Sign in to follow this  
xiinfaniin

Right where they wanted us to be

Recommended Posts

Ibrahim Hawd, the prolific Somali writer, expresses his dismay about the current status of Somali people...

 

================================================

 

 

Soomaaliya waxaa u dumay habeen madow. Waxaa loo gudbay marxalad kale oo ka mid ah dhawr marxaladood oo halista iyo foolxumada kala daran. Waxaa la taagan yahay bartii ay cadawgu weligood ku taamayeen. Ciidammada Xabashidu waxay markii ugu horraysay taariikhda si buuxda gacanta ugu dhigeen, oo xoog ama xeelad ku haystaan, dhammaan dhulka soomaalida, marka laga reebo Jabbuuti. Waxay si hawl yar u duqeeyeen caasimadda Muqdisho, waxayna qarka u saaran yihiin in ay xaqiijiyaan damacoodii qarniyada soo taxnaa. Waxaa soo dhow in dunida laga waayo qof soomaaliyeed oo aan Xabashida masiixiga ah addoon u ahayn.

 

Mustaqbalka cidina ma saadaalin karto, waxaase xaqiiqo ah isirka soomaaligu intii uu soo jiray oo dhan waa maalintii uu ugu aayo xumaa. Heesta luuqda xun ee ah "Itoobbiya waxay neceb tahay qolo gooni ah, waxayna gumaadaysaa xisbi gaar ah", iyo riyada liidata ee sheegaysa "Itoobbiya ayaa dawlad naga dhigaysa" waxay noqon doonaan labada heesood ee ugu caansan uguna ceeb badan taariikhda soo socota. Wax lamafilaan ah oo dhaca mooyee laga bilaabo maanta aayaha iyo jiritaanka soomaalida oo dhami wuxuu gacanta ugu jiraa shisheeye, shisheeyuhuna soomaalida ma kala jecla.

 

......

 

 

Duullaankan caalamiga ah sida cad waxaa laga leh yahay laba danood oo kala dambeeya. Ta hore waa in soomaalidu sidii ay dagaal-oogayaasha iyo maamulladu u qaybsadeen loo daayo, cadaawadna la dhex dhego si aanay marnaba u midoobin, dawlad dhexe oo si dhab ah u shaqaysana meesha looga saaro, marka laga reebo mid maqaarsaar ah oo la mid ta imika Baydhaba lagu qayilsiiyo. Maamulladaas tabarta daran iyo dagaal-oogayaashaas ayaa dusha laga wada maamulanayaa, dabadeed sanooyin kale, oo kuwii tegay la mid ah, ayaa la sii wadayaa silcinta, dullaynta iyo qaxinta dadka soomaalida si loogu bisleeyo heer kale oo kan ka dambeeya kana sii xun.

 

read on

 

Waxaa Qorey

Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd"

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Ciidammada Xabashidu waxay markii ugu horraysay taariikhda si buuxda gacanta ugu dhigeen, oo xoog ama xeelad ku haystaan, dhammaan dhulka soomaalida, marka laga reebo
Jabbuuti.

and NFD :D

 

I am surprised xiin that you would quote such a miserably uninformed person as his writing depicts. Ibrahim Hawd :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Ibrahim Hawd is right, and I agree with him. Stop the nitpicking, and assess Ibrahim’s piece as a whole. Keywords are Xoog iyo Xeelad, lest you missed it!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Xiinow, Ibrahim's piece is as interesting and informative as it is correctly predictive really. The fact that Ibrahim has writen about these issues way back in December 29th 2006 attests to the man's clear insight and general oversight about Somalia's geopolitical relations with others, which have developed into a reality of uneding nightmares.

 

This piece reminded me of my own 2003 predictions IN HERE about Ethiopia's detrimental plans in our country. I now regret that I made such predictions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this