Sign in to follow this  
Member-sol-

Ciidanka MMI oo la wareegay Xerada Manaaso oo 45 Km u jirta magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Ciidanka MMI oo la wareegay Xerada Manaaso oo 45 Km u jirta magaalada Baydhabo

Posted to the Web Jun 03, 12:11

 

 

Baydhabo:- Wararka ka imaanaya laga magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in saakay ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah ay la wareegeen gacan ku haynta Xerada Manaas oo 45 Km u jirta magaalada baydhabo

 

 

Xerada Manaas ayaa waxaa ay kagana beegan tahay Koonfurta galbeed magaalada Baydhabo waxaan ay ahayd Xero ay DFKM ay ku tababari jirtay ciidanka DFKM.

 

 

Dagaal xooggan ayaa waxaa xalay xeradaas ku qaaday xoogga ka tirsan MMI waxaan ay xoog kula wareegeen Xerada Manaas iyadoo ciidan DFKM oo aan tiradiisu badnay oo ku sugnaa xeradaas ay ka baxeeb qaarna ay ku dhinteen dagaalkii xalay.

 

 

Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga ah Sheekh C/raxiim Ciise Cadoow ayaa saaka saxaafada u sheegay in ciidanka maxkamaduhu ay saakay la wareegeen gacan ku haynta Xerada Manaas.

 

 

Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga ah Sheekh C/raxiim Ciise Cadoow ayaa waxaa uu yiri "Ciidanka MMI waxay gacanta ku dhigeen saldhigga Manaas oo ahayd goob ay ku tababartaan ciidamo ka tirsan DFKMG ah, cidamadii ku sugnaa xeradaas qaar waxaa ay ku dhinteen dagaalkii xalay qaar waan qabanay ,qaarna waa ay ka baxeen xerada.

 

Ilaa hadda ma jiraan Masuuliyiin ka tirsan DFKM oo ka hadlay dagaalkii xalay ka dhacay Xerada Manaas oo ay ciidanka MMI ay sheegteen inay la wareegeen Xeradaas iyo weliba ciidanka MMI oo ku soo dhawaanaya magaalada Baydhabo oo ay degan yihiin Baarlamaanka DFKM.

 

Ciidanka MMI ee ku sugan gobolka Bay iyo Bakool ayaa waxaa ay la wareegeen magaalooyin iyo degmooyin badan oo hoos taga gobolka Bay ,marka laga reebo magaalada Baydhabo.

 

A/cawaale

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this