Sign in to follow this  
Emperor

Wafdiga Dawlada iyo Xubnaha Mucaaradka oo is marxabeeyay

Recommended Posts

Emperor   

Jabuuti: Wararkii ugu dambeeyay ee Jabuuti (Wafdiga Dawlada iyo Xubnaha Mucaaradka oo is marxabeeyay)

31. maj 2008

 

Jabuuti (AllPuntland) - Wafuudan dhinacyada shirka uu u dhaxeeyo iyo diblomaasiyiin caalami ah aya aku qul qulaya Magaalada Jabuuti, halkaasoo la filayo inuu ka furmo Shirka Dib u Heshiisiinta Dawladda iyo Mucaaradka wajigiisa labaad.

 

Wafdiga Dawlada oo ka kooban 21-xubnood ayaa ka duwan wafuudan hore, waxaana sare loo qaaday xubnaha shirka Dawlada oo wajigiisii hore ahaa 9-xubnood.

 

Xubnaha Dawlada u matalaya shirkaas ayaa ka dagay Jabuuti, iyadoona halkaas ay ku soo dhoweeyeen Saraakiisha Qaramada Midoobey, Gudi gaar ah oo ay Jabuuti u saartay soo dhoweynta Dowladda.

 

Magaalada Jabuuti ayaa gashay mashquulkii ugu cuslaa, iyadoona Hotelada Magaalada ay buuxiyeen Wafuud caalami ah oo shirkaas kor joogto ka noqon doona.

 

Shirkan oo ah mid ahmiyad ballaaran leh ayaa labada dhinac ee Dawlada iyo Mucaaradka waxaa laga dareemayaa hididiilo aad u weyn, waxaana la filayaa in dhinacyadaas ay si rasmi ah isku soo hor fariistaan.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee Jabuuti aanu ka helno ayaa sheegaya in ilaa iyo hada aanu furmin shirka, isla markaana ay dhici karto in shirku dib u dhaco maalinta berrito ah, maadaama waqtiga shirka la filayay inuu qabsoomo la soo dhaafay.

 

Ilo ku sugan Jabuuti ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Xubnaha Mucaaradka ee horay uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ay Hotelka Wafdiga Dawlada ku soo booqdeen, dabadeedna ay is marxabeeyeen.

 

Sidoo kale Xubnaha Wafdiga Dawlada waxaa ku soo booqday Hotelka la dejiyay Wasiiro ka mid ah Dowladda Jabuuti oo ku dhiira geliyay Wada hadalada.

 

Kulanka oo muhiimad gaar ah leh ayaa waxaa u kuur geli doono Wafuud ka socota Golaha Ammaanka oo maalinta berri soo booqaneysa, waxaana 15-ka dal ee ka tirsan Golaha Ammaanka ay yihiin kuwo wakiilo ka kala socda.

 

Inkasta oo Kooxaha Mucaaradka ay is khilaafsan yihiin, hadana mucaaradka intiisa badan ayaa xaadir ku ah Jabuuti, hase ahaatee Madaxda isbaheysiga dib u xoreynta ayaa ku sugan Dalka Yemen, kuwaasoo la filayo in saacadaha soo socda soo gaaraan Jabuuti.

 

Shirka Dib u Heshiisiinta Dawlada iyo mucaaradka Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa ah kuwo aad indhaha loogu hayo waxyaabaha ka soo bixi kara, iyadoo wada hadaladan ay ka xoog badan yihiin kuwii hore, maadaama Beesha Caalamka oo idil ay usoo wada jeesatay.

 

Cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Wafdiga DFKM u matalaya shirka Jabuuti oo gaaray dalka Jabuuti

Posted to the Web May 31, 18:13

 

 

Muqdisho:-Wafdiga u matalaya DFKM shirka Jabuuti ayaa gaaray dalka Jabuuti waxaana wafdiga horkacaya R/wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Warfaafinta iyo Sport-ga Axmed C/salaan Xaaji Aadan

 

Wafdiga ayaa waxaa uu ka kooban yahay 21 xubnood mar uu saaka la hadlay saxaafada R/wasaare xigeenka ayaa waxa uu sheegay inay raji wanaagsan ka qabaan inay guulo wax ku ool ah kasoo baxaan shirka Jabuuti.

 

 

Dhinaca kale diyaargarow balaaran ayaa ka socda dalka Jabuuti iyada oo ay dalkaas ku sii qulqulayaan wafuud ka socota QM Jamacada Carabta iyo Midawga Afrika.

 

Hogaanka Sare ee Isbahaysiga ayaa joogin Jabuuti waxaana la filayaa in uu soo gaaro dhawaan dalka Jabuuti wafdiga Isbahaysiga ayaa haatan ku sugan dalka Yemen.

 

C/casiis Maxamed Farax

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

When reading this "waa la is marxabeeyey" I thought it like xabadeeyey aa!!! mise...waa afsomali la madhmadhojiyey 2008. waxay marxabeeyey!

 

Point: I dont think something positive would ever come out as long as the TFG's position towards amxaaro presence or exit timetable is nonnegotiable

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Anything is negotiable adeer, stop looking for any daldalool to prolong the Somali conflict...

 

Marxabeeyay means shafka la isku salaamay, no wonder you thought it 'Xabadeeyay' because waxaa kugu qafilan dagaalka Somalida inuu sii socdo...

Share this post


Link to post
Share on other sites

The dh suffix is the correct Somali.

 

For instance, Gabar and Gabadh. If we want a plural term for Gabar, we can't think of it, but for gabadh, it is gabdho

Share this post


Link to post
Share on other sites
CapeTown   

Sheikh Xasan Daahir iyo Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo mar kale ku celiyey xubnaha matalaayo Isbaheysiga in ay yihiin kuwa aan matalin Shacabka xaq u dirirka ah

Asmara

 

 

Hal mar ayaa waxaa hadal isku mid ah ka soo yeeray golaha dhaqanka Midnimada ****** iyo Garabka Isbaheysiga Asmara ee uu hogaamiyo Sheikh Xasan Daahir Aweys kuwaas oo u kala hadleen Sheikh Xasan Daahir Aweys iyo Nabadoon Axmed Diiriye Cali labadaas masuul o sheegay in shirka Jabuuti yahay Shir qool lagu marin habaabinaayo halganka loogula jira sidii looga xureyn lahaa Soomaaliya Ciidamada Itoobiya .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. It shows how your mind works adeer. Cade Muse & Abdullahi Yusuf are elected, and have coem though a political channels.

 

Xasan dahir is a warlord who pretends to be a shiekh and sends children to war.

 

Why is he and his clansmen Diriye looter with IndaCade the only two against the Djibouti talks

 

Also is Asmara more holier than Djibouti? ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Koora-Tuunshe:

The
dh
suffix is the correct Somali.

 

For instance, Gabar and Gabadh. If we want a plural term for Gabar, we can't think of it, but for gabadh, it is
gabdho

Hokey, wax la gartay. Laakiin how do you say 'gambar?' Gambadh? And why is it Hargeysa, while at the same time most speakers of this lahjad spell the word harwanaag as hadhwanaag? Again, some say the word waraf as wadhaf, but have no problem when they pronounce and write warfaafin, warbaahin, wargeys and so on.

 

Don't you see inconsistencies?

 

The speakers of this lahjad ayaaba wareersan intii meel kala la aadin; some assume the "dh" letter is just an "r" one and can be substituted to it anytime, which is not. At one time, I believe, dh letter was different from r, as different as an s and sh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this