Sign in to follow this  
Suldaanka

Breaking news from Hargeisa

Recommended Posts

Political Prisoners.

 

Qudhaanjoy ku quuso!!! :(

 

An old Soomaali saying goes: Abaal nin gala waa jira laakin nin guda la waa.

 

Daahir Riyaale, a longtime Siyad Barre yes man, and in particular one of the men that had a direct role in the attempted genocide; and later in the spirit of reconciliation and peace was forgiven, is today celebrating what every dictator dreams about: Having Political Prisoners. Aduunyo waataa. redface.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Riyaale's Prisoners

 

u_2d_2007-7-24-16-51-4f_u_2d_2007-7-9-11

 

1. Doctor Mohamed Cabdi Gaboose

2. Muj. and Engineer Maxamed Xaashi Cilmi

3. Muj. and Businessman Jamaal Caydiid

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masuuliyiintii Ururka Qaran Oo Xabsiga Loo Taxaabay

 

 

Hargeysa(Qaran)- Gudoomiyihii Urur Siyaasadeedka Qaran ee aan sharciyaysnayn Dr.Maxamed cabdi Gaboose Iyo Labadiisii ku xigeen ayaa la xidhay ka dib markii Maxkamada Gobolka Hargeysi ay meelmarisay xidhigooda.

 

 

Gudoomiyaha Ururka ee sharcidarda ah Qaran iyo Gudoomiye ku xigeenkii Kowaad Eng-Maxamed Xaashi Cilmi iyo Gudoomiye ku xigeenkii 2-aad ee Ururkaas Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa saaka sadexdaba looga yeedhay inay hor yimaadaan Maxkamada Gobolka Hargeysa,ka dibna waxa loo qaaday dhinaca Saldhiga.

 

Xadhiga Madaxda urur Siyaasadeedka Qaran ee aan la diwaangelin ayaa ahaa mid qabqabashadooda ay shacbigu u dhegtaagayeen sadexdii cisho ee la soo dhaafay ka dib markii ay soo baxeen wararka ku saabsan in xukuumada Somaliland ay sadexdaas masuul u soo jartay Waaran maxkamadeed oo lagu xidhayo.

 

Hoggaamiyeyaashii Ururka Qaran ayaa wararku sheegayaan in isla maantaba loo gudbinayo Jeelka madheera.

 

Xadhiga Hoggaanka Sare ee Qaran ayaa ku soo beegmay laba todobaad ka dib markii Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro] uu Masuuliyiintan farta ka saaray qoraal uu ku wargelinayay inay joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ay Taageerada ururkooda ugu doonayeen isagoo ugu hanjabay in Talaabo dag laga qaadi doono haddii aanay ka hadhin wax uu ku tilmaamay Ururka sharci darada ah eeay ku dhawaaqeen.

 

Ilaa imika waxa aan iyana la qab-qaban koox dhawaan magaalada Burco ee Gobolka togdheer kaga dhawaaqday Urur siyaasadeed labaad oo aan la diwaan gelin oo La Magac baxay BADBAADO.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is a norman process ...... those politicians should learn and obey the constitution or this is the punishment.

 

They've been warned right ?????

 

 

BUUQ SIYAASADEED LOOMA BAAHNA XILLIGAN ,,,,,,, Somaliland can hardly hadle with 3 parties and they want to bring more ??

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (Somaliland.org) – Ciidamada Booliska ayaa saaka subaxnimadii hore qabqabtay siyaasiyiinta ugu sarraysa hoggaanka ururka QARAN, isla markaana u taxaabay xabsiga.

 

Ciidamada Boolisku waxay guryahooda oo ku yaalla meelo kala duwan oo magaalada Hargeysa ah ka soo qabqabteen, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah Guddoomiyaha ururka Qaran, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo ah Guddoomiyekuxigeenka ururkaas iyo Jamaal Caydiid, waxaana isla saaka loo qaaday Xabsiga Mandheera.

 

Xadhiga siyaasiyiintaas oo la filayey ilaa Khamiistii Dorraad, waxa la fuliyey saaka subaxnimadii hore, abbaaro 6:00 aroornimo.

 

Laba ka mid ah, siyaasiyiintaas, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Inj. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa iyaga waaranka ama amarka qabashadooda ay xukuumaddu gacanta ku haysey ilaa Khamiistii, halka Jamaal Caydiid isla saaka Maxkamadda la geeyey, si looga xalaaleeyo xadhigiisa.

 

Wax dhibaato ahi kama dhicin qabashada siyaasiyiintaas oo lama filaan ku noqotay dadweynaha Hargeysa, laguna baraarugey barqadii saaka markii loo dhaadhiciyey xabsiga Mandheera.

 

Ururka Qareennada Somaliland, Xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE iyo dad kale oo badan ayaa hadda abaabulaya shirar jaraa'id oo ay kaga hadlayaan xadhiga siyaasiyiintaas.

 

Wixii ka soo kordha kala soco halkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

JB – dear laddi, you did not just make this statement, did you?

 

“It is a norman process ...... those politicians should learn and obey the constitution or this is the punishment. They've been warned right ?????.

 

BUUQ SIYAASADEED LOOMA BAAHNA XILLIGAN ,,,,,,, Somaliland can hardly hadle with 3 parties and they want to bring more ??”

 

What are you, a bloody parrot, or a wretched “subaalad” anyone digs at will? Damn, when are you people gonna stir from the drunken stupor?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

It is a norman process ...... those politicians should learn and obey the constitution or this is the punishment.

 

They've been warned right

MR. JB hope you are not part of the Recently appointed riyales Judicial Servants. Anyways since you said its Unconstutional to have a new political party please show us how? Otherwise stop being the "DUKE" for Riyaale sxb but be a "DUKE" for A genuine Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

An old Soomaali saying goes: Abaal nin gala waa jira laakin nin guda la waa.

 

Its totally right Suldaan But, what would those that put him in power expect from him. Remember the other somali Adage " Talo waa mar aad garan weydid iyo mar aad gadhi weydid."

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Mawqifka Xisbigiisa Ee Xadhiga Siyaasiyiinta QARAN, Kadib Shir Degdeg Ah Oo Xisbigu Yeeshay

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 28 July, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay xadhiga siyaasiyiinta ururka Qaran.

 

Shirkaas kadib, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE uu si kulul u cambaaraynayo xadhiga siyaasiyiinta Qaran oo ay u arkaan mid aad u foolxun oo ku lid ah dimuqraadiyadda, dastuurka iyo xuquuqda muwaaddiniinta.

 

"Arrintaasi waxay noogu muuqatay oo aanu aad iyo aad u dhaleecaynaynaa in dalku qaaday – maamulkiisa hadda jiraa – jid aad u cawaaqib xun oo ah mid lagu tilmaami karo wax alla wixii qiyamka dadku ahaa oo dhan ka baydhaya, " ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

 

"Sidaa daraadeed, annagu waxaanu u soo jeedinaynaa, waanu dhaleecaynaynaa, si buuxda ayaanu u dhaleecaynaynaa. Waxaanu leenahay dadkaa waa in xorriyaddoodii iyo madax bannaanidoodii loo soo celiyaa, " ayuu raaciyey.

 

Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay inta ay ka warhayaan in siyaasiyiintaasi ay ka hadlayeen xorriyatul-qawlkooda iyo waxa sharcigu siinayo.

 

"In xisbi loo furo iyo inaan loo furin arrimahaasi waxay u taallaa hay'adaha sharciga taa in badan baanu nidhi, inkasta oo aanu qabno inay xaq u leeyihiin, " ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

 

Waxana uu intaa ku daray oo yidhi, "Balse, kolleyba ta aannu u aragno inaan marnaba lagu qabsan kari waxa weeye, xorriyatul-qawlka. Ilaa iyo haddana wax xorriyatul qawl dhaafsiisan oo ay sameeyeen ama ay ku kaceen maanu arag".

 

Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in xisbigu xadhiga siyaasiyiintaas uu wax iska weydiiyey, welina uu la socdo tashi kale oo dheeraad ah oo ku saabsan wixii sharcigu u ogol yahay ee xisbigu ka qaadan karo arrintaas.

 

Guddoomiyuhu wuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo waxa ay ka tashanayaan iyo tallaabooyinka dambe ee ay qaadi doonaan. Hase yeeshee, warar ku dhowdhow shirkii degdegga ahaa ee xisbiga ayaa sheegaya in lagu magacaabay guddi gaar ah oo aan la sheegin hawshooda.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

 

E-mail: dubad@Somaliland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo faahfaahin ka bixiyey xadhiga hoggaamiyayaasha ururka QARAN

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 28 July, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali ayaa faahfaahin ka bixiyey xadhiga siyaasiyiinta ururka Qaranka ee saaka xabsiga loo taxaabay. Waxana uu sheegay in xadhigooda loo maray sifo sharci ah, dhakhsona maxkamad loo horgeyn doono.

 

Wasiirka Arrimaha Guduhu warsaxaafadeed uu maanta soo saaray, waxa uu yidhi, "Kooxdaas oo kala ah: Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid, waxay ku eedaysan yihiin khalkhalgelinta siyaasadeed ee ku wajahan doorashooyinka Qaranka iyo nabadgelyada bulshada reer Somaliland ay ku jirto".

 

Warsaxaafadeedka Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu intaas ku daray in siyaasiyiinta ururka Qaran ay si cad uga horyimaaddeen Qodobka 9aad, xarafkiisa 2aad ee Dastuurka Qaranka Somaliland iyo qodobka 23aad farqaddiisa 4aad ee Dastuurka oo sheegaya xorriyadda Dhaqdhaqaaqa iyo is-abaabulka. Waxaana reebban ayuu yidhi, warsaxaafadeedku "waxkasta oo lid ku ah shuruucda iyo Dastuurka Qaranka, Nabadda iyo xorriyadda Qarankana khalkhal gelinaya".

 

Wasaaradda Arrimaha Guduhu, warsaxaafadeedkeeda, waxay sheegtay in bishii May ay wasaaraddu soo saartay bayaan cad oo sheegaya in ururka Qaran uu yahay mid aan sharciga waafaqsanayn, ugana digtey siyaasiyiintaas inay sharciga ka tallaabaan.

 

Warsaxaafadeedka Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa kale oo uu sheegtay in xisbiyo sharciyaysan oo Saddex ahi ay dalka ka jiraan, kuwaas oo uu sheegay – inkasta oo ay sharci yihiin – in haddana aan la gaadhin wakhtigii ololaha doorashooyinka.

 

"Xadhigga nimankaasi ee sare ku xusan waxa loo maray sifo sharci ah, waxaanna la horgeeyey maxkamad, kadib markii ay maxkamaddu waaran Qabasho ah u soo gudbisey, waxaana si degdeg ah loo horgeyn doonaa Maxkamadda Awoodda u leh, " ayuu Wasiirka Arrimaha Guduhu ku soo gebagebeeyey warsaxaafadeedkiisa.

 

Dhinaca kale, ururka Qareenada Somaliland ayaa warbixin uu maanta soo saaray ku caddeeyey in ururka Qaran uu waaqafsan yahay dastuurka iyo shuruucda dalka.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

 

E-mail: dubad@Somaliland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Xubnaha Ururka Qaran Oo Magacaabay Guddi Sii Wadda Hawsha Ururka

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 28 July, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Xubno ka tirsan ururka Qaran ayaa maanta shir jaraa'id oo ay kaga hadlayaan xadhiga hoggaamiyayaasha ururkaas ku qabtay Baar Xaraf magaalada Hargeysa.

 

Shirkaa jaraa'id waxay ka sheegeen xubnahaasi inay magacaabeen Guddi Qabanqaabo oo sii wadda hawsha ururka inta hoggaankii ururku xabsiga ku jiraan.

 

 

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa saaka qabqabtay Guddoomiyihii ururkaas, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo labadii Gudoomiyekuxigeen, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid.

 

 

Xubnaha ururka ee Shirka Jaraa'id qabtay, waxa ka akhriyey qoraal guddidu diyaarisay, Mr. Maxamad Xaaji Maxamuud Xirsi oo ka mid ah xubnaha guddida, waxana uu u qornaa sidan:

 

 

"Dalkeena, sida aynu wada ogsoonahay, dhibaato weyn iyo burbur ayaa ka dhacay, kuwaas oo ka dhashay dulmi balaadhan oo dalka saameeyay. Markii Alle ina waafajiyay, ee aynu ku guulaysanay in aynu dalkeenii xoraysano, maamul aynu leenahayna samaysano, dalka si loo badbaadiyo waxa loo dhigay Distoor iyo xeerar uu ku kala socdo.

 

 

Ururka Qaran, oo ay hoggaaminayeen mujaahidiin dalka in badan u soo halgamay, waxa uu raacay sharciyaddii iyo xeerarkii dalka u yaalay. Sidii ayaanu u qaaday tubtii uu xeerku qeexayay si ay u helaan diiwaan-galintii ururada ee xeer No.14 uu qeexay.

 

 

Haddaba, Ururka Qaran, isaga oo sharciyadda ku taagan, xaqiisana sharci iyo nabad ku doonaya, ayay haddana xukuumaddu xaq-darri ku xidhay hogaanadiisii. Ilaalinta xuquuqda iyo shuruucda dalku waa mid u taala ummadda dhammaanteed, taas oo uu ka adeegayo kolba cidda maamulka haysaa.

 

 

Waxa maanta nasiib-darro ah in maamulka jiraa uu ku sii durkayo xaggii Sharciga Duur-joogta (Jungle Law), oo mujaahidiintii dalkan u soo halgamay, oo xaq iyo sharciyad ku taagan, uu xaq-darro iyo dulmi ku xidh-xidho.

 

 

Gaboose waxa uu ahaa mujaahid halgankii iyo nabaddii Somaliland kaalin weyn oo mug leh ka qaatay. Mujaahid Maxamad Xaashina waxa uu ahaa fara-ku-tiriska yar ee ka sii nool asaasayaashii ururkii SNM. Jamaal Caydiid waxa uu ahaa mujaahid dalka u soo hagamay oo isaga oo qadiyaddeena u xidhan, xabsiga uu maanta ku jiro ay SNM ka jabisay 1988kii.

 

 

Umadda S/L bay haddaba u taalaa sida ay u ilaashan lahaayeen xuquuqdooda, xoriyaddooda iyo Distoorkii ay u codeeyeen. Ururka Qaranna doonistiisii xaqa ahayd ee diiwaan-galinta ayuu halkiisii ka wadayaa".

 

 

Guddiga Qabanqaabada Ee Qaran:

 

 

1- Cali Ducaale Faarax

 

 

2- Maxamad Cabdi Daauud

 

 

3- Abiib Xasan Ismaaciil

 

 

4- Maxamad Jaamac Caraale

 

 

5- Maxamad X. Maxamuud Xirsi

 

 

6- Cabdi Yuusuf Jaamac

 

 

7- Maxamad Jaamac Axmed

 

 

Warar aan si rasmi ah daboolka looga qaadin ayaa sheegaya in ciidanka Booliska Amar lagu siiyey inay qabqabtaan dhammaan xubnaha kale ee ururka Qaran oo ay ku jiraan wakiillada Gobolada.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa. :confused: :confused:

 

E-mail: dubad@Somaliland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sammurai and Xargaga,

 

Dr. Gaboose is a well respected doctor in his field and ppl are in need of his assistance ,, imagine how many are now sick and need his treatment while he is running after the dirty political games ?? he should respect his profession and work for the people ,, everybody knows politics is a dirty and this is what he will gain, to be in jail or to be crazy for campaigning ,,,,,,,,

 

Mohamed Hashi is a very good and telented man when it comes to the management but he has a problem. There are many ways he can make a change but this time he is absolutely wrong.

 

Now speaking of their arrest, let's not jump just like that and analyse the situation. Here is the summary:

 

1- They announced the party in April and immediately the government reacted.

2- The government issued an statement saying it is illegal to have a fourth party in the country.

3- Even if other parties are required for the municipality elections, they did not wait for the appointment of the electoral committee and the green signal of the government.

4- They publicly rejected the governments statement and went to start their own campaign just like that.

5- The government issued a warning against their activities but they insister to go ahead with their campaign refusing all the possible mediations from the government's side.

6- Their arrest did not come with an order from the president, the court ordered the police to arrest them which is a legal process when the government want to arrest someone.

 

 

I'm not applauding President Rayaale although he is my president ,, but let's just jump with our usual excitememt and shout out without consideration.

 

I don't think they will stay too long in the jail but i believe it is a lesson to whoever wants to take the same path.

 

We have an elected government and constitution ,, let's respect that and forget about the chaos we passed many years ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waaranka qabashada masuuliyiintan ayaa waxa uu ka soo baxay Maxkamada gobolka hargeysa, nuqul ka mid ah waarankaas oo sdwo soo gaadhay ayaa waxa ku saxeexnaa Dr Siciid Yusuf Cabdi, Guud ahaana waxa uu waarankaasi oo ku taarikhaysan 26kii July uu ku kooobnaa 3 qodob in la soo qabato sedexdaas eedeeysane, 1. In marka la qabanayo eedeeysanayaasha la ilaaliyo xasiloonida iyo nabadgelyda. 2. In amarka qabashada la fuliyo inta u dhaxaysa 6da subaxinimo ilaa 6da fiidnimo. 3 In marka eedeeysanayaasha la soo qabto sitoos ah loo horkeeno maxkmada gobolka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

HARGEISA, Somalia, July 28 (Reuters) - The government of the breakaway Somali republic of Somaliland on Saturday arrested three politicians planning to form an opposition party, in a move diplomats said could hurt its bid for sovereignty. Security forces arrested the leader of the Qaran political association, Mohamed Abdi Gaboose, and his deputies Mohamed Hashi Elmi and Jamal Aideed Ibrahim, and charged them with founding an illegal organization and creating instability.

 

A regional court ordered the three held at Mandera prison.

 

Somaliland permits by law only three political parties, a situation which Qaran has criticised repeatedly.

 

It wants voter registration -- due earlier this month -- to go ahead so that it can gain the numbers it needs to be among the three legally recognised parties ahead of presidential elections due on April 15.

 

All three existing parties, including that of President Dahir Rayale Kahin, oppose that.

 

"We strongly condemn the arrest of the leaders of the political organization. We strongly urge that they immediately be released," said Mohamed Saed Hirsi, chair of the Somaliland Lawyers' Association.

 

The government had no immediate comment.

 

 

FUNDS AT RISK

 

Diplomats say the arrests may put at risk funds which the government hoped to get for local elections due later this year.

 

"This would obviously jeopardise the democratic process the international community is willing to support," said a Nairobi-based diplomat who declined to be named.

 

"By doing so, Somaliland is probably jeopardising its efforts to gain recognition for its sovereignty."

 

Somaliland, in the northwestern corner of Somalia bordering Ethiopia, broke away from the rest of the country in 1991, when warlords overthrew last national president Mohamed Siad Barre.

 

Since then, the former British Somaliland has pushed for sovereignty on the grounds that it was separate for a few days after independence in 1960 until it joined the former Italian colony of Somalia to form the modern state.

 

The African Union and its predecessor body have generally preferred to keep nations within the colonial borders at independence to discourage a flood of separatist movements.

 

Somaliland has won some in the international community to its side, but is still struggling to gain critical mass. It refuses to have anything to do with the interim government in the rest of Somalia, which also claims Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Jacaylbaro:

Dr. Gaboose is a well respected doctor in his field and ppl are in need of his assistance

As far as my knowledge is concerned Gaboose always cut out as a poliical figure. And in this scenario both his profile and that of his party has been given a big boost by this uncalculated move by Riyaales regime. Just imagine the number of people who have never hear of Qaran untill now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this