Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Bosaso Puntland Gov displays defeated militias weaponry, communication and transport

Recommended Posts

Puntland oo soo bandhigtay Hub & Agab laga soo qabtay Buuraleyda Galgala.

 

Dowlada Puntlannd ayaa Maanta waxay Xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso ku soo bandhigtay Hub & Agab kale oo laga soo qabtay Buuraleyda Galgala Sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland kuwaasi oo ay isticmaali jireen Koox ay horey Ciidamada Dowlada U dagaalameen oo daacad u ahaa Maxamed Siciid Atam

 

Siciid Dheere oo ah Taliyaha guud ee Ciidamada Daraawiishhta Puntland oo Goobta Lagu soo bandhigay Agabka Iskugu jira Hubka & Gadiidka ka hadlay ayaa sheegay in Qalabka la soo bandhigay ay ahaayeen Qalab ay isticmaali jireen Maleeshiyaad Daacad u ahaa Maxamed Siciid Atam oo dagaal Ciidamada Dowlada Puntland kula Galay Deegaanada Buuraha ee Silsilada Golis ee Dhaca Qorax u dhaca Gobolka Bari

 

Taliyaha ayaa si qoto dheer uga warbixiyay dagaaladii Faraha badnaa ee Ciidamada Puntland ay ku qaadeen Kooxihi hubeysanaa ee taageersaa MAxamed Siciid Atam waxaana uu sheegay in Dagaalka uu xilligan yahay mid la soo afjaray bacdamaa Hubkoodi Gadiidkoodi guud ahhaanba la soo qabtay waxaana uu xusay in dagaalka uu yahay Mid sii socon doona

 

Agabka Maanta lagu soo bandhigay Xarunta Madaxtooyada Boosaaso ayaa iskugu jiray Gadiid,Bambaanoyin gacanta laga tuuro kuwo meelo fogfog laga hago & qalab kale sida Computer Laptop ah dhalo television Camero & Cajaladaheeda kuwaasi oo la sheegay inay guud ahaan ahaayeen Qalab uu lahaa Maxamed Siciid Atam sida uu hadalka u dhigay Taliye Siciid Dheere & Sarakiishii Kale ee Goob jooga ka ahayd Soo bandhigida alaabtan

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.C/samad Cali Shire ayaa isna docdiisa ka hadlay isla goobta waxaana uu u mahadceliyay Ciidamada Puntland oo uu jsheegay inay howlgalkaasi uga qeybqaateen si hamsami leh islamarkaasina uu dagalku weli yahay mid sii socon doona tan & inta laga soo afjarayo sida uu hadalka u dhigay Kooxhii ay Dowlada Puntland Ciidamadeeda kula dagalameen Buuraleyda Galgala

 

Gen.C/samad Cali Shire Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay inuu xusuusinayo Ciidamada Puntland ee Galay Dagaalkii galgala in ay jiraan Goobo farabadan oo dowlada Puntland u qorsheysantahay inay talaabo ka qaado

 

Goobta lagu soo bandhigy Qalabka la sheegay in laga soo qabtay Atam & Kooxdiisa ayaa waxaa goob jog ahaa saraakiil farabadan oo ka tirsan Dowlada Puntland kuwaasi oo iskugu jira wasiiro & Saraakiil Ciidan waxaana dhamana la sheegay qalabkaasi inay noqon doonaan kuwo ay Dowlada Puntland la wareegtay

 

Isku soo wada Duuboo waa markii ugu horeysay oo gudaha Boosaaso la keeno agab & gadiid lagu soo qabtay Dagaaladii ka dhacay galgala marka laga reebo Dhamaadkii Bishii tagey oo saxaaafada la geeyay fariisamdii ay Cidmada Puntland Sheegeen inay kala wareegeen Kooxihii taageersanaa Sheekh Maxamed Siciid Atam.

 

SBC International Monitoring

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo Maanta Soo Bandhigtay Hub iyo Qalab ay Lahaayeen Xoogagii Sheekh Atam.

 

Boosaaso (RBC) Masuuliyiinta amniga ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso ku soo bandhigay hub iyo qalab la sheegay inay lahaayeen xoogagii Sheekh Maxamed Siciid Atam.

 

Munaasabadan ayaa lagu soo bandhigay gaadiid dagaal, qoryo, rasaas iyo agab ciidan oo sida la sheegay laga soo qabtay degaanada ay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo kuwa Sheekh Atam bilihii la soo dhaafay.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire iyo saraakiisha booliska ayaa ka qeybgalay munaasabada oo maanta ka dhacday Boosaaso.

 

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi saxaafada kula hadlay ayaa sheegay in maamulku uu ka guuleystey ciidamadii mucaaradka ee ka soo horjeeday, sida uu sheegay. Wuxuuna intaasi ku daray in maamulku aanu u dulqaadan doonin amni darro ka dhacda degaanada maamulku ka taliyo.

 

Madaxweyne ku xigeenka wuxuu dhinaca kale sheegay in dagaalkii u dhexeeyey Puntland iyo xoogaga Sheekh Atam aysan dhamaan, isagoo tilmaamay in xaalada amni ee Galgala ay tahay mid xasiloon xilligan.

 

Soo bandhigida hubkan ayaa ku soo beegantay iyadoo maalintii Axada madaxweyne C/raxmaan Faroole uu ka sheegay kalfadhigii 25aad ee barlamanka maamulkaasi in la soo afjaray xoogagii Sheekh Maxamed Sciid Atam haatana uu dhamaaday dagaalkii ka socday degmada Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso.

 

Dhowr bilood ayey qaadatay dagaalo adag oo ciidamada maamulka iyo kuwa daacada u ahaa wadaadkaasi oo ka socday degmada Galgala iyo nawaaxigeeda.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo mar kale soo bandhigay Hub iyo Agab ay sheegtay in ay ka qabstay kooxda Sh Atam.

 

Posted to the Web Nov 02, 13:41

 

Boosaaso:-Masuuliin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa maanta mar kale saxaafada u soo bandhigay Hub Agab kale laga soo qabtay Buuraleyda Galgala Sida ay u sheegeen Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland warbaahinta ka howl gasha magaalada Boosaaso.

 

Hubka iyo Agabka la soo bandhiga saaka ayaa waxaa ay sheegtay Puntland in ay ka qabsatay Ciidamado daacad u ah Maxamed Siciid Atam.

 

Taliyaha guud ee Ciidamada Daraawiishhta Puntland G/sare Siciid Dheere oo ku sugnaa goobta Lagu soo bandhigay Agabka Iskugu jira Hubka Gadiidka dagaal ayaa sheegay in hubka ay lahaayeen ciidamadii Sh Maxamed Saciid Atam .

 

Taliyaha guud ee Ciidamada Daraawiishhta Puntland G/sare Saciid Dheere ayaa sheegay in ay dagaalkii weynaa soo afgareen balse uu dagaalka sii socon doono

 

Hubka ayaa waxaa lagu soo bandhigay xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso waxaana ka mid ahaa hubkii la soo bandhigay ayaa Bambaanoyin gacanta laga tuuro kuwo meelo fogfog laga hago qalab kale sida Computer Laptop ah television Camero & Cajalado .

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.C/samad Cali Shire ayaa goobta ka hadlay wuxuuna u mahad celiyey ciidamada daraawiishta ee Puntland sida ay dagaalka uga qeybqaateen wuxuuna sheegay Jen C/samed in ciidamada Puntland meelo badan ay dagaal ku qaadi doonaan kuwaas oo uusan xusin.

 

Ilaa haatan wax war ah lagama hayo Sh Maxamed Saciid Atam mana jiraan ilo wareed kale oo madax banaan oo xaqiijinaya guusha Puntland.

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

woooooooooooooooooooooooooooow that is weak

 

Hubka ayaa waxaa lagu soo bandhigay xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso waxaana ka mid ahaa hubkii la soo bandhigay ayaa Bambaanoyin gacanta laga tuuro kuwo meelo fogfog laga hago qalab kale sida Computer Laptop ah television Camero & Cajalado .

Share this post


Link to post
Share on other sites

The black flag on the Toyata say's it all. The flag was raised in Galgala just days before the Puntland troops were attacked on the main road to Karin.

 

5139907056_b7bb4fc32f.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa Maanta Xarunta Madaxtoyada Boosaso Lagu Soo bandhigay Hub Iyo Gawaari La sheegay In laga soo Qabtay Deeganada Buuraleyda Galgala.

 

Boosaso (RBC Radio):

 

Bandhigani ayaa waxaa Ka soo Qayb Galay Ciidamo Aaad U Fara badan Taliyaal Ciidan Wasiiro Iyo Madaxweyne Ku xigeenka Puntland

 

Ciidamadii Ka Qayb Qaatay Dagaalkii galgala

Masuuliyiintii Ka Hadlay Waxaa ka Mid ahaa Taliyaha Ciidamada Darwiishta Puntland Siciid Dheere oo Ka warbixyay Dagaalkii galgala Iyo Sida Uu Ku soo Dhamaaday.

 

Sidoo Kale Wasiir Ku xigeenka Amniga Puntland C/jamaal Cismaan Oo Halkaasi ka Hadlay ayaa waxaa Uu Ka warbixiyay Amniga Guud ee Puntland Iyo Meesha Uu Haatan Marayo.

 

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shirre Oo halkaasi Ka Hadlay Ayaa waxaa Uu Ku dheeraaday Sida Loogu baahan Yahay In La iskaga Kaashado Amniga Guud ahaan deeganada Puntland

 

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Oo Salaamaya Ciidamadii Howlgalki Galgala ayaa cadeeyay in Arimaha Amniga ay Ciidamada Awooda saari doonan.

 

RBC RADIO BOOSASO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this