Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Kulmiye Delegations Arrives in laascanood

Recommended Posts

Wafti ka socda xisbiga Kulmiye oo kulan la qaatay bulshada Laascaanood.Daawo.

Warkii 10-May-2010 iyo Qormadii: NEWS

Wafti ka socda xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye oo ay ka mid yihiin gudoomiye xigeenka baarlamaanka Baashe Maxamed Cade iyo Fu'aad Aadan Cadde,iyo weliba masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbigaas ayaa kulamo kala duwan la leh qaybaha kala duwan ee bulshada reer Laascaanood,iyagoo kala hadlay doorashooyinka soo socda iyo inay xisbigaas codkooda siiyaan,iyagoo soo bandhigay barnaamijka xisbigaas.

 

 

Xaga hoose ka daawo kulankii waftigu la yeeshay bulshada reer Laascaanood.

 

Video

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Axmed Xaaji Cali Cadami iyo wafti kale oo soo gaadhay Laascaanood.

Warkii 12-May-2010 iyo Qormadii: NEWS

Wafti uu horkacayo gudoomiyaha ololaha doorashooyinka gobolada Bari ee xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdi gaboose iyo xubno kale oo uu ka mid ahaa siyaasiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Cali Siciid Raygal oo ka tirsan golaha dhexe xisbiga kulmiye ayaa soo gaadhay magaalada Laascaanood,waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada iyo guud ahaan deegaanadii ay soo mareen waftigan oo maalmahanba laga sugayay magaalada.

 

 

 

 

Waftigan ayaa lagaga hortagay degmada Adhicadeeye, halkaasoo taageerayasha xisbiga ee gobolka iyo dadweyne fara badan ku sugayeen, iyaga oo isu gelbiyay dhinaca magaalada, waftiga ayaa markuu soo gaadhay magaalada,waxa si toos ah u tagay hotel Xamdi, halkaasna kula hadlay boqolaal taageerayaasha xisbiga, waxaana soo dhaweynta watiga ka qayb qaatay xubno ka tirsan golaha dhexe xisbiga kulmiye oo hore ugu sugnaa magaalada oo ay ka mid yihiin xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdiwaaxid, xildhibaan Baashe Maxamed Cade iyo Fu,aad Aadan Cade iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka sool.

 

 

Waftiga ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay, waxayna sheegeen inay u yimaadeen si ay taageerayaashooda ku dhiiri geliyaan, si, u qataan kaadhka cusub iyagoo sidoo kalena u sheegay inay la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

 

Dhinaca kale waxaa isla maanta magaalada gudaheeda laga dareemayay dhaliyarada iyo taageerayaasha xisbigu UDUB oo samaynaya banaanbax ay ku muujinayaan taageeradooda, iyagoo socod iyo gaadiid ku soo maray dariiqyada kala duwan magaalada,waxayna markii danbe shir jaraa,id ugu qabteen meel fagaare ah ,arimahan ayaa ku soo beegmaya xili uu saaka soo galay magaalada wafti uu hogaaminayo Dr. maxamed Cabdi Gaboosi, waxaana halkaasi kula hadlay gudoomiyaha xisbiga UDUB ee gobolka sool Cabdi Cabdilaahi Liibaan, isagoo sheegay in xisbiga kulmiye uu ka masuul yahay mudaharaado ishuwan oo saaka ka dhacay magaalada .

 

 

Isku soo wada duuboo mudaharaadayaal saaka lagu arkaya wadooyinka kala duwan ee magaalada ayaa qaarba cod ku dhawaaqayeen iyadoon la garanayn sababaha rasmiga ah ee ka danbaysa mudharaadkaas.

 

Afnugaal News Desk.

 

Contact:info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this