Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: security operations continue

Recommended Posts

In ka badan 50 qaran diid oo lagu soo qab qabtay howlgallo ka soconaya qeybo ka mida magaalada Muqdisho.

 

Iyadoo xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho ay ciidanka xoogga dalku maanta howlgallo ka wadaan ayaa xaafada warshadda caanaha waxaa howgalka ka soconaya ay ciidanku ilaa iyo haatan kusoo qabqabteen in ka badan 50 ka mida maliishiyooyinka qaran diidka ah .

 

Maliishiyooyinka ayaa ciidanku ay ugu galeen guryo ay ku sugnaayeen oo xilliyada habenkii ay weeraradooda kasoo qaadi jireen,waxaana gacan ku dhigidda maliishiyooyinkan qarandiidka ah loo kaashaday dadweynaha deegaanka oo ciidanka soo siiyay faafaahinno dheraada oo ku aadan waxa ay maliishiyooyinkaasi qabtaan iyo guryaha ay ku sugnaayeen.

 

Sidoo kale waxaa ciidanku ay gacanta kusoo dhigeen hub iyo wax yaabo kale oo ay qaran diidku guryaha loogu galay ku heysteen,iyadoo sidoo kalana gacanta lagusoo dhigay haween raashinka ukarinayay .

 

Waxaa xiran wadooyinka warshadaha iyo 30-ka oo howlgallada ugu ballaarani ay maanta ka soconayaan,waxaana ay ciidanku galayaan guryaha oo mid mid ay baaritaanno ugu sameynayaan.

 

Sidoo kale waxaa xiran isgoysyada Taribuunka,Casa Popolare iyadoo wadooyinka soo gala suuqa bakaruhuna ay xiran yihiin wadooyinka soo gala suuqa bakaaraha ee magaalda Muqdisho

Wixii kusoo kordha howlgalladan ay ciidanku wadaan dib ayaanu aqristalaa idinkalasoo socod siin doonaa hadii eebe idmo.

 

Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

contact:carmooyin@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baaritaano ka socda Muqdisho

 

Ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Itoobiya ayaa saakay howlgalo balaaran ka bilaabay qeybo ka tirsan Muqdisho iyadoo hub fara badan iyo shaqsiyaad gaar ah ay howlgalkooda ku soo qabqabteen kuwaasi oo loo gudbiyay xasbiyada magaalada Muqdisho.

 

Dadka Muqdisho ayaa saakay ku waabiriistay ciidamo baaritaano adag ka wada xaafadaha Albaraka, KPP, Isbitaalka Digfeer, Tarabuunka, Xero Ruushka, Warshadda Caanaha, Kuliyadii Jaalle Siyaad, Baar Ubax qeybo ka mid suuqa Bakaaraha waxayna ciidamadanu ay dadka ku amrayaan in aysan isticmaalin wadooyinkaas ay ka sameynayaan howlgalka.

 

Col. Yuusuf Cusmaan Dhuumaal oo ah Afhayeenka ciidamada howlgaladaan wada ayaa sheegay in ciidamada dowladda aysan wax dhibaato ah u geysaneyn dadka rayidka balse howshooda ay gudanayaan si nabadgelyo ah, isagoo intaa raaciyay in marka uu howlgalka dhamaado ay soo bandhigi doonaan wixii ay ku soo qabqabteen.

 

Howlgallada ay ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia ka wadaan Muqdisho ayaa ah kuwa joogta ah inkasta oo ay weli jiraan weeraro joogta ah oo lala begsadao ciidamada dowlada kuwaas oo dhibaato xoogan ka soo gaarto shacabka rayidka ah.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: "Hawlgalladan waxa ay ay ahaayeen kuwa amaanka lugu xaqiijinayo"Taliska Ciidanka Booliska G/Banaadir.

5. august 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Hawlgallo balaaran oo ay maanta Magaalada Muqdisho ka fuliyeen ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa waxaa ka warbixiyay Taliye Kuxigeenka qeybta booliska gobolka Banadir G/dhexe C/laahi Xasan Bariise.

 

Wuxuu sheegay Taliye kuxigeenku in ay sii socon doonan hawlgallada uu ugu yeeray in ay yihiin kuwa looga soo horjeedo amaan darada ,isagoo sidoo kale sheegay in hawlgallada looga gol leeyahay sugida amniga caasumada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Taliye K/xigeenka Booliska gobolka Banadir G/dhexe C/laahi Xasan Bariise oo la weydiiyay cida lugu qabtay ayaa wuxuu sheegay in la qabtay dad badan oo lugu tuhunsan yahay in ay ka danbeeyaan qaraxyada ka dhaca inta badan Magaalada Muqdisho ,isla markaana wuxuu ku celiyay in loo baahan yahay in nabada laga shaqeeyo.

 

G/Dhexe C/laahi Xasan wuxuu intaasi raaciyay in ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya bilaabayaan waqti aan fogeyn hubka dhigis lugu sameynayo Shacabka Soomaaliyeed ee hubka Sharci daraa ku heysta gudaha Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

"Waxaa hawlgalladan hordhac u yihiin hubka dhigis laga sameeyo Muqdisho ,ciidamaduna udiyaargaroobayaan" Ayuu yiri Taliyekuxigeenka Qeybka Booliska gobalka Banaadir oo Saxaafada la hadlayay.

 

Dadka reer Muqdisho ayaa waxa ay hawlgalladii maanta ku soo xusuusteen ,markii ay dowlada Soomaaliya waday baacsiga Haraadigii Maxkamadaha ee lugu dagaalamayay sagaalka Maalmood Magaalo Madaxda dhexdeeda.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Eight horrible months later from December and a conflict in which thousand of innocent lives were lost and a whole country has come under occupation...and eight months horrible months later where hope seems to be fading and out of sight...and the likelihood of bigger and badder internal conflicts is looming larger and larger everyday....We are still beating on the Qabiil drums harder and harder to no avail...for the YEEY vampires and the thugs, AWAY IN THE DISTANCE, who are feeding on the blood of the innocent...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Of course Duke it is normal for anyone to feel horrible about the on-going situation unless of course you can't see or hear or WORSE you are consumed with tribal Hatred..

 

If Duke you couldn't succeed gettig that sponsor Adder had sent you, or Adeer himself uu waxarihiisa ku raacayo weli Somalia and you were like many Somalis trapped in one of those hotspots ( in Mogadishu, kismayo, Baydhabo, hiiraan, bargaal, etc) and then if you would have lost consequently a son or a daughter in that unjust invasion, I would have felt the exact same way for your family...regardless

 

You know Some people are able to see beyond their little Baraako and what's inside of it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer, Somali's have not been living a dream these past 17 years. A million lost their lives and many more fled their homes which are still occupied.

 

Those who assasinate, kill and bomb children will not get any respite in their homes, in the bushes in the hospitals they will be hunted down.

 

Thats the truth adeer. Crocodile tears for the likes of the Sharif Ahmed and others wont get you any advantage.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

lol...eight months and counting...I wonder whose name WE are going to invoke eight months from now to justify OUR failures....

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^We have two years and three months left. So it will continue. This is not a fake media type event liek the courts, this is huilding adminstartion for every region, setting up Federal states, building the army and police as well as developing national institutions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Go on...)..tell us more

 

I think the boogey man tactic is wearing itself out...eight months later, we have heard enough of Dheegdheer and Ba'ayeey barakaa iga maqan chants.....We will see what the clanish hymns (WE will be singing by the end of the year) will look like

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer you seem to know "clan hymns" thus its an issue you must overcome yourself before addressing others.

 

As for the outlook its rossy, the armed groups are now staging mortar attacks on children no longer can they capture cities and towns and they sing from Asmara when ever the TFG makes a move forward.

 

Thus in eight more months expect them to be even weaker.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowlada Federaalka oo hawlagalo ka wada Xaafada Wardhiigley

Last Updated::2007-08-06 09:33:57

 

Muqdisho:- Ciidamada DFKMG ayaa baaritaano balaaran ka wada Xaafada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

 

Waxaana gebi ahaan xiran wadadadii 30ka iyo Warshadaha halkaasi oo ay ka socdaan baaritaano lagu doonayo xubno kamid ah kooxaha hubeysan ee magaalada Muqdisho weerarada ka geysta.

 

Ciidamada DFKMG oo kaashanaya kuwa Itoobiya ayaa shalay xiray wadooyin iyo isgoysyo kala gedisan oo ku yaal magaalada Muqdisho, si ay halkaasi uga xanibaan kooxo la sheegay in ay ku dhex dhuumaaleysanayaan xaafadaha magaalada.

 

Waxaa saaka oo Isniin ah dib loo furay qaar kamid ah wadooyinka gala suuqa weyn ee Bakaaraha ayadoo shalay qaar kamid ah jidadkaasi loo xiray arrimo la xariira baaritaanadan.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this