Sign in to follow this  
Xaq

Ahmadou Ould Abdalla: Ethiopians to start withdrawing before Ciid

Recommended Posts

Xaq   

Abdalla: Ethiopia Ciidda ka hor ayay baxaysaa

By Harun Ma'aruf

Washington

19-September-2008

 

VOA

 

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Axmed Walad Cabdalla oo VOA-Somali wareysi siiyey, ayaa shaaca ka qaaday in dhinacyada Soomalida ee ku shirayey dalka Jabuuti ay saxiixayaan dokumenti ku saabsan xabbad joojinta iyo arrimaha amniga.

 

Wareysigan uu siiyey Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayuu ku sheegay in la gaaray heshiis ah in la bilaabo diyaargarowga shir la qabto kaasi oo looga hadlayo dib u dhis iyo horumarka Soomalaiya; shirka u horreeyana waa inuu dhacaa bisha Jannaayo ee soo socota. Dhinaca siyaasadda waxay isla gaareen iyagoo gacan ka helaya odayaal halkan jooga inay horumar ka sameeyaan dhinaca nabadda.

 

 

Hirgelinta heshiiskii Djibuuti aad ayey muhiim ugu ahayd Sheekh Sharif iyo Isbahaysigiisa in la bilaabo bixitaanka Itoobiya. Taasina wax diidmo ah kama iman, ha ahaato dhinaca Itoobiya, Ra'iisul Wasaaraha DKM ee Soomaaliya iyo UN-ka sababtoo ah waxaa jira heshiis ah in la bilaabo bixitanaka ciidamada Itoobiya ee magaalada Muqdishu markii la dhiso maamul uu leeyahay gobolka Banaadir.

 

Wareysiga Ergayga halkan ka dhagayso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this