Sign in to follow this  
MoonLight1

Beaking News: Sh.Aweys takes over HizbulIsl.

Recommended Posts

Sh. Xasan Daahir oo la wareegay goordhoiw Guddoomiyanimada ururka Xizbul islaam.

 

Muqdisho. 25 May, 2009 05:20:00

 

Dr. Cumar Iimaan Abuubakar ayaa goordhow xilkii guddoomiyaha Xizbul Islaam ku wareejiyey Sh. Xasan Daahir Aweys oo horey u hayey xilka guddoomiyaha Isbeheysiga dib u xoreynta Asmara.

 

Munaasabad lagu qabtay xarunta Xizbiga ayey labada mas'uul xilka kula kala wareegeen, waxaana goobta joogay mas'uul katirsan ururka Xizbul Islaam.

 

Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa hadda si toos ah ula wareegay xilka guddoomiyaha ururka Xizbul Islaam, lamana oga waxa iska badali doona ururka Xizbul islaam.

 

Hadalo kooban oo ay labada mas'uul jeediyeen ayey sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin xil kaa wareegista.

 

Dr. Cumar Iimaan ayaa in muddo ah waxa uu ahaa guddoomiyaha ururka Xizbul Islaam wixii ka dambeeyey markii ururkaas ay ku midoobeen afar kooxood oo kamid ahaa kuwii ka dagaalamayey gudaha dalka Somalia.

 

Boodheere.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

War goor dhoweyd soo gaaray Xafiiska warqabadka Jowhar.com ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo ahaa Gudoomiyihii Xisbul Islaam garab ka mid ah uu xilkaasi ku wareejiyay Sheekh Xasan Dahir Aweys.

 

Xil wareejintan oo dhacday maanta ayaa aheyd mid horay loo sii saadaalinayay, iyadoona mudooyinkii u dambeeyay tan iyo markii uu Sheekh Xasan Dahir ku soo laabtay dalka uu si hoose u maamulayay Xisbul Islaam.

 

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa Dr. Cumar Iimaan waxaa uu si rasmi ah ugu wareejiyay xilkaas Sheekh Xasan Dahir oo ka tirsanaa ururkaas, isla markaana ahaa Hogaamiyihii Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka Asmara.

 

Dr. Cumar Iimaan oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in aanu jirin wax cadaadis ah oo lagu saaray inuu xilka wareejiyo, balse uu ka cudur daartay sii heynta Xilkaas.

 

Sidoo kale Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa isna uga mahad celiyay Dr. Cumar Iimaan sida wanaagsan uu xilkiisa ugu soo wareejiyay, iyo mudadii uu haayay ee uu u dhabara adeegay sida uu sheegay.

 

Hogaamiyaha Islaamiga Sheekh Xasan Dahir ayaa hada ah Gudoomiyaha rasmiga ah ee Xisbul Islaam, waxaana tani ay iftiimineysaa sida uu ugu han weyn yahay inuu kursiga Madaxweynenimada, isagoo hadana qeyb ka ah dagaalada lagula jiro Dowladda

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this