Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Waxaan qashinka fiiriya

Recommended Posts

Maamulka Gobolka Banaadir oo Xaflad Lagu xusuusto Ciidamadii Itoobiya ee ku geeriyooday Dagaaladii ka dhacay Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada dalka

 

Safiirka%20Itoobiya%20ee%20Somaliya.jpg

 

[
Yaahuu, cabsida ka muuqato dey
]

 

Askar%20Bilad%20la%20siinayo.jpg

 

[
Honouring their so-called fallen Xabashi soldiers in Xamar!
]

 

Kooxda%20Bambeyda%20Itoobiya.jpg

 

[
Qashinkooda muusikadda u garaacaaye even keensadeen
]

 

24 Nofeembar, 2007 - Maamulka Gobolka banaadir ayaa xaflad lagu xusuusto Ciidamadii Itoobiyanka ahaa ee ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay Soomaaliya ku qabtay xaruntii shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliya ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay labo bilood ka hor.

 

Xafladan oo abaal marino lagu guddoonsiiyay Saraakiishii dagaaladaas ka qeyb qaatay,xubno uu ka mid yahay Safiirka Yeman ee Soomaaliya ayaa ujeedada xafladaas waxay ahayd in xusuus gaar ah loo lahaado askartaas ka geeriyootay Itoobiyanka.

 

Sarkaalka Itoobiyanka ugu dhaqdhaqaaqa Badan ee Jooga Soomaaliya Gabre wuxuu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la xusuusto geesiyaashii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee naftooda ku waayey halgankii lagu taageerayey xukuumadda Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxaa uu sheegay Gabre in ay askarta Itoobiya ka go’an tahay inay la dagaallaan kooxda Al Shabaab, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo caqabad ku ah nabadda Soomaaliya iyo tan Gobolkaba.

 

Col. Gejon oo ka socday wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya, Asper Agaza, iyo madax kale oo ka kala socotay guddiga nabadgelyada qaranka iyo Gobolka Banaadir ayn ka mid ahaayeen kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir sida Dhagaxtuur, C/fatax Shaaweeye,C/llaahi Xasan Geney Firimbi

 

Laakiin dad badan ayaa is weydiinayaan sababta keentay in Maamulka Gobolka Banaadir xusuusto askar Itoobiyan ah oo geeriyootay iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir marna uusan ka hadlin dadka faraha badan ee Ciidamada Itoobiya ku laayeen Magaalada Muqdisho.

 

-------------

 

I don't care about Xabashadda iyo waxee sameyanayaan because dal ayee xoog ku heystaanee, but kuwa Soomaali isku sheega, xil isku magaacabay meesha fadhiyo u sacabtumaayo la yaabanahay. Goormee xasuus iyo baroordiiq u sameyn doonaan maatida la xasuuqay, gumaaday, la laaye dadweynaha Soomaaliyeed?

 

Wanfankuu...! Shuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this