nabaddoonnada iyo ururada bulshada Gaalkacyo oo aan u kala harin ayaa waxay socod ku mareen wadada laamiga ah ee dhex marta magaalada Gaalkacyo ayagoo isaga tallaabay xaafadaha kala duwan ee magalada Gaalkacyo.

 

dadweynaha.jpg

 

Dhinaca koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dadkii banaanbaxayay ay kasoo galbiyeen salaadiinta, nabadddoonada iyo siyaasiyiinta koonfurta gobolka Mudug oo uu hor kacayay Suldaan C/naasir Jaamac Seed .

 

Barxadda xaruntii hore ee madaxtooyada (Quraca) ayaa dadwayne xamaadasaysan iyo ardaydii fasallada isugu soo bexeen ,waxaana halkaasi hadallo uga jeediyay culimaa'uddiin, isimo , maamulka gobolka iyo degmada .

 

hawenka.jpg

 

Sheekh Axmed Maxamed Cali (Garyare) oo kamid ah culimada magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi kasoo jeediyay qudbad diini ah oo looga hadlayay ammaanka magaalada Gaalkacyo , wuxuu codsaday in diinta islaamka lagu dhaqmo markaasna ay imaanayso in la is dhex galo.

 

odayasha.jpg

 

Waxaa halkaasi khudbado kasoo jeediyay masuuliyiinta koonurta gobolka Mudug oo uu kamid yahay Cali Diiriye Alloore oo ah masuul dhinaca nabadda aad loogu bartay, wuxuu ku nuux nuuxsaday in kala qaybsanaanta Gaalkacyo ka jirta ay keeneen dad aan u dhalan, oo magaalada safar ku yimid , wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in dad aan Baladka u dhalan ay dadkii magaalada shaki kala galiyaan, asagoo intaasi ku daray ninka sidaasi yeelaya inuu yahay nin subixii baabuur ku yimid galabkiina ka caraabaya ee ay shacabka Gaalkacyo sidaa u ogaadaan.

 

duqayda.jpg

 

Bannaanbaxan ayaa socday illammaa duhurinimadi shalay , hase ahaatee kulan labaad ayaa galabnimadii shalay ka dhacay Taar City Hotel oo ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo.

 

Kulankan waxaa si gaar ah ugu kulmayay masuuliyiinta qaybaha kala duwan ee gobolka iyo ururada bulshada ee gobolka Mudug oo ah kuwa soo agaasimay kulankan.

 

suldanc.jpg

 

Suldaan C/salaan Maxamuud oo kamid ah salaadiinta Gaalkacyo ayaa hadal dher kasoo jeediyay xafalddaii shalay galabnimadii ka dhacday Hotel Taar ee magaalada Gaalkacyo , wuxuuna sheegay in qaabka nabadda lagu gaari karo ay tahay oo kaliya in dhallinyaradu ay shaqasyo , wuxuu xusay in nabi walba oo lasoo diro uu ahaa dhallinyaro sidasi daraadeedna haddii la xoojiyo kaalinta dhallinyarada ay hawshu hagaagayso.

 

Wuxuu ugu danbayn dadkii isku yimid u dar daarmay inay kitaabka ilaahay qabsadaan oo ay iska daayaan waxyaabaha kitaabka ka hor imaanaya .

 

xusenyabaq.jpg

 

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo Xuseen Jaamac Yabaq ayaa halkaasi kasoo jeediyay hadal uu kaga waramayo sida Gaalkacyo ammaankeeda looga wada shaqayn karo.

 

Dhallinyarada ayuu sheegay inay yihiin xoogga kaliya ee maanta ammaanka gobolka Mudug gacanta ku dhigi kara , wuxuu dalbaday in nafta loo huro ammaanka Gaalkacyo sida uu sheegay Suldaan C/naasir Jaamac Seed.

 

Guddoomiyaha gobolka Mudug Sheekh Daahir Jaamac Nuur ayaa kamid ahaa masuuliyiintii halkaasi hadallada dheer ka jeediyay asagoo sheegay in ay meesha ka maqan tahay daacadnimadii , haddii daacadnimo la helana uu gobolka Mudug noqonayo gobol aad ay nabaddiisu u sarayso.

 

Suldaan C/naasir Jaamac Seed ayaa asagu wuxuu ku cel celiyay inuusan jirin khad cagaaran oo ka dhex jira magaalada Gaalkacyo , Suldaanku wuxuu xusay in maanta laga bilaabo la is dhex mari karo , asaguna wuxuu sheegay inuu socod kasoo bilaabay koonfurta Gaalkacyo uuna ku tagay xaafadaha kale asagoon cidna ka baqayn.

 

" Inta aan ka dhimanayo , nabadda cidna uga haybasan maayo" ayuu yiri Suldaan C/naasir Jaamac Seed.

 

Ugu danbayn waxaa halkaasi hadallo kasoo jeediyay guddoomiyaha dallada ururada gobolaka Mudug ee Dud Mudug , Axmed Cawil Maxamuud oo warbixin dheer kajeediyay halkaasi , wuxuu ammaanay ururadii bulshada ee halkaasi qaban qaabada kawaday iyo maamulka gobolka iyo degmada iyo salaadiinta.

 

Wuxuu sheegay inaysan dhallinyaradu ka seexan doonin dadaalka ay ugu jirto inay shacabka Gaalkacyo kasaarto kala shakiga ku jira.

 

Ugu danbayn kulankan ayaa kusoo gabo gaboobay jawi rayn rayn leh.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

 

 

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this