Sign in to follow this  
General Duke

RE: HAMADA BEENTA AH EE COL. C/LAAHI YUSUF..[RACIST FAISAL WARRABE'S]

Recommended Posts

RE: HAMADA BEENTA AH EE COL. C/LAAHI YUSUF

 

 

 

Maamulka Somaliweyn iyo aqristayaashaba waan idin salaamay bacda salaam

maqaal kusoo baxay halkan ayaan rabaa inaan wax ka iraahdo.

 

Bismalaahi Raxmaani Raxiim

 

Waxaan layaabay maqaalkan usoo qoray Faysal Cali Waraabe oo ah gudoomiyaha

xisbiga UCID.

 

Run ahaantii qoraagu waxa uu qoray waan aqrin kari waayay waayo ilama uusan

ahayn hab ama qaab qof caadi ah uu wax uqoraa.

 

Horta in la is aflagaadeeyo mafiicna laakiin run ahaantii waxaan garanwaayay

qoraaya maqaalkani inuu yahay nin fiyow iyo in uu yahay nin wax

udhimanyihiin.

 

Waxaan hadalkaa u iri ayaad idiin cadaynayaa

 

Qoraago cinwaankiisa waxa uu kusoo qoray shaqsi in uu kahadlayo ama uu

shaqsigaas wax ka oran doono, laakiin manoqon oo waxaan arkayay in qabiil

uun uu kahadlay, qabiilkaas oo wax kasta leh nin xun iyo nin fiicanba,

waayeel iyo dhalaanba , mucaarad iyo mu’ayidba, iyo waxkasta oo Somali

leedahayba leh kala mid ah ayuu wax kasheegay, kuna xadgubday waxkasta oo

ay ahaayeenba.

 

Laakiin dhib malahan qofku xumaan iyo cuqdad waa uqaadi karaa cid kale,

qabiilkaas iyo cidii kasoo jeedaba ninkanu colaad wuu uqabi karaa, oo taas

kaligiis gooni kuma ahan caqli gaabka soomaliyeed oo dhan ayaa qabiil

qabiil, reer reer iyo jifi jifiba isu neceb, Laakiin mida layaabka leh ayaa

waxay noqotay intii uu islahaa reerkaa wax kasheeg in uu shaqsiyaad iyo

qabaa’ilo aan dadkaas u dhalan ugefay uuna halkaa kugorfeeyay iyagiina cagta

sii mariyay.

 

Tusaale.

 

Wuxuu yiri:

 

“Waxa kale oo qoralalkan aan ugu sheegayaa siyaasiyiinta ********* inay

ogaadaan in dadkan maanta jooga ee Soomaliyeed aanay ahayn kii 60kii, oo

maanta aanay khiyaamayn karin xitaa Mawliid Macaane.”

 

Walahi waa yaab!! War bal dadwaynow ila eega ninkan miyuu ugefay qofka uu

magacaabay mase wuu ammaanay. Xitaa Mawliid lama khiyaamayn karo!!! Mawliid

ma qabqablayaasha Somalida ayuu kacaqli yaryahay mase waa beesha uu kadhahay

ayaa Somalida kaqali yar garanmaayo aqritow adigu bal fasiro macnaha

qoralkaa kore, waxa uu halkaa kuliiday shaqsi ama beel dhan( hadba sida ay

noqotaba ) oo aan shqul kulahayn beeshii kale ee uu wax kasheegayay.

 

 

Wuxuu yiri:

 

“Hogaankii siyaasadeed ee ********** waxuu ku guulaystay in uu gacanta ku

dhigu maamulki talyaaniga ee Qaramadda Midoobay u igmadeen in ay Soomaliya

gobanimo garsiiyaan muddo 10 sanadood ah. Waxa kale u ay gacanta ku dhigeen

Wakiilki Q.M. kamaal-Diin oo aha nin Masriya. Kamaal-Diin waxay ka raarideen

in ay ka soo jeedaan carab oo ay ka duwanyihiin ****** iyo dad kale ee

Soomalida uu ka soo jeeda Bantuu.”

 

Qoraagu beeshiisu xageebay jirtay markan? mase Isagu wuxuu ahaa

Somaliland!!

Wuxuu magacabay qabiil Somaliyeed iyo dad kale, dadka kale magaranayo cida

uu u wado laakiin waxaan is oran karaa waa inta aan ahayn Cidii oo hore u

caayayay. Dadkan wuxuu qeexayaa sida hadalkiisa ka cad kuwo aan caqli ama

garasho midna lahayn ama guud ahaanba lamaamulanayay waa aflagaado kale oo

uu beelaha Somaliyeed ugu gaystay halka tiisa uu kareebay waayo waa 10 sano

uu UNka. Walibana intaa kuma uusan ekaan ee wuxuu afeef usameeyay beeshiisa

markii ay kusoobiireen maamuulkii Somali udhamayd, waxaana hadalkiisa laga

dhadhansan karaa in Somaliland ay caqli xumo iyo doqonimo midna hayn

ogaayeena waxa meesha kajira iyo cida maamulaysa balse ay ka ahayd

Somalinimo iyo Midnimo jacayl ( waa yaab muxuu beelaha kale ugu ogolaan

wayaay inay lahaayeen wax garad iyo caqliba ay laakiin qaateen midnimada iyo

somalinimada hadiiba ay jirto in reerka uu sheegayo wax kutagri falayeen)

halka uu kusheegay kuwa kale wax garasho xumo ama siyaasadii oo ayan kaqaan

gaarin.

 

 

Wuxuu yiri:

 

“Wakhtigaasi waa markii ********** si rasmi ah u mulkiyeen awooddii

Soomaliya iyo Somaliland. Waxay ku guulaysteen in xataa Madaxweynenimadii

aan awooda distuuri aan lahayn ee lagu khiyameenayay beesha ****** ee magac

u yaalka ahaa in aanu ka baxsan ee ay mariyeen in la doorto Aadan

Cabdillaahi Xasan, oo ahaa nin la xidid ah oo qabay Taliyaha Ciidaanka

Booliiska Gen. Maxamed Abshir Edadii”

 

Waa mar kale iyo khiyaamayn ****** kudhacday ayuu halkaa kusheegay war

miyaan qosli karayaa hadee, ninkani ma ucid buu masuul uyahay oo marunbaa?

Xididku ma khiyaamaa mase reerkaas aad sheegtay ninkii laxidada waa iyaguu

katirsanyahay micnaheedu miyaa? Qabqablayaasha iyo madax kale oo

Somaliyeedba kuwa reerkaa xidid la ah ayaa jira matalan Qanyare oo beeshiisa

shirka Somalida ugu jira kana mid ah madaxda muqdisho, isagu xaalkiisa waa

khiyaamo kale oo kuwajahan reerka ama guud ahaan ****** , kolay waa sida

waraabe garashadiisu ahayd, Laakiin Adan Abdille maxaa loo galaaftay mase

gabadhii reerkaas ayaa kacaqli badisay oo beeshiisii kasaartay.

 

 

Wuxuu yiri:

 

“300 ee arday boqolkii 80% waxay ahaayeen

********** 20% kalena waxa ay ahaayeen waxay cagaha ku qataan sida Carabta

Maxamuud Saalax , Dashiishe, Ortableh iyo Xer ama Layli kas”

 

Inaa Lilaahi war ninkaan maxuu karabaa Somalida kale oo dhan oo tusiyay!

Hadalkaan waa hadal wayn cidkastaana garan karto sharaxaad uma baahna

laakiin yaa kaxaal marin doonaa qabaa’ilkaan loo gefay ee aan shuqulka

kulahayn reerka uu bareeray inuu caayo.

 

Wuxuu yiri:

“SNM waxaa halgankeeda u saldhig ahaa in ay soo ceshaato qarnimadii

Somaliland .

USC. Waxaa saldhig u ahaa inaanay madaxnimada J. Soomaliya cid kale qaadan.

SPM. waxaa saldig u ahaa inaan mar dambe lagu odhan qaxooti, tuulada

Afmadowna la qoondeen.

SDA. waxaa saldhig u ahaa in aanay ogalan wax aan aheen dawlad Fadraali ah,

Afkoodina soo ceshadaan iyo gobaladii Afweyne ka qaaday.”

 

Waxaan layaabay warkan xagee laga soo guuriyay ma FOX News taariikhda

Somalia kasheekaynaysa iyo siday waxkasta ahaayeen ayuu kasoo dhagaystay??

Kan koobaad aan udaayo isaga inkastoo ayan hadlkaa uusan waxba kajirin

hadana kuqabsan mayo.

Arinta USC iyo saldhiga halgankoodii waxuu kusheegay inay ahayd inay

madaxnimada Somalia aanay cid kale qaadan iyaga mooyaanee, halkanna waxaan

umalaynayaa inuu halmaamay dadkii kale ama u gefay Somalida aan ahayn USC

iyo reerkii uu hadalku lafuulay. Waxuuna kucadeeyay USC inay dad kale

dulminayaan go’aankoodan uu sheegay inay gaareen(waayaabee warkan xageebuu

kasoo xigtay), soo looma qaadan inuu weedha yara badalo uu yirahdo USC waxay

doonaysaa in aanay beeshaas somalida kutagri fashay aanay xukunka qaban,

waayo J Somalida waxaa daga beelo badan oo kale. Warkan xageebuu kusoo baxay

goormayse isku waafaqeen USC-da Arinkan, mase waa been maxaase kuqasbay

haduu been yahay mabeelaha USC ayuu iyagana hada been kafiinanayaa si uu

dadka ugu diro sida hada beesha qoraalkan uu usameeyay. Su’aasha aan

iswaydiinayo waxay tahay Ma dhabaa USC uma ogola miyaa inuu Madaxwayne

kanoqdo J S qof kale oo Somali ah oo aan iyaga kadhalan?? Madaxdii USCda

hore iyo kuwa hada jooga ayaa Su’ashaan utaala uu umada kubaraarujiyay

Waraabe.

 

Waxaase iyada layaab igu noqotay qaybtii SSDF oo uu sheegay in A yusuf uu

laayay jifo kamid ah beesha u qoraalkan uqaatay inuu kaga wax sheego iyo

inuu A Yusuf xoog kuhaysto Boosaaso kagana Saaray Jama A J iyo Hasan

Abshir!!!! Laakiin qoraagu mawuusan lahayn caqli uu garto in dadkani uu hada

sheegayo ay yihiin kuwo ah dadkii maanta dhan uu wax kasoo sheegayay isagoo

walibana uguwada yeeraya halka magac ee ay wadaagaan, maxaa iska badalay

fikirkiisii! Mase qaybtii ayuu halmamay wixii uu kuqoray markii uu tan

qorayay! Mase dadkaan uu sheegay in lalaayay kuwana xooga lagu haysto

kanixid uma uusan soo qorinee wuu kufaraxsanyahay waayo waxa ay kor kayihiin

kuligood ayaa qoraalkiisa inoo cadaynaya inuusan jeclayn….micniyaal badan

ayay yeelan kartaa ….sidaad doonto uqaado.

 

Waqtiga inta iiga harsan kusii dumin maayo ninkan isaguba warkiisa iswada

duqaayo, Laakiin waxaan layaab igu noqotay inuu yahay Masuul katirsan ama

Xogaamiya Xisbi kamida kuwa kajira Somaliland(UCID suncad xuma waynaa), isla

markaana ninkan waxaa laga hayaa hadalo uu kuyiri wiilka Adis Ababa jooga

iyo kan Muqdisho joogaa kan Adis ayaa ii sookeeya, uu haddana qoraalkan

kusoo dhawaysanaya qoraalkan sida ay isaga latahay ummado dhan oo kale duwan

oo Soomaaliyeed meesha wax ugu wada dhimay hadana malaynaya inuu qoray

qoraal fiican uu iyaga ugu caqli celinayo.

 

Waraabbe aad ayaad ucaqli badantahay ee u caqli celi dadka oo usheeg ummada

in Siyaasada micnaheedu ay tahay Boolitikaaal. LoL

 

Mohamed

 

 

Nuur Ahmed

jiilaal203@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this