Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Bal Maxay u Soo Celiyeen ?? ,, loooooool

Recommended Posts

Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed ayaa laga soo celiyay jiida hore ee degaanka Cabdi Casiis ka gadaal markii uu goostay inuu dagaalka hogaamiyo,waxaana soo celinta Shariif kadib kululaaday dagaalka oo isu bedelay mid ay weji cusub la soo baxeen ciidanka dowlada.

 

Inta badan fariisamaha Khawaarijta ayaa duqeeyn saf mara lagu garaacay waxaana kadib dagaal dhinaca lugtaa ku galay Ciidanka dowladda.

 

Ciidamo lixaadleh oo ay kala horkacayaan Cabdi Qaybdiid,Indhacadde iyo Salaad Cali Jeelle ayaa ku guuleeystay inay guud ahaan degmadda Kaaraan ka sifeeyaan kooxahii ku soo duulay ee Huwanta Ahmed Godane iyo Xasan Dahir.

 

Inta aysan dowlada gaarin guulaha dagaal ee Mogadishu ka hor waxaa wadooyinka lagu arkayay meeydadka Khawaarijta iyo dhaawacyo fara badan oo ay ku gurayeen baabuur.

 

Weriyeyaal doonayay inay ka waramaan jiidaha ayey huwanta Khawaarijta kala dageen gawaaridii ay wateen,waxayna ku daabulayeen dhaawacyadooda.

 

Weriyeyaasha jiidaha booqday waxay sheegeen inay indhahooda ku arkeen sedex gaari oo kuwa dagaalka ah,lagana gubay huwanta Godane iyo Aweys.

 

Gawaaridaas waxaa hareerahooda tubnaa meeydad fara badan oo ah maleeshiyadii ay la socdeen.

 

Khawaarijta oo subaxnimadii hore ka dagaalamayay Isgoyska Sanca waxaa gelinkii dambe laga saaray xitaa Isgoyska Fagax.

 

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banadir Cabdi Fitaax Shaaweey oo hogaaminayay Ciidamadda la wareegay Isgoyska Fagax ayaa Waagacusub kula hadlay kelmado ad adag ,oo farxadina ka dhexmuuqatay.

 

" Waxaad u sheegi kartaan Shacabka Soomaaliyeed inaan caawa ku hoyan doono Warshadda Baastadda hadii aysan taas dhicina waxaad igu tirisaan hogaamiyeyaasha beenta looga bartay,dagaalka waan wadeeynaa ilaa aan ka qabano Warshadda baastada,waxaana naga go-an inaan ku dhimano ama ka guuleeysano Khawaarijta"ayuu yiri Gudoomiye Shaaweey.

 

Ciidamadda uu wato Shaaweey oo ay dusha sare ka caawinayeen Madaafiicda goobta waxay dagaalkooda Yaaqshiid ku furteen gawaari dagaal,waxaana isgoyska Fagax isugu soo baxay boqolaal ka mida dadweynaha degaanka kuwaas oo la arkayay iyagoo biyo iyo baraf ka daba wado Ciidanka dowladda.

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed wuxuu Saraakiisha dhinaca amaanka ku booriyay inay dagaalka guul la taaban kara kaga gaaraan 24 saac hadii kale ay u baneeyaan jiidda iskana casilaan xilalkooda.

 

Golaha Wasiiradda ee Xukumadda Somalia ayaa kulan deg dega oo ay Mogadishu ku yeesheen ku shaaciyay in dalka la geliyay xaalad deg dega ayna beesha Caalamka weeydiisanayaan gurmad lagu badbaadinaa Qaranimada Somalia ee ay ku soo duushay Al-Qaeda

 

Warar la xaqiijiyay oo goor dhaweeyd laga helay Magaalada Beledweyne ayaa shaaca ka qaaday in laba kun oo ka mida Ciidamadda Melleteriga Ethiopia ay meel shan KM u jirta Beledweyne soo gaareen,waxaana sedex saacadood kadib lagu wadaa in kun iyo shan boqol oo ka mida Ciidamadii dowladda ee lagu aruuriyay Hiiraan u dhaqaaqaan dhinaca Magaalada Buuloburde oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyo uu wato nin lagu magacaabo Cabdi raxmaan Qaxwo kana mida Saraakiisha sare ee Khawaarijta Koofurta Somalia.

 

Wax wara lagama hayo dhinaca Bay iyo Bakool,Gedo iyo Jubooyinka hasse yeeshee waxaa guusha dowladda ku beegmeeysaa waxyar uun kadib mar Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia kulan deg dega oo uu xubnaha golaha baarlamaanka isugu yeeray ku iclaamiyay in caalamka u soo diro Somalia gurmad deg dega,24 saac gudahood,isagoo baaqiisana ku cadeeyay inay ku doonayaan ciidamo aan kala sooc lahayn guud ahaan dalalka la deriskaa Somalia.

 

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa dega goboladda dhexe oo dhiigooda la baneeystay waxay guul u arkaan awood kastoo lagu wiiqo karo Khawaarijta oo astaan u noqday diin la'aan ,arxan la'aan iyo dhaqamo guracan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed ayaa laga soo celiyay jiida hore ee degaanka Cabdi Casiis ka gadaal markii uu goostay inuu dagaalka hogaamiyo

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Waagacusub waxey doonaan ay iska sheegaayaan, gacanaa u taagey kuwaas(khaasatan dahir calasow in Holland rageedi waaye xariifkaan websitekiisa uu ku baashaalooyaa),

 

ayaan hore ay lahaayeen Indhacade wasiirka gaashaandhigaa laga dhigey, oo kii hore maxaa ku dhacey, ma is casiley, ma laga qaadey, maba u fiirsadaan waxey soo tabiyaan.

 

 

eesh calaa war iga dheh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Ma Sheikh Shariif baa furin tagayna? Looooool, taas is the joke of the year... Xageebuu wadnahaa ka keenayna?

 

Hadii wax yar oo idha-adayg qabi lahaa, CIA madhaheen ibadbaadiya oo Kenya isumuuna dhiibeen, qaab kaloo reer Magaalnimo ah ayuu kubixi lahaa inta yiraahdo heshiis baan galaynaa, but Xiin would want us believe that this man wasn't made to be in the front line or for fighting :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^lool. Nice point. The front is the backyard of Villa Somalia, looking out of the window to your Villa does not make you brave.

 

Also Xiin's boss is now begging to ride the Ethiopian tank. Thats how brave this hyocrite is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this