Sign in to follow this  
XOG-ogaal

Masaajidka ugu weyn Magaalada Boosaaso jimacaha kadib jihaad looga dhawaaqey

Recommended Posts

Somaliweyn - - 01/12/06

 

Masaajidka ugu weyn Magaalada Boosaaso ee Rowdo oo maantay salaadi jimacaha kadib jihaad looga dhawaaqey

 

Masaajidka u weyn magaalada Boosaaso oo lagu magacaabo masjidul Rowda ayaa maantay salaadii jimca khodbada lagu soo qaatey sida ay muqadis u tahay in jihad lala galo ciidamada itoobiya ee wadanka soo galay khodbaadasi jimcaha oo dadka oo dadkii reer boosaaso maantay siweyn u kicisey intii fahmeysey xiligii ay socotey intii kalana waxaa loogu badaley markii salaada laga baxay afsomali taasi oo dadka ku dhaqan magaalada boosaaso ay siweyn ugu riyaqeen.

 

Waxaa mal mahaanba kasocdey magaalada boosaaso iyo gobolada puntland oo dhan shirar ay yeelanayeen culimo uudiinka puntland inkasto aan wali si rasmi ah loo ogaan waxaa kasoo baxay shirarkaani ayey uga tashanayeen ciidamada itoobiya ee wadanka soo galay iyo waliba sidii wax looga qaban mid kamid ah culima uu diinka ugu waaweyn magaalada boosaaso oo codsadey inan magiciisa saxaafada lagu faafin ayaa sheegey iminka inay isu diyaarinayaan sidii ay ciidamada itoobiya ee wadanka soo galay ay dagaal ula gali lahayeen waxaana uu wacad ku marey intii ay ciidamada itoobiya wadanka kusugan yihiin inaysan itoobiya nabad kuseexan waxaana uu shacabka reer puntland ugu baaqey inay jihaadka galaan oo is qoraan oo tagaan goobaha ay soo galeen ciidamada itoobiya.

 

Culimada somaliyeed ayaa meelkasta oo ay joogan kamideysan fikirka ah in dagaal lala galo dowlada itoobiya ciidamadeeda ay soo galisey wadanka Somalia dowlada itoobiya aya iyaduna wacad ku martey inay dagaal lagali doonto midowga maxakiimta islaamiga ah oo inta badan kataliya Somalia inkastoo ay maxakiimtu ku cel celiyeen inay itoobiya ka noqoto faragalinta dalka Somalia hadana itoobiya taasi dhaga ayey ka fureystay waxaana ay ciidamo badan huba kusoo daabushey gudaha wadanka Somalia waxaana ay sheegtey inaysan cidna ka amar qaadaneyn wallow ay inta badan oran jirtey waxaan gacan siinaana dowlada ku meel gaar ah hadana maba sheegto dowlada ee waxaa orankaraa wadanka ayaada maamuleynasa.

 

Meelaha ay soo galeen Ciidamada itoobiya ayaa waxaa kamid ah magaalada galkacyo oo ah bartamaha wadanka Somalia waxaana ay la wareegeen gabi ahaanba magaaladaasi iyago fadhiya hada meelihii muhiimka ahaa sida CTRL labada ahaa Airprtigii magaalada isbitaalkii weyna ee magaalada xeryihii ciidanka hotelka magaalada u weyn oo lagu magaacabo taar city iyo goobo kale oo muhiim ah waxaana xusid mudan in ilaa iyo hebyn hore maamulka gal mudug iyo cidamadaasi wada hadal u socdey kaasi oo ahaa sidi ay ula wareegi lahayeen meelaha ay kataliyaan gal mudug iyago iminka la wareegey isbitaalkii konfurta magaalada galkacyo iyo meelo badan oo kale .

 

Sido kale waxaa jirtey in maamulka puntland iyo ciidamada itoobiya ay isku af garan wayeen ka gadaal markii ay dheheen hanala ku wareejiyo shirkada is gaarsiinta ee ka howl gala gobolada puntland taasina ay ka dhaga adeygeen maamulka puntland balse ay markii danbe iska maamusheen waxaaa lasheegey in ilaa iyo xalay lagu arkayey xarunta shirkada isgaarsiinta galkacyo ee STG ay ku gaaf wareegayeen ciidamaaasi.

 

Shacabka ku dhaqan magaalada galkacyo ayaa walaac iyo saas ka muujiyey ciidamadaani iska maamulanaaya magaalada waxaana jira dhalin yaro badan oo ku tashaanaaya sidii ay wax uga qaban lahayeen arintaani maamulka puntland ayaa laftiisu ku kala qeybsan arintaani iyadoo sida lasheegeyna ay ciidankaani itoobiyaanka ah lagu eedeyey dhowr nin oo maamulka sare kamid ah Balse Baarlamaanku aysan ogeyn arintaani iyo qaar katirsan xukuumadu.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh Jaamac Cabdi Salaam oo Soo gaaray Cadaado

Posted to the Web Dec 01, 16:40

 

 

Gaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa ku soo waramaya in Sh Jaamac Cabdi Salaam uu Gaaray Cadaado si uu ugu Biiro MMI ee ku sugan Halkaas .

 

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in uu horey ay ugu sugnaayeeen Dhalinyaro ka soo jeeda Maamul gobaleedka Puntland oo uu horkacayo Sh C/laahi Cali Xaashi inkasta oo aan la garaneyn inta ay tiradooda Tahay.

 

Taageerayaasha MMI ee ku sugan gudaha Puntlan iyo dalka dibadiisa ayaa wada in ay dhalin yarada reer Puntlan ay ku tirtirsiiyaan in ay aadaan Cadaado si ay ugu biiraan Jihaadka lala galayo Ciidamada Tikreega ee soo galay Gaalkayo

 

Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu eedaynayaa in ay gacan siinayaan Col Cabdi Qeybdiid oo ka mid ahaa isbahaysigii Sharta ee laga soo ceyriyey magaalada Muqdisho

 

Waxaa Kaloo oo uu Maamulka DGLP ay soo galiyeen dalka Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah iyaga oo ku andacoonaya in MMI ay wataan Eratareeya iyo Oromo inkasta oo uu MMI arinkaas wax badan iska Fogeeyey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this