Sign in to follow this  
Jacaylbaro

DAGAAL KA DHACAY GAROWE

Recommended Posts

Hal qof oo ku geeriyooday iska horimaad ka dhacay Garoowe

 

Mogadishu 28, Feb.07 ( Sh.M.Network) Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa maanta in uu ka dhacay iska horimaad hubeysan oo sababay geerida hal qof, ka dib markii kooxo dabley ah ay weerareen xabsiga magaalada Garoowe, halkaasina ay kala baxeen 3 nin oo la sheegay in ay ku xukunaayeen dil toogasho ah.

 

Iska horimaadkaan oo dhex maray maleeshiyo beeleedyo iyo ciidamada daraawiishta Puntland ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka fudud nuucyadiisa kala duwan, iyadoo iska horimaadkaasi uu yimid ka dib markii maleeshiyo beeleedyo ay weerar ku qaaday xabsiga Garoowe.

 

Kooxahani hubeysan ayaa waxa ay xabsiga kala baxeen 3 ruux oo lagu eedeeyay in ay fal dil ah u geysteen mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland, iyadoo Maxkamada Puntland ay ku xukuntay dil toogasho ah, taasina ay keentay in maleeshiyo ku hyeb ah eedeysanayaashaan ay soo weeraraan xabsiga.

 

Xaaladda Xabsiga ayaa haatan dagan, iyadoo aysan jirin wali wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado xabsi isla markaana lagala baxo dad ku xukuman dil toogasho ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Iska hor imaad khasaare gaystay oo ka dhacay xabsiga magaalada Garoowe.

28. februar 2007

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Garoowe (AllPuntland)- Ugu yaraan 1 qof ayaa ku geeriyooday dad intaasi ka badanna waa ay ku dhaawacmeen iska horimaad ka dhacay xabsiga magaalada Garoowe ee caasimadda dawlad goboleedka Puntland.

 

Iska hor imadkaasi ayaa waxa uu dhex maray ciidamada dawlad goboleedka Puntland iyo ciidamo beeleedyo doonayay in ay xabsiga kala baxaan niman eedaysanayaal ahaa.

 

Kooxdani weerarka ku qaaday xabsiga ayaa waxa ay doonayeen in ay xabsiga kala baxaan laba nin oo ku eedaysanaa in ay gaysteen fal dil ah oo ka dhacay magaalada Garoowe.

 

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada dawlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay ku xukuntay xukun dil ah laba nin oo sanadii aannu soo dhaafnay gudaha magaalada Garowe ku dilay mid ka mid ah saraakiisha ciidanka ee dawladda.

 

Kooxihii malayshiyooyinka ahaa ayaa waxaa u suurto gashay in ay la baxaan labadaasi eedaysane oo ku xukunnaa xukun dil ah.

 

Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in ay jiraan dad aad u fara badan oo ku dhaawacmay iska hor imaadkaasi.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAROOWE : 3 Nin oo dil lagu xukumay iyo rasaas xoogan oo ka socata Xabsiga garoowe

Posted to the Web Feb 28, 10:13

 

 

Garoowe: Iska hor imaad aan saas u weynayn ayaa ka dhacay xabsiga weyn ee magaalada caasimada ah ee Garoowe, kaddib markii ay maleeshiyo isa soo abaabushay ay doonayeen inay xabsiga kala baxaan 2 nin oo horay falal dil ah ka gaystay deegaanka puntland.

 

Ciidamo aan badnayn oo ilaalo ka hayey xabsiga ayaa si xoogan maleeshiyadani ku jiirtay iyaga oo adeegsanaya raasaas aad u xoog badan waxaana u suurta gashay inay si xoogan kula baxaan 2 -eedeysane oo goobtaas ku xirnaa , kaddib markii Maxkamada darajada koowaad ay ku xakuntay xukun dil ah , maadaama ay horay ugeysteen falal dil ah oo aan loo meeldayin.

 

Goobtaas ayaa lagu soo waramayaa inuu jiro dhaawac aan badnayn oo u dhaxeeyey maleeshiiyada iyo ciidamada dowlada oo tiro yar ku joogay xabsiga magaalada . Dadka ku nool Caasimada ayaa saaka aad isugu soo baxay jidadka magaalada , kaddib markay maqleen xabadaha ka dhacaayey Xabsiga magaalada arrintaas oo ahayd mid ka yaabisay dadka deegaanka ku dhaqan oo u bartay ku noolaanshaha nabadgelyo buuxda ee ka jirtay magaalada wixii ka danbeeyey bur-burkii dowladii dhexe.

 

Arrintan ka dhacday caasimada puntland ayaa ah arrimo soo noqnoqonaya oo maamulka puntland uusan u lahayn wax taxadara waxyaalaha ka dhacaaya caasimada Puntland.Waxayna shacabku ku nool caasimada ay arrimahan dusha uga tuurayaan maamulka puntland oo ay ku tilmamaameen inay ku guulaysan waayeen gacan ku haynta amaanka caasimada iyo goobo kale oo ka tirsan deegaanada puntland.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin dagaalkii ka dhacey xabsiga Garoowe

 

 

Dagaal aad u balaaran oo maanta ka dhacay Xabsiga magaaladda Garoowe ayaa sababay 13 qof oo dhaawac ah, kuwaas oo isugu jira ciidamada Madaxtooyadda DGPL iyo dadweynaha kacdoonka wadey oo ay hurmuud u ahaayeen Malishiyaad aad u hubeysan.

 

Iska-horimaadkan oo ka dhashay sadex nin oo xukumada Cadde Muse dil ku xukuntay ayaa socday muddo 45 daqiiqo ah, waxaana looga xoog roonaaday ciidamadii ilaaladii xabsiga oo tageero ka helayey ciidanka Madxtooyada, taas oo sababtey in dadweynihii kacdoonka wadey ay xabsiga kala baxaan maxaabiitan.

 

Maxaabiita xabsiga lagala baxey ayaa kala aheyd Axmed Ducaale (Laadhuu) , C/naasir Cali Ciise (Tuni) iyo C/salaam Warsame addoon.

 

Dadka halkaas ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah labo sargaal oo ka tirsan ciidamada Booliiska Puntland , labadan nin ayey xaaladooda caafimaad roontahay waxaana haatan lagu daaweynayaa Isbitalka Garowe.

 

Dadweynaha magaaladda Garoowe ayaa waxaa ka muuqatay xamaasad aad u kacsan oo sababtey in qaab kacdoon ah lagu soo furto Maxaabiisatan.

 

Shacabka Garowe ayaa saldhig uga dhigayey iska horimaadkan in uu sababey kadib markii xukumada Cadde Muse ay horey ugu guuldareysatey in sharciga horkeento qaar kamid ah ciidamada Madaxtooyada oo dad ku laayey magaalooyinka Garowe iyo Bosaso.

 

Si kastaba ha ahaatee, arrintan maanta ka dhacday magaaladda Garoowe ayaa ahayd mid khasaaraheedu yaraa marka loo eego baaxada dagaalkan.

 

Garowe Online,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Socod_badne:

Jacaylbaro,

 

Why are you triple posting a friendly fire incident?

It is nothing more than what General Duke always does, so I was just wondering why it only matters this time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke is blindsided by clan hatred. The man is possessed and is beyond all redemption. Laakiin, unless you're also clanist bigot I don't see why you should fashion yourself after him.

 

These sort of incidents happen everywhere there's established authority.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is a sad news specially this time ,,,, General Duke would post the same and there is not difference ,,,,,,

 

Socod badane, it was not a friendly fire ,,, ppl were injured and some lost their lives sxb ,,, you should be sorry not to say fire friendly unless you are from that attacker's clan :D

 

 

It was a heavy fighting as reported by Garoweonline ,,,,,,,,, tension is high and the administration did not officially talk about the incident ,,,,,,,,,,,,,,

 

 

Ilaahay ha qaboojiyo ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Originally posted by Socod_badne:

Jacaylbaro,

 

Why are you triple posting a friendly fire incident?

Are you policing the site today?

 

 

LOL@ friendly fire,

 

Friendly fire is when incidents occur by accident among friends. This was deliberate attack by Shifto who wants to free their family members. I wouldn’t say it was a war nor should I classify it as FRIENDLY FIRE.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ebyan   

Originally posted by Socod_badne:

Jacaylbaro,

 

Why are you triple posting a friendly fire incident?

It's called corroborating a story. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this