Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Second day of fighting continues in lasanod Somalialnd Vs. Shacabka sool

Recommended Posts

Ciidamada Somaliland Iyo Shacabka Reer Laascaanood Oo Dagaal Afka Isdaray

 

(Laascaanood}25.10-7

Hawlgal balaadhan oo ay sameeyeen ciidamda maamulka labaxay Somaliland ayay kusoo qab qabteen boqolaal qof oo ay udhaadhiciyeen jeelasha Burco iyadoo qaar kalena ay jidh dileen kuwana ay sixun rasaas ugu toogteen halka dhinaca askarta ay dad shacaba oo gadoodsan ay ka dileen laba askari laba kalena ay ka dhaawaceen………………………………………

 

Hawlgalkan oo bilowday saaka hiirtii waaberi ayay ciidamada maamulka labaxay somaliland iyo kolonyo tikniko ah doonayeen inay dhagaxa iyo taayirada lagu gubay laamiga iyo wadooyinka magaalada inay ku sifeeyaan balse shacab cadhaysan ayaa ka hor istaagay.

 

Kumaan shacab ah oo ay wajiyadooda ka muuqato cadho weyn ayaa laamiga si xoogan usii dhigay dhagxaan waa weyn halka ay kusii ja jabiyeen dhalooyin isla markaana ay kusii gubeen shaagag ama taayiro waa weyn balse kolonyadii ciidamada maamulka labaxay Somaliland ayaa dadkii xabado kala daalay waxayna sababeen xabadaahisi inay dhaawacyo xun xun kasoo gaadhaan dadkii mudo haraadayay.

 

Hotelka Nugaal oo kuyaal badhtamaha magaalada ayaad mooday inay bartilmaameed sanayeen ciidamadii saaka hawl galkan samaynayay iyagoo xabado hotelka kala daalay waxaana hoteelkaasi soo gaadhay dhaawac weyn isla agagaarka hotelka ayaa waxaa lagu toogtay hal askari oo la sheegay inuu u dhashay deegaanka hargeisa oo xabadu ay sujuuda kaga dhacday.

 

Waxaa iyana jirtay kolonyo kale oo ciidamo dheeraad ahaa oo la doonayay in lagu cabsi geliyo shacabka in iyana dad shacab ahi ay miino kusoo tureen waxaana halkaasi ku geeriyooday askari kale oo reer hargeisa ah waxaana dhaawac khatar ahi uu kasoo gaadhay laba askari oo kale.

 

Markaas kadib oo ciidamo xoogan lagu soo daabulay badhtamaha magaalada ayay ku qab qabteen boqolaal qof oo laga buuxiyay dhowr baaburta waaraadada loo yaqaano waxaana toos loogu dhaadhiciyay jeelasha burco.

 

Warku wuxuu intaas ku darayaa in dadka shacabka ah ee loo taxaabay jeelasha burco ay ku jiraan dumar iyo caruur iyo waliba hooyooyin aan waxba galabsan oo laga soo qab qabtay wadooyinka magaalada.

 

Dhinaca kale Bam gacmeed ayaa habeenimadii xalay lagu tuuray Hotel-ka Xamdi oo ku yaala magaalada Laascaanood, kaasoo ay geysteen kooxo hubeysan oo aan la garanayn heybtooda, inkastoo uusan wax qasaare ah geysan,

 

waxaana hotelkaasi oo lagu magacaabo Xamdi degenaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka labaxay Somaliland, waxaana qaraxaasi ka dib howlgalo baadhitaan ah ka bilaabeen ciidanku agagaarka hotelkaasi iyagoo ka baadi goobaya kooxihii ka dambeeyey bamkaasi.

 

Isla xalay ayaa iska horimaad hubeysan waxaa uu ka dhacay badhtamaha magaalada Laascaanood kaasoo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda,

 

waxaana iska horimaadkaasi ay labada dhinac isku weydaarsadeen rasaasta ka dhacda qoryaha fudud, lamana soo sheegin cid waxyeelo ay ka soo gaadhay,

 

waxaana arimaha ay ku soo beegmayaan xili labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland ay ku jiraan diyaar garow dagaal oo aad u xoogg badan

 

Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iska Hor Imaadyadii Saaka Ku Dhexmaray Shacabka Deegaanka Iyo Maamulka Dirta Waqooyi Oo Ay Weheliyaan Midiidinka U Adeegaya Oo Dad Ku Dhinteen

 

 

Oct 25, 2007 By:Cali Faarax

 

Laascaanood (Jidbaale.com) Saaka subaxnimadii iska hor imaadyadii dhex maray shacab weynaha Magaalada Laascaanood iyo Huwantii ka soo duushay Hargeysa, waxaa la soo xaqiiyey inay docda maamulka Hargeysa kaga dhinteen laba nin oo u dhashay hargeeysa, halka ay iyagu dhaawaceen afar nin oo ka soo jeeda beesha sool.

 

 

 

 

Waxaa kaloo la soo cadeeyey inay magaalada ka kaxaysteen dad tiradoodu gaadhayso ilaa 150 qof waxaana ka mid ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada Laascaanood magaciisana la odhan jirey Cabdi Cowke waxaana loo dhaadhiciyey xabsi ku yaalla magaalada Burco.

 

 

 

Afarta nin ee reer sool ah ee dhaawacuna soo gaadhay mid ka mid ah waxay maamulka Hargeysa ka toogteen xiniinyaha, waxaana la soo xaqiijiyey inay xiniinyuhu go’ay.

 

 

 

Cali Faarax

 

Laascaanood

 

Puntland

 

Soomaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyada Somalidiidka oo saakey magaalada Laas-caano gudaha usoo galey iyo iska caabin xoogan ay kala kulmeen shacabka reer laas-caano. {Wasiir Casoowe oo dagaalkaasi ku dhaawacmay}

 

Abaarihii 6 aroornimo ayaa, shacabka reer laascaano waxeey ku baraarugeyn ilaa 14 tiknika ah oo ay leedahay maamulka somalidiidka ah ee hargeysa oo ka daad gureynaya, dhagax iyo caro ay shacabka reer laascaano ku gooyen wadada dheer ee shiinaha ee isku xirta Burco iyo Garoowe, si aysan u adeegsanin kooxda Somalidiidka.

 

Tiknikada ay wateen Somalidiidka ayaa waxaa ka mid ahaa 3 taangi, iyo 11 baaburta loo yaqaan cabdibilaha, shacabka reer Laas-caano oo aad moodo in ay marnaba eeyan ogaleyn in ay cagta magaalada laascaano soo dhigaan kooxda somaliweyn doneysa in ay kala jar-jarto ee ka amar qaadata Mujrim Daahir Riyaale, ayaa waxeey isla markiiba kala hortageen somalidiidka, dagaal aan loo kala harin.

 

Dagaalkaasi iska caabinta ahaa ayaa wuxuu keeney in maleeshiyadii somalidiidka ay si aan loo meel dayin u furaan rasaas, waxeeyna rasaastaasi ay la dhaceen dadka shacabka ah oo u badnaa dumar iyo caruur.

 

Wasiir ka tirsan maamulka Somalidiidka ah oo magaciisa lagu sheegey casoowe oo watey baaburta loo yaqaan lela calaawi, ayaa si xun loogu weerarey magaalada dhaxbartenkeeda,ayadoo ilaaladiisi ay gaaren heer ay kaga cararaan goobta uu weerarka ka dhacay,lama oga ilaa iyo haatan halka uu ku sugan yahay somalidiid casoowe, balse warar ayaa waxeey sheegayaan in uu baxsadey asagoo dhaawac ah.

 

Magaalada laas-caano oo sadex meelood laba meel,shacabkii ay ka qaxeen ayaa waxaad moodaa in ay ku hareen mintidiin reer laas-caano ah oo ku dhaartey in ay ku dhimanayaan difaaca magaalada laas-caano.

 

Xafiiska Warqbadka ee Shabakada Carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Hotel Xamdi ee magaalada Laas-caano oo ku wargaliyey Somalidiidka iyo Dabadhilifkooda in ay isaga guuran Hotelkaasi.

 

Ka did weeraro isdaba joog ah burbur xoogana gaarsiiyey hotelka Xamdi, ayaa maamulkeeda sare waxeey maanta ku war galiyeen kooxda somalidiidka in ay isaga guuran hotelkaasi.

 

Shacabka reer Laas-caano ayaa waxeey u arkaan Hotel Xamdi in ay marti galisey Maleeshiyada ku soo duushey gobolka sool,hadaba ilaa iyo habeynadii aynu soo dhaafney,ayaa waxaa weerar isdaba joog ah lagu qaadey hotel xamdi ee magaalada Laas-caanood.

 

Weerarkaasi oo ahaa mid loo isticmaaley bambooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaasta ka dhaca qoriga loo yaqaan daba-jeex, ayaa waxaa lagu qaraacay hotelka caalamiga ahe xamdi ee laas-caano.

 

Burbur xoogan ayaa ka muuqda hotel xamdi gaar ahaan wajiga hore ee hotelka laga soo galo, waxaa kaloo burbur uu ka muuqdaa dhinaca danbe ee hotelka ayadoo halkaasi si xoogleh looga soo tuureyey bambada gacanta laga tuuro.

 

Si kastaba ha ahaate maamulka sare ee hotel xamdi ayaa codsigaasi u gudbiyey kooxda somalidiidka, balse warar hoose aanu helney ayaa waxeey sheegayan in ay ku gacan seyreen codsiga kaga yimi maamulka hotelka.

 

Gaarhaye Cabdi

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Laas-caano Sool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Hotel Xamdi ee magaalada Laas-caano oo ku wargaliyey Somalidiidka iyo Dabadhilifkooda in ay isaga guuran Hotelkaasi.

 

Ka did weeraro isdaba joog ah burbur xoogana gaarsiiyey hotelka Xamdi, ayaa maamulkeeda sare waxeey maanta ku war galiyeen kooxda somalidiidka in ay isaga guuran hotelkaasi.

 

Shacabka reer Laas-caano ayaa waxeey u arkaan Hotel Xamdi in ay marti galisey Maleeshiyada ku soo duushey gobolka sool,hadaba ilaa iyo habeynadii aynu soo dhaafney,ayaa waxaa weerar isdaba joog ah lagu qaadey hotel xamdi ee magaalada Laas-caanood.

 

Weerarkaasi oo ahaa mid loo isticmaaley bambooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaasta ka dhaca qoriga loo yaqaan daba-jeex, ayaa waxaa lagu qaraacay hotelka caalamiga ahe xamdi ee laas-caano.

 

Burbur xoogan ayaa ka muuqda hotel xamdi gaar ahaan wajiga hore ee hotelka laga soo galo, waxaa kaloo burbur uu ka muuqdaa dhinaca danbe ee hotelka ayadoo halkaasi si xoogleh looga soo tuureyey bambada gacanta laga tuuro.

 

Si kastaba ha ahaate maamulka sare ee hotel xamdi ayaa codsigaasi u gudbiyey kooxda somalidiidka, balse warar hoose aanu helney ayaa waxeey sheegayan in ay ku gacan seyreen codsiga kaga yimi maamulka hotelka.

 

Gaarhaye Cabdi

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Laas-caano Sool

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Tacshiirad & rabshado Laascanod ka dhacay oo lagu diley 2..

 

 

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in rabshado iyo tacshiirado xoogan ay saaka ka qarxeen bartamaha magaalada Laascaanood.

 

Tacshiiradaha iyo rabshada ayaa timid ka dib markii ciidamada maamulka la magac baxay Somaliland ay gudaha u soo galeen markii ugu horeysay gudaha magaalada Laascaanood, taasi oo caro xoogan ka abuurtey dadka deegaankaasi oo si weyn uga xumaadey in ciidamo ka yimid Hargeysa iyo Boorama ay xoog ku soo galaan gudaha magaalada Laascaanood.

 

Laba ka mid ah ciidamada maamulka Somaliland ayaa saaka lagu diley bartamaha magaalada kuwaasi oo isku dayey inay calanka Soomaaliya dhulka dhigaan oo ay ka taagaan xarumaha maamulka ee magaalada calanka maamulka la magac baxay Somaliland taasi oo caradii dadka si weyn u sii kicisey, isla markaana keentay in ciidamada Daahir Rayaale Kaahin ay rasaas ooda uga qaadaan dad boqolaal gaaraya oo si weyn uga soo horjeeday falalka maamulka Somaliland uu ka wado magaalada Laascaanood.

 

Warar warbaahinta caalamiga ah ee SBC ay ka heshay dad xog ogaal ah oo ka gaabsadey in magacooda saxaafada laga sheego ayaa sheegaya in rasaastii ay fureen ciidamada maamulka Somaliland ay ku dhaawacmeen afar qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen dumar iyo wiil yar kuwaasi oo wadooyinka ku gubayey shaagaga gawaarida iyo waxyaabo kale oo ay u adeegsanayeen jidgooyooyin.

 

Ciidamada maamulka Daahir Rayaale Kaahin ee saaka markii ugu horeysay gudaha u soo galey magaalada Laascaanood ayaa waxay wateen gawaarida gaashamaan ee dagaalka ee loo yaqaan beebayaasha, waxaase ciidamadaasi oo adeegsanaya awood dheeraad ah si weyn uga hortagey oo ku qasbey inay magaalada dib uga laabtaan oo ay tagaan halkii ay ka yimaadeen ee duleedka magaalada dadweynaha magaalada oo caro iyo rabshado kala hortagey ciidamada maamulka Gobolada waqooyi ee Somaliland la baxay.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ugu yaraan 50 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan haween ay magaalada ka qafaasheen ciidamada Daahir Rayaale Kaahin dadkaasi oo ahaa dadkii banaanbaxa iyo rabshadaha kala hortagey ciidamada Somaliland, iyadoo ciidamadaasi ay dadkaasi u kaxaysteen dhanka deegaanka Oog ee Gobolka Sool.

 

Talaabadan geesinimada ah ee shacabka magaalada Laascaanood uga hortageen ciidamada maamulka Somaliland ee maanta awooda ku soo galey magaalada ayaa waxay muujinaysaa in Somaliland ay awood u sheeganayso dadka Gobolka balse aanay jirin taageero ay ka haystaan dadka deegaanka.

 

Hoteelada ay degan yihiin siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka ee taabasan maamulka Somaliland ayaa waxaa lagu sameeyey dibadbaxyo iyo dhagax tuur, waxaana dadku ay ku dhawaaqayeen ereyo ay uga soo horjeedaan siyaasiyiinta iyo saraakiisha reer Sool ee taageersan maamulka Somaliland, waxaana la sheegay inay adag tahay in magaalada ay maraan magaalada balse ay ku jiraan hoteelada siyaasiyiintaasi.

 

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaabax iyo rabshado ka qarxay mar kale Laascaanood iyo laba ka mid ciidanka S/land oo la dilay

Posted to the Web Oct 25, 16:30

 

 

Laascaanood:-Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka mar kale ay rabshado iyo tacshiirado xooggan ay qarxeen Gudaha Magaalda Laascaanood.

 

 

Tacshiiradaha iyo rabshadahaas ayaa bilaawday markii ay bilaabeen Ciidanka S/land in ay soo galaan gudaha magaalada taasi oo caro xoogan ku abuurtey dadka deegaankaasi oo si weyn uga xumaadey in ciidamo S/land ay soo galaan magaalada.

 

Waxaa bilaawday rasaas goosgoos ah iyo banaanbax rabshado wata oo ay wadaan dadka deegaanka oo taageersan Maamulka Puntland waxaana ku dhintay rabshadahan Laba ka mid ah ciidamada maamulka Somaliland .

 

Ciidanka S/land ayaa furay Tacshiirad waxaana ku dhaawacmay ilaa 4 qof waxaa ayna ka xeysteen ilaa 45 qof oo dhigayey banaanbax.

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iska hor imaad geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Laascaanood

Last Updated::2007-10-25 16:45:06

 

Laascaanood:-Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ku warramaya in saddex qof oo kala ah laba askari oo ka tirsan maamulka Hargeysa ---

iyo qof ray;id ahi ay dhinteen halka laba qof oo rayid ahini ay dhaawac meen kadib markii ay saaka waaberigii soo galeen magaalada ciidamada maamulka Hargeysa kuwaas oo watay baabuurta tiknikada gaar ahaan beebayaasha dabadeedna waxaa ciidaman ka hor yimi kumanaal qof oo shacab ah kuwaas oo ka soo horjeeda soo gelitaanka ciidamadan magaalada Laascaanood ,waxana shacabku ay ciidamadan ku shiideen dhagxaan iyo dhalooyin taas oo keentay in ciidamada maamulka Hargeysa ay ku jawabaan rasaasta,taasina ay keentay in shacabka qaarkiis ay rasaas u adeegsadaan ciidamada si ay uga waabiyaan magaalada

 

Waxaa wararku intaa ku darayaan in ciidamada maamulka Hargeysa ay doonayeen in ay qaadaan dhagxaanta iyo taayirada iyo quraaradaha lagu xidhay wadada balse ay iska caabin xoogan kala kulmeen shacabka magaalada ,ciidamadan ayaa waxa ay bilowgii iska hor imaadka ay wadada laamig ah ka qaadeen inta badan waxyaalihii lagu xanibay balse shacabka ayaa markii dame ku soo rogaal celiyay oo xanibay wadadii iyo wadooyin kale oo horay u furnaa

 

Ciidamada maamulka Hargeysa ayaa waxaa ay sidoo kale qab qabteen dad lagu qiyaasay afartan kuwaas oo isugu jiray dumar iyo caruur kuwaas oo ka qayb qaadanayay kacdoonka lagaga soo horjeedo maamulka Hargeysa iyo kuwa la shaqeeya ,waxana wararku intaa ku daryaan in maamulka Hargeysa uu dadka ra'yidka ah u dhaadhiciyay xabsiyo ku kala yaal Oog iyo Burco

 

 

C/hi Caaqil

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

'Folks You can only hear it right here, right here exclusively on jidbaale and widhwidhonline news desk, it's news you cannot get anywhere else'

Share this post


Link to post
Share on other sites

kacdoon ka dhacey Laaska

25 Oct 25, 2007 - 10:09:38 AM

 

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cabdi Xaabsade oo ku sugan degmada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegay in maamul loo sameynayo gobolka, uu ka madax bannaan doono maamullada Somaliland iyo Puntland.

 

Xaabsade ayaa sheegay in isagu yahay taageere Somaliland, balse maamulka ay sameynayaan uusan hoos tagayn Somaliland iyo Puntland.

 

Hadalka Xabsade, ayaa kusoo beegmay iyadoo rabshado ay ka dhaceen Laascaanood saakay, kuwaas oo ay ku dhinteen laba qof oo mid ka mid ah uu yahay booliiska Somaliland, waxayna rabashaduhu ahaayeen kuwo billowday markii gawaari dagaal oo laga leeyahay Somaliland ay damceen inay xoog ku dhex maraan gudaha magaalada.

 

Shacabka magalada ayaa qarkood waxay ababuleen weerarro ka dhan ah ciidammada Somaliland oo xoog ku qasaday dhawaan degmada, iyadoo weerarka uu yahay kan sababay dhimashada laba qof.

 

Ilo wareedyo ku sugan Laascaanood, ayaa waxay sheegeen in iska horimaadkaan uu ahaa mid xooggan, isla markana sababay in magaalada xaaladdeedu kacdo, waxaana goobjoogayaashu sheegeen inay ciidammada Somaliland billaabeen inay burburiyaan goobaha ganacsi ee xiran, balse taas laga hortagay mar kale.

 

Booliiska Somaliland ayaa la sheegay inay xirxireen dhowr qof oo ay ka qabqabteen gudaha Laascaanood; waxaana dadkaas ka mid ahaa wariye lagu magacabo Maxamed Cali Cilmi; iyadoo iminka ku xiran yihiin saldhigga Booliiska.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Red sea pick up the phone and call that is if you know anyone from there, people are leaving the city,and some people would love us to believe that live is normal there, it is just so sad that people in that city will be refugees second time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this