Sign in to follow this  
Cowke

Baraxlay: Galmudug Thugs Just Robbed Qaran Express $500,000 And Kill A Worker

Recommended Posts

Cowke   

qaran-330x330.jpg

 

Gaalkacyo:Xawaalada Qaran Laanteedii Gaalkacyo oo Saaka laboobay.

 

31. juli 2010

 

Gaalkacyo:(Allpuntland-Koox Malayshiyo ah oo ka kooban 8-Ruux ayaa Saaka waxay Weerar ku qaadeen islamarkaasna boob baahsan u

geysteen Xafiiska Xawaalada Qaran ee magaalada Gaalkacyo oo ku yaalay halka lagu magacaabo Cajabta oo ah halka ay iska galaan Xaafadaha Koonfureed & kuwa Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

 

Kooxdan Sideeda ruux ka kooban oo la sheegey inay kasoo duuleen islamarkaasna ay iska soo abaabuleen Xaafada Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo ayaa rasaas xoogan ku furay Shaqaalihii goobta,waxaana halkaas ku geeryooday Hal ruux halka Waardiyihii Xawaalada oo ilaalo ka ahaa Goobtana uu dhaawac culusi soo gaaray,waxaana ay kooxdani boob baahsan u gesyteen Dhamaan wixii Lacag ahayd oo ku jiray Khasnadaha Xawaalada.

 

Qof goobjooge ahaa ayaa APL u sheegey in qofka geeryooday oo Rayid ahaa uu lahaa goob ganacsi oo kasoo horjeeda halka falkani ka dhacay,waxaana uu intaas kudaray inuu indhihiisa ku arkay Malayshiyadan oo wadata Khasnado waaweyn islamarkaasna usoo cararaysa dhanka Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

 

Midkamid ah Shaqaalaha Xarunta Qaran ee Gaalkacyo ayaa APL isna u sheegey in khasnadaha la dhacay ay kujirtay in kabadan $500,000 waxaana uu intaas ku daray inay jiraan lacago kale oo ay goobta ka qaateen oo iyana aad u farabadan,waxaana uu sheegey in Ciidamada Amaanka ee gobolka Mudug aysan goobtooda imaan.

 

Falkan lagu dhacay Xawaalada Qaran ayaa noqonaya falkii ugu horeeyey ee in mudo ah ka dhaca gudaha magaalada Gaalkacyo kaas oo goob Xawaalad ah lagu dhacay,waxaana ay Malayshiyadii falkan geystay oo ka faa'iidaysanaysa jiritaan la'aanta Maamul fadhiya oo kajira Koonfurta Gaalkacyo ay imika kusuganyihiin Koonfurta Magaaladaas.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

That qaran express is located in the waqoyi part of galkayo so they robbing puntland traders. War nimanka yaa naga ceeshto oo islam ah. It's about time their is response given to them and hell with abdullahi yusuf and his "pledge" to aideed because these people want to kill us now rob us what tommorow? I dont want to a find out, its time to sweep thru baraxlay and put it on bandow and manage that lawless district where galmudug has just vacated it and left it in the hands no man.

 

Ahlul sunnah apparantely took over is what I read last week but beesha galmudug oo wadaad noqday oo imaamat xirtay oo guri islameed dhex seexdo hamar diinta muxu ka yaqan ilahi baan kugu dharshe lol.

 

Stop your wadaad politics because u cant lie to God

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Dabley Hubeysan oo Dhac u Geystey Xawaaladda Qaran Express Xafiiskeeda Gaalkacyo

July 31, 2010

0 comments| leave your own!

 

Dabley hubeysan oo aan la garan haybtooda ayaa maanta dhac u geystey xafiiska xawilaada shirkadda Qaran Express ee magaalada Gaalkacyo, Waraysi Horseed Media la yeelatay masuulka us areeya shirkadda Qaran ee Puntland Cabdilatiif Yusuf Barre ayaa u xaqiijiyey in arintaasi dhacdey waxaana ku geeriyoodey waardiyihii shirkadda sidoo kale waxaa ku dhaawacmey mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda.

 

Dableyda ayaa lagu soo waramayaa in ay la baxeen lacagtii loogu tala galay in la siiyo dadka lacagaha loo xawilo, waxana ay ka baxsadeen goobtii falku ka dhacay.

 

Ciidamada amaanka & maamulka gobolka ayaa gaarey xarunta shirkadda, waxaana ay halkaas ka bilaabeen baaritaan ku aadan falka burcadnimada ah ee dhacay, waxaana ay sheegeen in ay wadaan qorshe lagu ogaanayo halka ay u dhaqaaqeen burcadda dhaca geystey.

 

Waa arin aan horey u dhici jirin in shirkadaha gaarka loo leeyahay boob iyo dhac loo geystey maalin cad.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

DEG DEG: Koox Dabley Ah Oo Weerartey Xawaalada Qaran Gaalkacyo Lacagna a Boobtay

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Garowe

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Hal ruux ayaa geeriyoodey mid kalena waxaa soo gaarey dhaawac kadib markii koox dabley ah oo ku hubeysan bistoolado ay weerar ku qaadeen Xawaalada Qaran ee magaalada Gaalkacyo.

 

Halka ruux ee geeriyooday ayaa la sheegay in uu ahaa waardiyihii xawilaadaasi oo lagu magacaabi jiray Jaamac dheere, waxaana sidoo kale dhaawac fudud uu soo gaarey mid ka mid ah shaqaalaha Xawilaadaasi oo ku jiray isla gudaha xawilaada Qaran.

 

Dableyda ayaa lagu sheegay in ay tiradoodu gaareysay ilaa iyo shan ruux kuwaasi oo ku hubeysnaa bistoolado, waxaana wararku intaa ku darayaan in ay dhaceen lacag taalay xawilaada gudaheeda, iyagoo qadar daqiiqado ah kadib halkaasi ka baxsadey.

 

Maamulka Gobolka Mudug, Kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiisha Amaanka Gaalkacyo ayaa durbadiiba gaarey halka xawilaada Qaran ay ku taalo, waxaana haatan socda baaritaano la xiriira maleeshiyaadkii weerarka ku qaadey Xawilaada Qaran Gaalkacyo, waxaana wararka hordhaca ah ee la helayo ay sheegayaan in Gudoomiyaha Gobolka Mudug Col, Axmed Cali Salaad uu sheegay in lahayo heybta ragii burcada ahaa ee weerarka dilka sababay ku qaadey xawilaada Qaran.

 

Waa markii ugu horeysay ee fal ceynkani oo kale ah uu ka dhaco gudaha magaalada Gaalkacyo, waxana arintani ay tahay mid ku cusub gobolka Mudug, iyadoo dadka magaalada Gaalkacyo ay aad ula yaaban yihiin falkani foosha xun ee dadka lagu laayey islamarkaana lagu dhacay hantida shacabka ee taalay Xawilaada Qaran.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Originally posted by Dabshid:

With no insurance to cover the damages, and the lost of one life, Waa dhib wayn

There is a reason why galkayo is neglected from investment lol :D

 

I mean look at galkayo picture from univeral tv its totally neglected for good reason and this is news story is why. Garowe/Bosaso are our future. We just keep galkayo for security reasons wax kale lagama rabo.

 

Anyways the police have arrived on the scene and investigating the issue and speaking with the hawala guys some reports even suggest nimanka haybtooda wala haaya. I thnk its time we go to baraxley and get our money back or all hell will break lose

 

 

4754259318_efa06fc151.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Gaalkacyo:”Uma Dulqaadan doono in Shacabkayaga mardanbe la dhoco”Duqa Magaalada Gaalkacyo.

 

31. juli 2010

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Maamulka Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa canbaareyn & dhaliil usoo jeediyey Maamulka

Xaafada Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo,waxaana uu Maamulku ku baaqay in deg deg wax looga qabto Falalka amnidaro ee laga soo abaabulayo Koonfurta Gaalkacyo.

 

Duqa Magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji-Xassan oo APL la hadlay ayaa markii ugu horaysay Canbaareeyey Falkii saaka lagu boobay Xawaalada Qaran laanteeda Gaalkacyo,waxaana uu Duqu sheegey in falkaas oo laga soo abaabulay Xaafada Koonfureed ee Gaalkacyo loobaahanyahay in wax laga qabto malayshiyadii geysatay.

 

“Falkii saaka Xawaalada lagu dhacay waan ka xumahay,waxaana ka xumahay in Xaafada Koonfurta Gaalkacyo falkan laga soo abaabulay,waxaanuna u sheegaynaa Maamulka halkaas ka jira in Malayshiyadii Falkan geysatay gacanta lagu soo dhigo”Ayuu yiri duqa Magaalada Gaalkacyo.

 

Cabdiraxmaan Maxamuu Xaaji Xassan wuxuu sheegey in Falkani uusan ahayn midkii ugu horeeyey ee Koonfurta magaaladaas laga soo abaabulo,waxaana uu sheegey in ay Dawladiisu talaabo ka qaadi doonto hadii aanan Malayshiyaadkaas wax laga qaban,waxaana uu intaas ku daray in Maamulkiisu inuusan u dulqaadan doonin Falalka gurucan ee halkaas laga soo abaabulo.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this