Sign in to follow this  
Suldaanka

Madaxwayne Dahir Rayaale Kaahin iyo waftigiisii oo ka soo dagay caawa magaalda London

Recommended Posts

Cabaaro 9:30kii fiidnimo ayaa waxa garoonka caalamiga ah ee Hethrow Intarnational Airport ka soo degay madaxwaynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wafti culus oo uu hogaaminaayo waftigani oo in mudo ahla sugaayay ayaa caawa soo gaadhay London

 

Madaxwaynaha iyo waftigiisa oo aay weheliyaan wasiiro ka tirsan xukumada Somaliland iyo labada gole ayaa caawa si nabad qab ah u soo gaadhay magaalada London waftigan oo aay ka dhex muuqdeen wasiirka warfaafinta,arimaha dibada Maaliyada Qorshaynta iyo qaar kale waxa sidoo kale waftigaasi la socday gudoomiyaha golaha Baarlamaanka, gudoomiyaha guurtida iyo ku xigeenadooda waxa isna waftigaa ka mid ahaa Haji Abdi Waraabe hadab waxa soo dhawaynta ka qayb qaatay dhamaan xisbiyada siyasada ee Somaliland waxa iyan si gaar ah meesha uga muuqday Mudane Cismaan oo Somaliland u fadhiya dalka Ingriiska iyo madax badan oo ka tirsan wasaarda arimaha dibada ee Ingriiska sidoo kale waxa meesha ka dhex muuqday in kasta oo aay asaxaabta siyaasadu wada joogeen hadan waxa ka dhex muuqday gudoomiyaha xisbiga UCID Ing Faysal Cali Waraabe waftiga oo iminka ku nasnaaya Hotelkii loogu talo galay oo aan sidaasba uga dheerayn meelaha ugu mihiimsan ee dalkan sida safaaradaha iyo meelaha madaxda caalamku ku dagto ayaa waxa wariyaha Qarannews.com halkaasi warka uga soo tabinayay uu soo gudbin doonaa warar faah faahsan oo isdaba joog ah

 

Qarannews.com LONDON

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Hethrow Intarnational Airport

Macalinka weyn, Hethrow garoonka diyaaradaha la dhaho London maku yaalo. Ar amuu "madaxweynaha" iyo wafdigiis dhumaan oo laga dajiyaa Stansted instead. If that's so, then perhaps Ryanair uu ku imaadaa filaa. :D:D

 

Good luck with his speech at the Commons. His Honourable Mr. President should be warned, though.

 

In that Commons house, anything goes. From whistling to pounding-your-chair to protest. So if he hears a couple of MPs hammering their desks for whatsoever reason, he should continue his speech and give no mind over it.

 

Macsalaama.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

President holds short press confirence

 

 

SDWO –(London 15th March 2004) - Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyale Kaahin ayaa manta shir jaraa,id ku qabtay hotelka uu degan yahay isaga iyo weftigiisu ee ku yaala bartamaha magaalada London.

 

Madaxweynaha wuxuu shirkaa jaraaid qabtay manta markay saacada London ahayd 3.30 galabnimo, Madaxweyanahu faafin sidaas u balaadhan muu bixin, se wuxuu markii u horeysayba u mahadnaqay jaaliyada London oo uga mahadnqay sidii quruxdabadnayd ee ay u soo dhoweeyeen, waxa kale oo uu halkaas salaan uga diray shacbiweynaha Somaliland ee ku dhaqan dalkii. Waxa uu sheegay inay isla saakaba guda galeen hawlahii ay u yimaadeen, waxa uu sheegay inay dowlada ingiriiksana kala hadli doonaan inuu aqoonsigii uu horey u aqoonsanaa Somaliland 1960 uu dib ugu soo celiyo.

 

Waxa kale oo madaxweyaha isagoo wejigiisa farxadi ka muuqato sheegay in ay ku socdaalayeen dhamaantood iyagoo sita Baasaabooradii Somaliland taasi oo ku tusaysa buu yidhi sida wax aynu ku doodaynaa u yahiin wax sharci ah.

 

Waxa la filayaa in madaxweyanaha iyo weftigiisu in kulmadoodii u qorshaysnaa ay la yeelandoonaan laamaha dowlada ee dalkan Britain, tani oo la filayo in waasaarada arimaha dibada ay beri oo 17ka March ah ay la kulmi doonaan.

 

Wixii warar ah ee soo kordha halkan ayaan idiinku soo gudbin doonaa si joogta hadii eebe yidhaahdo.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa saaka hotelka ay deganyahiin ku soo booqday gudoomiyaha ururka ucid Fasal Cali Waraabe iyo xubno sarsare oo ka tirsan ururkaas oo uu ka mid yahay Axmed Muuse Geedi – Sanjab, iyo dadbadan oo sharaf leh oo reer UK ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this