Sign in to follow this  
Maaddeey

Shirka Abudwaq ee Ahlusunna': Shar mise Khayr?

Recommended Posts

Maaddeey   

Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in kulankan muhiimadiisa ugu weyn uu yahay is araga culumaa'udiinka, dib u eegista mirihii guushii Ahlusuna ka gaartay waxa uu ugu yeeray dagaaladii ay la galeen kooxaha Khawaarijta.

 

Kulankan oo maanta si rasmi ah uga furmaya hool weyn oo laga diyaariyay magaalada Caabudwaaq, ayuu ugu horeyn sheegay ajandayaasha looga hadalayo, waxaana uu tibaaxay in qodobka ugu weyn uu yahay dar-dar gelinta dagaalada Ahlusuna kula jiraan kooxaha ka soo horjeeda ee Shabaab iyo Xizbul Islaam.

 

Gudoonka qaban-qaabada ayaa sidoo kale sheegay in ay sii xoojinayaan maamulada Ahlusuna ka wadaan dalka, isla markaana ay bulshada qeybaheeda kala duwan u madax banaaneyn doonaan afkaartooda iyo in dhasmaha maamulahada loo madax baneyn doono dadyowga degaanada ay maamulaan.

 

Wariyeyaal ka qeyb galaya shirweynahan ayaa sheegaya in lagu dhisi doono maamul guud oo uu yeesho Ahlusuna Wal-jameeca, ee haatan gacanta ku haya gobolada dhexe ee Soomaaliya.

 

Guddiga loo xilsaaray shirka maanta ka furmaya degmada Cabudwaaq ayaa waxa ay sheegeen in qaban-qaabada ay si wanaagsan u socoto isla markaasna ay saxaafadda hadba meesha ay wax mareyso ka siin doonaan faah faahinta ku aadan.

 

Ammaanka degmada Cabduwaaq ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo xitaa indho shareerka laga diiday halkaasi si aanu u dhicin qof wax qarxinaya in uusan ku soo dhex dhuumanin taasi oo ay si weyn uga baaraan dageen Ururka Ahlusna.

 

Dalkanews.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Well the central regions are in their hands so they have a responsibility over the land. It is really a dilemma. In terms of grassroots activism, they are something to admire but their close relationship with the Ethiopian government begs a lot to be desired.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this