Sign in to follow this  
Member-sol-

Alshabaab oo gaarey baardheere, la wareegay Buurhakaba

Recommended Posts

Taliskii Howlgalinta Xoogagii Maxkamadaha ee Xiligii Dagaalka lagula Jiray Ciidamada Itobiya oo ay Xalay Si Nabadgalyo ah kula wareegeen Xoogaga wax iska Caabinta..

(13-07-2008) Degmada Buurhakaba oo ahayd dabayaaqadii 2006kii Taliskii Howlgalinta Ciidamada Maxakamadaha Islaamiga kana mid ah Degmada Buurhakaba ayaa xalay ilaa shalay Gabaldhicii waxaa si Nabad galyo ah kula wareegay Xoogaga Alshabaab oo aan wax dagaal ah kula Galin Maleeshiyaadkii joogay Degmadaasi.

 

 

Xoogaga Al shabaab oo wata gaadiidka Dagaalka ayaa shalay gaaray halkaasi waxaana dadka rerr Buurhakaba ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan waxayna wararka saakay ka imaanaya Magaaladaasi ay sheegayaan in ay jirto isku soo bax balaran oo la abaabulayo si dadka Deegaankaasi ay ula hadlaan Madaxda Hogaaminaysa Ciidamadaasi.

 

 

Ma jiraan wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen Magalaadaasi Xoogaga waxayna warar hordhac ah ay sheegayaan in Maamulkii tabarta yaraa ee Joogay Degmadaasi ay ka baxeen saacado ka hor intii aysan galin Magaaladaasi Xoogagaasi waxayna Maleeshiyaadkii Joogay la sheegayaan Degmadaasi Qudhooda in ay iskaga huleeleen.

 

 

Afhayeenka Ururdiimeedka Al-Shabaab Abuu Mansuur ayaa sheegay in ay daafaha ka kala Joogaan Bay iyo Bakool waxa uuna sheegay in ay Xiligii ay doonaan ay Howlgalo ka samaynkaraan, halka uu arintaasi ka beeiniyay Gudoomiyaha Degmada Bay Geesee.

 

Dalkanews, Mogadisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mujaahidiinta

Al-shabaab oo caawa la wareegay Degmada Buur hakabo ee gobolka Bay

 

Sabti 09 Rajab 1429 =12/07/2008

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Mujaahidiinta Al-shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ayaa caawa la wareegay degmada Buur hakabo ee gobolka Bay, iyagoon halkaa kala kulmin wax iska caabin ah.

 

Ciidankii M.ridada ee halkaa ku sugnaa ayaa u baxsaday dhinaca Baydhabo markii ay maqleen in Mujaahidiintu kusoo dhowyihiin magaalada Buurhakabo kuwaas oo aan samayn haba yaraatee wax iska caabin ah.

 

Mujaahidiinta Al-shabaab oo uu horkacaayay Sheekh Abu Mansuur ayaa hadda ku sugan oo gaafwareegaya gudaha magaalada Buur hakabo oo ay soo galeen caawa fiidkii.

 

Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa hore u haystay inta badan degmooyinka gobolka Bay, waxana ka maqnaa oo kaliya degmada Baydhabo iyo Buurhakabo oo iyadana caawa ay ku suganyihiin.

 

 

 

 

 

{ وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِ 1610;نَ وَلَكِنَّ الْمُنَافِقِين 1614; لا يَعْلَمُونَ}

 

اللهم منزل الكتاب سريع الحساب هازم الأحزاب

 

اهزم الإثيوبيين الصليبيين وإخوانهم المرتدين ومن كان في صفــــــــــــ 1600;ـــــــــــــ 00;ــــــــــــــ ;ـــهم

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mujaahidiinta Alshabaab oo Gaaray Deg.Baardheere

By Somalimirror on 12 Jul, 2008 9:11 PM in Main, Wararka

 

Cutubyo ka tirsan Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo ku hubaysan gadiidka dagaalka ayaa waxay maanta galinkii danbe gaareen degmada Bardheere ee Gobolka Gedo ayada oo aysan wax iska hor imaad ahi ka dhicin. Mujaahidiinta ayaa la sheegay in ay Magaalada kaga yimaadeen dhinaca Degmada Saakoow waxayna fariisn ka samaysteen Buundada Weyn ee isku xirta labada Gedi ee Magaalada ayaga oo kala diray ciidamo boolis ah oo halkaa ku sugnaa. Xoogagga Alshabaab ayaa Magaalada Baardheere gaaray xilli maamulka Magaaladu uu ku hawlanaa samaynta ciidamo boolis ah oo ka hawlgala degmada kuwaas oo intoodii badnayd maanta la shaqa geliyay, waxaana baraha loo cayimay booliska degmada ka mid ahaa Buundada kala qaybisa labada dhinac ee Magaalada halkaa oo ay kala wareegeen ciidamada Alshabab ee halkaa gaaray. Sarkaalka horkacaya Ciidamada Dhaq dhaqaaqa Alshabaab ee gaaray galabta Magaalada Baardheere Maxamed Ismaaciil Dhagey ayaa sheegay in ay magaalada ku sii sugnaan doonan isla markaana ay si kama danbays ah ula wareegeen maamulka degmada Baardheere. Maaha markii ugu horaysay ee ay Baardheere Gaaraan ciidamo ka socda Dhaq dhaqaaqa Alshabaab balse waxay tani noqonaysaa markii labaad ee ay halkaa si aan dhiig ku daadan kula wareegaan. Gobolka Gedo ayaa waxaa dhawaan laga hirgeliyay Maamul laga soo doortay degmooyinka gobolka kaas oo ay dhismihiisa gacan ka gaysatay Hay’adda UNDP iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya mana jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay maamulka Gobolka Gedo iyo kan Degmada Baardheere oo ku aadan imaanshaha Mujaahidiinta Alshabaab ee Degmada.

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this