Sign in to follow this  
General Duke

Ali Mahdi Mohamed Somalia needs African troops cites his experience of 1991

Recommended Posts

Cali Mahdi Maxamed: 1991 dii ayaa la I doortay, dowladaas waxay ku fashilantay Ciidan la,aan waxaan qabaa in dalka la keeno ciidamo ka socda Afrika marka laga reebo Itoobiya…

 

Cali Mahdi Maxamed oo mar ahaa Hoggaamiye kooxeedkii W/magaalada muqdisho isla markaana markii la riday Maxamed Siyaad Barre Jabuuti loogu soo doortay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn u taageeray in dalka soomaaliya la keeno Ciidamo Shisheeye oo hubka ka dhiga maleeshiyooyinka soomaaliyed.

 

:Ma qabo in 14 sano kadib Gobol Soomaaliya ka mid ah uu diidayo ama hor istaagayo Dowladda soomaaliyed ee ka dhalatay dalka Kenya shirkii ka socday,Shacabka waxaa uu taageerayaa Dowladda soomaaliyed, taas oo ah xaq lagu leeyahay Shacabka, dowladda waxaa xaq looga leeyahay inay u adeegto Shacabka Soomaaliyed, Dowladad Nairobi ka dhalatay waxaa filayaa inay noqoto midi u adeegi lahayd dadka soomaaliyed, waana kul kalsoonahay dowladdaâ€ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed oo khudbad dheer maanta ka jeediyay kulan ay ka soo qeybgaleen Wafdiga Shariif Xasan ee ku sugan Magaalada Muqdisho kaas oo ka dhacay Hotel Ramadan.

 

:Waxaan hordhac ahaan u diidaynaa in kastoo Baarlamaanka awoodaas leeyahay Soomaaliya ilaa iyo hadda Caasimadeedu waa Xamar,Caasimad kale oo aan ognahay ma jirto, waxaan codsanayna in dowladda soomaaliyed la keeno muqdishoâ€ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed.

 

:Marka aan saas leeyahay ulama jeedo Maxaa Gobol hebel loo geynayaa dowladda, maanta Gobol aan Gobolka kale ka Jacaylahay ma jirto,wararka hadda soo baxayo waa Baydhabo waxayna ka mid tahay Magaalooyinka aan jacelahay, waana ka soo shaqeeyay intaas oo sano ayaa joogay, hase ahaate marka leeyahay Caasimadda ha la keeno Dowladda adigoo doonaya inaad wax daaweyso looma baahna inay wax kaa burburaan ama kaa xumaadan, Dowladda Maanta dhalatay waa Dowlad Dib u heshiisiin ah, Dowladaas waa inay iska ilaalisaa ama ka digtoonaada ama ay ka fikirtaa talaabta ay qaadayso, Haddii caawa la yiraahdo Caasmimaddii waa laga qaaday muqdisho ama waa laga wareejiyay ayaa meel kale la geeyay waxay leedahay cudur aan cidna daawo u helaynin, si taa loo daaweeyo dalka waa inuu dega marka hore markaas waxaa Baarlamaanka xaq u leeyahay inuu cod u qaado caasimadda soomaaliya go’aanka ka gaaro meesha caasimadda laga dhigayo,laakiin maanta taasi ma dhici karto waxaana ka codsanaynaa Baarlamaanka soomaaliyed inay taasi ka hortagaan oo aan lagu degdeginâ€ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed.

 

:Maalmahan waxaa laga hadlayay Ciidamo, dowlad waxay dowlad ku tahay ciidan, shaqsi shaqsi kale ka xoogg badan ma jiro nin nin waa isku filanahay, waxaa Su’aal ah dowladdu maxay dadka ugu xoog badan tahay, waxay uga xoog badan tahay ciidan, dowlad aan ciidan lahayn dowlad ma ahaâ€ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed.

 

:1991 dii ayaa la I doortay, dowladaas waxay noqotay mid fashil hambaartay, waana fashilantay dowladaas, sababta u fashilantay waxay tahay awood la’aan iyo Ciidan la’aan, C/qaasim ayaa Madaxweyne loo soo doortay ciidan la’aan ayay ku fashilantay, waxaan idin sheegayna waa talo, go’aanka waxaa iska leh Baarlamaanka, anigo waxaan qabaa in Ciidan la keeno dalkaâ€ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed.

 

:ciidanka la keenayo waa kee, Ma ciidan Itoobiya ayaa keenaynaa, mise mid Kenya mise mid Jabuuti mise Ciidan isku dhaf ah oo ka socda Afrika ayaa keenaynaa, anigo waxaan ku talin lahaa in dalka la keeno ciidamo afrikan ah, mana qabo in dowladaha safka hore sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ciidamadooda la keeno dalka, maxaa yeelay wax badan ayaa u dhaxeeya soomaaliya iyo dalalkaas, waana iga talo, xitaa Carab waa laga keeni karaa, waxaana ka soo horjeeda in dalka la keeno Itoobiya, Jabuuto iyo kenya

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Duke_Valantino:

Cali Mahdi Maxamed: 1991 dii ayaa la I doortay, dowladaas waxay ku fashilantay Ciidan la,aan waxaan qabaa in dalka la keeno ciidamo ka socda Afrika marka laga reebo Itoobiya…
......

....:ciidanka la keenayo waa kee, Ma ciidan Itoobiya ayaa keenaynaa, mise mid Kenya mise mid Jabuuti mise Ciidan isku dhaf ah oo ka socda Afrika ayaa keenaynaa, anigo waxaan ku talin lahaa in dalka la keeno ciidamo afrikan ah, mana qabo in dowladaha safka hore sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ciidamadooda la keeno dalka, maxaa yeelay wax badan ayaa u dhaxeeya soomaaliya iyo dalalkaas, waana iga talo, xitaa Carab waa laga keeni karaa, waxaana ka soo horjeeda in dalka la keeno Itoobiya, Jabuuto iyo kenya

36_2_9.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

And Duke you failed to reposrt this from the same website or is it contradictory to your ill-believes..?

 

Ugu horeyntii waxaa kulankaas ka hadlay Cali Mahdi Maxamed uu Wafdiga Baarlamaanka ku soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho,wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sida.:Waxay dadka Muqdisho idin kugu soo dhaweynayaan Walaaltinimo, Waxay beeninaayaan ama ay ka soo horjeedan in beenta laga sheegay Magaalada Muqdisho, beentaas oo ah in Gobolka Banaadir uu yahay meel lama galaan ah, taas maanta ayaa dadka Banaadir beeniyeen.

 

Shacabka Ku nool Magaalada Xamar waa Shacabka Soomaaliyed raba dowlad soomaaliyed, haddii beri jiri jirtay khilaafaad iyo Is afgarad xumo iyo dagaalo sokeeyea maanta taas waa dhamaatay,dagaal waa ka dhamaaday Caasimadda soomaaliya,waa dhamaatay wax la yiraahdo reer hebil, Ma jirto mana jirto mana jiri doonta dagaal dambe oo Xamar ka dhacay, waa jiri karaa mid wax ma garad ah oo burcad ah sida inta badan ka dhacaan Magaalooyin waa weyn ee Caalamka ka mid ah, sida Kenya, Qaahiro iyo meelo kale oo Mareykanka ka mid ah, Ninka Burcad ka ah ma metelo Shacabka Soomaaliyed ee ku nool Muqdisho waa shaqsi dan gaar ah leh, dadka ku nool Muqdisho waxay isku raacsan yihiin inay soo dhaweeyan Dowladda Federaalka soomaaliya, waxayna diyaar u yihiin inay u adeegan dowladdaâ€ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed.

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Dowladda KMG ah Cumar Maxamed Maxamed (Cumar Finish) ayaa isna hadal uu halkaas ka jeediyay ku sheegay inuu hubkiisa ku wareejin doona Dowladda KMG ah ee soomaaliya,
wuxuuna diiday in ciidamo la keeno soomaaliya,
laakiin waxaa uu soo jeediyay in la helo Saraakiil Ajanibi ah oo tababara Ciidamada soomaaliya, wuxuuna dalbaday oo uu ka codsaday madaxda muqdisho inay magaalada hubkooda kala baxaan.

And you forgot this image too

shariifka.jpg

but then again I forgot you despise Mudane Jamaac

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Cali Mahdi Maxamed oo si cad uga soo horjeestay ciidamo Itoobiyan ah oo la keeno Soomaaliya

 

Muqdisho(Sh.M.Network Online).Siyaasiga Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta si cad u diiday in ciidamo Itoobiyaan ah ay cagaha soo dhigaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Cali Mahdi Maxamed oo wareysi gaara ah siiyay shabakada warbaahinta shabelle ayaa sheegay in wadamada safka hore ee xuduuda la leh Soomaaliya in ciidamo ay leeyihiin aaney imaan karin dalka Soomaaliya isagoo xusay in xurguf iyo is afgarawaa mudo badan jire ay u dhaxeyso Itoobiya iyo Soomaaliya.

 

Cali Mahdi Maxamed waxaa uu tilmaamay in ay tahay arin la yaab leh in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galaan gudaha wadanka Soomaaliya oo markaasi raba in ay sameeyaan hub ka dhigis iyo dhaqan celin, waxaana uu sheegay inaanu ogolaan doonin arinkaasi.

 

Siyaasiga Cali Mahdi Maxamed ayaa ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in cidii u ololeysa ciidamo itoobiyaan ah ay soo galaan guadaha Soomaaliya ay mas'uuliyadeeda qaadi doonto

 

Shabelle Media Network, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jumatatu:

but then again I forgot you despise Mudane Jamaac

Jama Ali Jama is a coward of the first class, sxb. He sold out his integrity a long time ago.

 

I'm still not convinced Somalia needs any more foreign interference. We should keep the circle tight yo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

SIYAASIGA CALI MAHDI MAXAMED OO SOO JEEDIYAY IN CIIDAMO SHISHEEYE DALKA LA KEENO

 

CALI MAHDI: “Dowlad waxay dowlad ku tahay in ay dadka ka awood badan tahay oo ay ciidan leedahay, dowladdii aan anigu madaxda ka ahaa ee 1991-kii waxay ka shaqeyn weyday ciidan la’aan, tii C/qaasim ee 2000 la soo dhisayna sidoo kaleâ€

 

 

Talaado, February 08, 2005 (HOL) @ 19:00GMT: Siyaasiga Cali Mahdi Maxamed Maxamed oo maanta ka hadlayay kulan uu la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa talo ku soo jeediyay in dowladda Soomaaliyeed ay adeegsato ciidamo shisheeye oo hub ka dhigis sameeya, nidaamkii iyo kala dambeyntiina soo celiya.

 

“Dowlad waxay dowlad ku tahay in ay dadka ka awood badan tahay oo ay ciidan leedahay, dowladdii aan anigu madaxda ka ahaa ee 1991-kii waxay ka shaqeyn weyday ciidan la’aan Tii C/qaasim ee 2000 la soo dhisayna sidoo kale, dowlad uu shacabkii ka awood badan yahay anigu ma qabo in ay wax qaban karto†ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed oo caddeeyay in hadalkiisaas uu yahay talo soo jeedin go’aankana uu leeyahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed.

 

Cali Mahdi waxaa uu sheegay in dowlad aan ciidan iyo awood looga cabsado lahayn in aysan ka hor shaqeyn karin shacab hubkii gacanta ugu jiro, sidaas darteed ayuu mar kale soo jeediyay in ay lagama maarmaan tahay in la helo ciidamo hub ka dhigis sameeya oo dowladdana dowlad ka dhiga, isagoo meesha ka saaray in ciidamadaas lagu soo daro kuwa dalalka safka hore ee Soomaaliya la deriska ah.

 

Cali Mahdi waxaa kale oo uu ka digay in caasimadda laga wareejiyo Muqdisho, isla markaana loo wareejiyo magaalooyin kale oo dowladdana ay taasi ku kalifto in ay magaalooyin si gooni gooni u kala degto, isagoo ku talo bixiyay in aan la faragelin caasimadnimada Muqdisho oo sideeda loo daayo.

 

Wafdiga Dowladda Federaalka ah ee maalmahaan Muqdisho ku sugan ayaa iyagu waxay afkooda ka dhowrayaan in ay yiraahdaan dowladdu waxay adeegsaneysaa ciidamo shisheeye, wuxuuna Guddoomiyaha Baarlamaanka shalay ka hor sheegay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed in ciidamada dowladda ay noqonayaan Ciidamada Soomaaliyeed, waase haddii buu yiri ay ka dhabeynayaan ballanqaad ay soo jeediyeen ciidamada oo ah in ay dowladda la shaqeynayaan, inakstoo uu mar carrabka ku dhuftay in haddii ay ciidamada ballankaas ka baxaan ay qasab noqoneyso in dowladda ciidamo ajnabi ah adeegsato.

 

Horay waxaa u diiday in ciidamo Shisheeye dalka la keeno inta badan Siyaasiyiinta Muqdisho ee galay Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka ah iyo weliba Ra’iisul Wasaare Geedi, iyadoo ay dhamaan mas’uuliyiintaas sheegeen in ciidamada dowladda ay noqonayaan kuwo Soomaaliyeed, isla markaana kharashka lagu bixin lahaa Askar Shisheeye lagu maalgelin doono kuwa Soomaaliyeed. Sidoo kalena, waxaa iyana horay u diiday in ciidamo shisheeye dalka la keeno mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho iyo weliba Dalladda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this