Sign in to follow this  
Jumatatu

Hiiraan retreats from Supporting the TFG + Mohamed Dheere rebukes Yeey Geedi

Recommended Posts

Jumatatu   

Golaha Guurtida Gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqay in ay kalsoonida kala laabanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed haddii aaney ka laaban go’aan ay gaartay

 

dacar.jpg

Md. Dacar Xirsi Xooshoow

Guddoomiyaha Golaha Guurtida

gobolka Hiiraan

 

 

 

Isniin, August 01, 2005(HOL): Shir ay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ku yeesheen xubnaha Golaha Guurtida ayaa gunaanadkiisii laga soo saaray in dadka Reer Hiiraan ay kalsoonida kala laabanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, haddii aaney ka laaban go’aan ay gaartay oo ku saabsan in Saldhigga ciidamada laga wareejiyo gobolka.

 

Guddoomiyaha Golaha Guurtida gobolka Hiiraan Dacar Xirsi Xooshoow ayaa shaaca ka qaaday in ay arrintaasi shir deg deg ah ka yeesheen kadib markii uu arrintaas ku soo wargeliyay sarkaal loo xil saaray uruurinta ciidamada iyo isku dubaridkooda.

 

"Innaga oo shir u fadhina ayaa waxaa noo yimid sarkaalkaas oo noo sheegay in amar ka yimid Dowladda Federaalka uu sheegayo in ciidamada lagu uruurinayo Beledweyne la kala diro, isla markaana saldhiggii loo raray Jowhar" ayuu yiri Md. Dacar Xirsi Xooshoow oo sheegay in amarkaas ay soo gudbiyeen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Naaji iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Cumar Dheere oo iyana kor laga soo amray.

 

"Waxaa noogu war dambeysay iyadoo dadaal loogu jiro in la xaliyo shaqaaqadii dhowaan ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan" ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha Golaha Guurtida Reer Hiiraan oo sheegay in shaqaaqadaas ay dhexmartay ciidamo Gobolka ka soo jeeda iyo kuwo ka yimid Puntland oo doonayay in ay dhexmaraan gobolka Hiiraan iyagoo ku sii jeeda magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo xarun KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Garabka uu hoggaamiyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Md. Dacar Xooshoow waxaa uu intaas ku daray in ay weli ku adkeysanayaan in aaney ciidamo ka yimid deegaano kale dhexmarin gobolka, iyadoo aaney amar ka heysan mas’uuliyiinta reer Hiiraan, "Bulshada Reer Hiiraan in ay Dowladda soo dhaweyso waa ku talagashay balse codadka soo yeeraya marka aan maqalnay waxaa noo soo baxday waxqabadka Dowladda in uu gaaban yahay, waxaana taasi ugu wacan khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinteeda"ayuu mar kale yiri Md. Xooshoow.

 

Shirka ay isugu yimaadeen Xubnaha Golaha Guurtida ayuu Guddoomiyahooda sheegayaa in uu ka dambeeyay kala dirista la amray ciidamadii la xareeyay oo garaamkiina laga joojiyay iyo weliba in saldhiggii ciidamada laga raro gobolka Hiiraan.

 

Dhanka kalena, Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md. Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in xiisadda ka oogan Gobolka Hiiraan la xalin doono, isla markaana uu socdaal ku tegayo magaalada Beledweyne.

 

Md. Cali C/llaahi Cosoble waxaa uu intaas ku daray in aysan jirin xiisado horay uga jirtay Gobolka Hiiraan, balse ay jiraan kuwo soo kordhay, kuwaasi oo uu isku howli doono wax ka qabashadooda, isagoo iska diiday in uu macno darro isaga joogo Magaalada Jowhar iyadoo ay xiisad ka aloosan tahay gobolka uu ka soo jeedo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in uu howlo shaqo Jowhar u joogo, Jowharna ay tahay magaalo caasimad KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

"Reer Hiiraan xaq bey u leeyihiin in ay iska diidaan wixii aan dantooda ku jirin, hayeeshee ma aaminsani in ay kalsoonida kala noqonayaan Dowladda waayo dowladda waa dowladdoodii waa dowladdii ay iyagu wax ka dhisteen, waa dowladdii ay taageereen, iyagoo doonaya in ay dowladdaas tiirar ku istaagto"ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed oo xaqiijiyay in mar walba ay jiraan dad ka soo horjeeda in ay dowlad ka dhalato Soomaaliya, kuwaasi oo isugu jiri kara, aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo Odayaal aan laga maleysan karin in ay dadka u gudbiyaan fikrado qaldan oo wax marin habaabinaya.

 

Aadan Xasan Bashiir

Hiiraan Online, Hiiraan

adanuu68@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Maxamed Dheere oo u sheegay Cabdullahi Yuusuf iyo Prof. Geeddi in aysan jirin cid aan asaga ahayn ee qandaraas ka qaadan karta dowladda isla markaana hor istaagay in ciidamado lagu uruuriyo Beledweyne.

 

Ninka ugu awoodda badan magaalada Jowhar iyo degaannada ku dhow dhow ayaa u sheegay madaxweyne Yuusuf iyo Prof. Geeddi in aysan siin karin wax qan daraas ah cid aan asaga ahayn marka la qabanayo howlahada dib u dhiska qaranka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Maxamed Dheere ayaa sidoo kale sheegay in la joojiyo howlahii ciidamo uruurinta ahaa ee ay Jeneraal Naaji iyo qaar kale oo ka tirsan dowladda federaalka ah ka wadeen gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.

 

Mudane Maxamed Cumar Xabeeb ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in loo soo wareejiyo tiliska ciidanka magaalada Jowhar.

 

Dhinaca kale, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Maxamed Dheere ku war geliyay in Madaxweyne Yuusuf uusan haatan aadi karin magaalada Xudur ee uu doonayay in uu saldhig ciidan ka dhigto.

 

Qaar ka tirsan labada gole oo Jowhar ku sugan ayaa wararku sheegayaan in ay saadaalinayaan in amarrada Maxamed Dheere uu cadaadis badan ku hayo masúuliyiinta labada gole lagana yaabo in ay qaarkood u dhuuntaan magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Wafti Dowlada KMG ka Socda oo Beledweyne u Kicitimaya si Isafgaranwaaga Halkaas Ka Jira u Xaliyo

 

Wasiirka waxbarashada dowladda kmg ah ee somalia Cali C/lahi cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan magaalada baladwaye ee xarunta gobolka hiiraan halkaasi oo ay booqasho dhowr maalood ah ku soo mari doonaan

 

Cosoble oo waraysi idaacadeed bixinayay ayaa sheegay in u jeeddada ay halkaasi u tagayaani ay tahay in dadka gobolka oo uu isagu ka dhashay ay u soo sharraxaan siyaasadaha dowladda iyo qaabka ay damacsantahay in ay uga howl gasho dalka guud ahaan iyo gaar ahaan gobolka hiiraan,oo uu sheegay in uu muhim u yahay hana qaadka dowladda kmg ah ee somalia

 

Waxa u intaas ku daray in uu isku dayi doono sidii wax looga qaban lahaa murannada haatan gobolka ka taagan oo uu sheegay in ay ku salaysanyihiin oo kaliya sidii wax loo hagaajin lahaa balse la isku khilaafsanyahay sidii wax loo waajihi lahaa. Shacabka hiiraan ayuu wasiirku sheegay in ay ka midaysanyihiin in la taageero oo si haga la'aan ah loola shaqeeyo dowladda kmg ah ee somalia.

 

Mar uu ka hadlayay iska hor imaadkii dhawaan ka dhacay tuulada Ceel Gaal ee duleedka baladwayne cosoble waxa uu sheegay in aanay wax u dhicin sida warbaahintu faafiyen,isagoo sheegay in dadka isku dhacay ay ahaayeen kuwo doonayay in ciidammada puntland laga keenay ay u soo gudbaan dhinaca magaalada jowhar iyo kuwo kale oo jeclaaday in walaalohooda puntland aanay ka tagin oo ay iyaga la joogaan. Hadalkaa isaga ah oo albaabada u furaya su'aal ah " jacaylka aad dad u qabtaahi ma keeni karaa in khasaare maaddi iyo Dhiig leh uu dhoco?" su'aashaasi oo aan laakiin wasiirka la waydiinin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Cali C/llaahi Cosoble “Dowladdu waa in aysan fara-gashan arrimaha reer Hiiraan, loona daayo dadka gobolka in ay iyagu ka tashadaan aayahooda

Wasiirka waxbarashada & barbaarinta xukuumadda federaalka Cali C/llaahi Cosoble oo ka mid ah wasiirada ka soo jeeda gobolka Hiiraan, kuna sugan Jowhar ayaa sheegay in uusan raali ka noqon karin in dowladda federaalka ay farageliso arrimaha reer Hiiraan sida uu yiri wasiirku, wuxuuna sheegay in dadka reer Hiiraan loo madax-baneeyo arrimahooda ayna iyagu ka tashadaan aayahooda.

 

Cali C/llaahi ayaa ka haray xubno ka tirsan labada gole oo shalay u ambabaxay Jowhar, wuxuuna ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo ujeedada uu u haray, waxaana xubnaha baxay hor kacayey wasiirka shaqada & shaqaalaha Saalax Cali Faarax, waxaana xubno ka ahaa wasiir ku-xigeenka tamarta Max’ed Sheekh Abaadir, Xildhibaan Gaagaale & taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Ismaaciil Qaasim Naaji, waxaana la sheegay in ujeedada socdaalkooda B/weyne ay la xiriirto diyaarinta ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee farriisinkoodu noqonayo Hiiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

you missed the point baba it mid afternoon and there is usually a lull and we need some funny stuff not and old gizza who sitting his *** somewhere under an acacia tree

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this